Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Toddobaatan qof oo ay hayso jadeeco ka diillaacday tuulooyin ka tirsan Balcad

Radio Ergo by Radio Ergo
January 17, 2019
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Cudurka jadeecada oo saameeyay ilaa 300 oo qof oo ku nool degmada Caynabo iyo deegaanno ka tirsan

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Toddobaatan qof oo isugu jira carruur iyo dad waaweyn ayuu soo ritay cudurka jadeecada ilaa bishaan December ee la soo dhaafay ka jirta tuulooyin ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay wakiilka wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle ee Balcad Dr. Cabdullaahi Axmed Caddow.

Soddon ka tirsan dadkaas ayaa la keenay xarumaha hooyada iyo dhallaanka ee degmada Balcad si loo daweeyo, halka qaar kalena ay weli ku sugan yihiin tuulooyinka.

Raxma Colow Muude oo ku nool tuulada Maqaar-careys oo ka tirsan degmada Balcad waxaa cudurka uu kaga dhacay afar ka tirsan siddeed carruur ah oo ay dhashay. Waxay raadiyo Ergo taleefanka ugu sheegtay in carruurteeda ay jadeecada hayso wax ku dhow labo toddobaad. Calaamadaha ay ku aragtay waxaa ka mid ah qandho badan, nabarro ka soo yaacay carruurta korkooda iyo afka oo gaduutay.

Raxma caafimaadka waxba kama aysan baran, mana jirto xarun caafimaad oo ku taalla tuuladeeda oo ay ka xaqiijisay cudurka haya carruurteeda inuu jadeeco yahay, waxayse xustay in calaamadahaan ay ku aragtay carruur horay uga xanuunsatay oo dhakhaatiir ay u sheegeen inay jadeeco hayso.  Afarta kale ee carruurteeda uusan hadda cudurka hayn ayaa ah kuwa uu horay ugu dhacay.

“Geedka mareerka mayraxdiisa ayaan biyo ku ridaa, marka uu midabkoodu is baddelo oo ay gaduud noqdaan ayaan waraabiyaa, waanan ugu qubeeyaa. Habeen iyo maalinba waan siiyaa,” ayay tiri Raxma oo xustay in mararka qaarkoodna ay carruurta siiso maraq ay ka sameyso madaxa ariga oo ay kariso.

Carruurta raxma weligood ma aysan qaadanin wax tallaal ah, nooca uu doonaba ha ahaadee.

Dr. Cabdullaahi ayaa tilmaamay in jadeecada ka dillaacday tuulooyinka ay sababtay reer guuraa badan hayaan ku tagay tuulooyinkaas oo roobkii dayrta uuu si fiican uga da’ay. “Dadkaas ayaa qabay cudurka sidaas ayuuna u saameeyay dadki deegaanka sii joogay,” ayuu Dr. Cabdullaahi u sheegay raadiyo Ergo.

Tuulooyinka uu cudurka ka dillaacay waxaa ka mid ah Yaaqle, Xawaadley, Maqaar-carys, Kalshaale, Dameerow iyo meelo kale.

In kastoo jadeecada marka ay qofka ku dhacdo aysan lahayn wax daawo ah, haddana waxay qofka ku reebtaa xanuunno kale oo u baahan in laga daweeyo. Laakiin waalidiinta ku nool meelaha aan xarumaha caafimaad ku oollin qaarkood ayaa daawada ka aamin inaysan waxba caawin ee ay cudurro keento.

Dadka daawada fikir aan wanaagsaneyn ka haysta waxaa ka mid ah Sanbuur Xasan oo ku nool tuulada Kalshaale oo ah duleedka degmada Balcad. Saddex carruur ah oo uu dhalay ayay haysaa jadeeco, laakiin wuxuu sheegay inuusan ku qanacsaneen inuu xarun caafimaad geeyo, sababtana ay tahay inuu daaweynta ka aaminsan yahay mid aan wanaagsaneyn.

Wuxuu tilmaamay in walaaciisa uu yahay in daawo aan tayadeeda wanaagsan laga siiyo carruurta, ayna dhibaato badan ka soo gaarto.

“Ma aamini karo daawada, daawo aan wax tareynin ayaa la siiyaa dadka iyo xoolaha,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sanbuur oo xusay in daawooyinka qaar iyaga oo dhacay lagu duro dadka iyo xoolaha, taasna ay dhibaato ku keeni karto. Sanbuur carruurtiisa waxay waxay jadeecada ku dhacday 5-tii bishaan aan ku jirno ee Jannaayo.

Dr. Cabdullaahi, wuxuu sheegay in cudurka uu sii fidayo, mana jiro qorshe ay wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle wax uga qabanayso, marka laga reebo in la ogaado xaaladda jirta oo keliya.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 17-JAN-2019

Next Post

Gidheys: Labo kun oo qoys oo ka faa’iideysanaya ceel riig ah oo laga qoday deegaanka

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
QAXOOTIGA XERADA MARATAANI OO BIYO YARAAN KA CABANAYA

Gidheys: Labo kun oo qoys oo ka faa'iideysanaya ceel riig ah oo laga qoday deegaanka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-MAY-2026

IDAACADDA 11-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAY-2026
May 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo