Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Biyo yaraan daran oo ka jirto in ka badan 40 tuulo oo ka tirsan Dhuusomarreeb

Radio Ergo by Radio Ergo
January 16, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
BIYO YARAAN IYO KULEYL SAAMEEYAY REER MIYIGA HIIRAAN

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faadumo Cali Xaashi oo qoyskeedu ka kooban yahay toddobo qof, waxay 48-kii saacadoodba isticmaalaan 20 liitar oo biyo ah. Waxay u adeegsadaan cabitaan iyo inay cunto ku karsadaan oo keliya.

Muddo saddex bilood ah ayay marxaladdaan ku jiraan, waxayna ka dhalatay biyo yaraan daran oo ka jirto deegaanka.

Faadumo qoyskeeda waxay ku nool yihiin deegaan la yiraahdo Galo oo 55 km dhanka bari ka xiga degmada Dhuusomarreeb ee gobolka Galgaduud.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in iyaga oo 10 qoys ah ay isla wadaagaan hal booyad oo qaadda 60 foosto, taas oo ay ku iibsadaan $250, waxaana biyaha looga keenaa degmada Dhuusomarreeb.

Qoys kasta wuxuu bixiyaa $25 oo uu ku helo lix foosto oo biyo ah. Lixdaas foosto waxay qoyska Faadumo isticmaalaan 45 maalmood. Dadka ku nool tuuladaan oo ay Faadumo ka mid tahay waxay biyaha iibsadaan marka ay xoolo u iib geeyaan isla Dhuusamarreeb oo biyaha looga keeno.

Soddon neef oo ari ah ayaa Faadumo uga baxay biyaha ay qoyskeedu ku nool yihiin tan iyo markii ay biyo yaraantu dhacday. Hadda waxaa ay dhaqataa 55 neef oo ari ah.

“Waxaan ariga dhex kula soo jirnaa lix maalmood, gaari lacag aan ku saarno uma hayno. Haddii uu gadmi diido in aad mar kale sii lugeysiiso ayay noqoneysaa,” ayay tiri Faadumo.

Intaysan dhicin biyo yaraanta, Faadumo waxay arigeeda waraabin jirtay saddex maalin kaddibba mar, laakiin hadda biyo yaraanta waxay ku khasabtay in toddobaad kaddib ay mar waraabiso.

In kastoo ay adag tahay habka ay biyaha ku helaan dadka ku nool deegaanka Faadumo, waxaa jiro deegaanno kale oo biyo la’aan looga hayaamay. Waxaa ka mid ah deegaanka Inamed oo 36 km bari ka xiga Dhuusomarreeb.

Dhammaan dadkii deganaa deegaanka oo xoolo-dhaqato ah waa ay ka hayaameen, waxaa ku haray 67 carruur ah iyo macallinkooda oo qur’aanka bara. Qoysaska dhalay carruurta uu macallinku halkaas ku hayo waxay ku soo caawiyaan raashinka.

Macallinka oo lagu magacaabo Macallun Cabdinuur ayaa Raadiyo Ergo taleefanka ugu sheegay in barkad ku taalla dugsiga uu carruurta ugu shubo biyo. Lacagta ay waalidka bishi ka siiyaan dugsiga ayuu macallinku ku iibsadaa biyaha.

“Dad badan oo guuray ayaa jiro oo aan ku iri ilmaha aniga ayay ila noolaanayaan. Baraag yar oo boqol fuusto qaaddo ayaan ka sameeyay dugsiga. Nolosha aad ayay u adkaatay,” ayuu yiri macallin Cabdinuur.

In ka badan 40 deegaan oo ay ku nool yihiin xoolo-dhaqato ayay biyo yaraantu ka jirtaa. Roobkii dayrta kama di’in deegaannada qaar, halka deegaanno ka tirsan kuwa oomanaha ahna ay ka cilladoobeen matoorradii ceelasha ka soo saari jiray biyaha.

Deegaanka Gadoon oo isna 40 km u jiro Dhuusamarreeb ayaa ka mid ah meelaha ay biyo yaraanta daran ka jirto, waxaana dadka halkaas ku nool ay ku tiirsan yihiin biyo laga keeno Dhuusamarreeb.

Maamulka gobolka Galgaduud iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee Galmudug ayaa billowgii bishaan Jannaayo kormeer ku tagay deegaannada barigiga gobolka Galgaduud oo ah meelaha biyo yaridu ay ka jirto.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Axmed Cali Jimcaale oo xubnaha kormeerka sameeyay ka mid ahaa ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in daaqa iyo biyaha ay aad ugu yar yihiin deegaannadaas, lagana cabsi qabo in mar kale ay abaar ka dhici karto gobolka. Wuxuu xusay in lagama maarmaan ay tahay in biyo dhaamin loo sameeyo dadka xoolo-dhaqatada ah.

Previous Post

Ceelbarde: In kabadan 20 qof oo ay hayso xiiqdheer dhowaan dillaacday

Next Post

Togdheer: Arday ka baxay fasalka shanaad oo aan sii wadan karin waxbarashada

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Dhadhaab: Arday ku waxbarasho beelay xiristii Ifo2

Togdheer: Arday ka baxay fasalka shanaad oo aan sii wadan karin waxbarashada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo