Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Kun iyo shan boqol oo qoys oo ka faa’idaysanaya biyo xireenno laga sameeyay gobolka Bari

Radio Ergo by Radio Ergo
January 4, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Nugaal: 2,600 oo qoys oo ka barakacay abaar iyo biyo-la’aan

Keydka Sawirrada ERGO

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

– (ERGO)- Hiirad Maxamed Ismaaciil oo aabbaha qoys ka kooban siddeed qof, waa xoola-dhaqato xijiyaysato ah. Waxaa isaga iyo in ka badan 1,500 qoys oo reer miyi ah oo ku nool tuulooyinka Balidhidin, Dawaara iyo Sheebaab oo hoostaga degmada Qandala ee gobolka Bari, ay ka faa’iideysanayaan biyo-xireenno deegaannadaas laga hirgeliyay deegaanadaas bishii Noofeembar ee sannadkii hore.

Dhaqaalaha lagu sameeyay oo gaaraya $200,000 waxaa iska uruuriyeen 500 oo qof oo mutadawiciin ah oo kala jooga gudaha Puntland, dalalka khaliijka Carabta,Yurub iyo waqooyiga Ameerika. Qorshaha ay dhaqaalaha isaga ururiyeen oo muddo ka badan sannad ka hor billowday ayaa ujeeddadiisu aheyd sidii biyo loogu heli lahaa deegaannadan oo waqtiyada ay abaaruhu dhacaan ay biyo xumi soo food-saari jirtay sida uu sheegay Cabdirisaq Siciid oo ka mid ah dhallinyarada.

Hiirad oo ku nool tuulada Dawaar oo 20 km u jirta degmada Qandalla xurfo weyn oo roobka dayrtu biyo geliyay ayuu wax ka cabayaa, inta aan la dhisin ka hor wuxuu fuustada biyaha ah ku gadan jiray $8. Waxaa arrintaas ugu wacnaa jidadka baabuurku marayo oo aan wanaagsanayn iyo gaadiidka biyaha dhaamiya oo ciriiri ka jiro.

“Hadda biyaha u horeeyay baa aad loogu liibaanay, dhulkaani xoolaa jooga oo biyaha waa la cabaayaa, dhulkuna waa dhul iska oomane ah oo ceelal ma leh, berkado yar yar oo la qatay hadiiba ay iska dhamaadaan. Dadka ka dhaansanaya oo xoolaha ka cabaaya wax badan bay xaaladda ka bedelaysaa,”ayuu yiri Hiirad.

Guddoomiye ku xigeenka urur ay leeyihiin dhallinyarada howshan fuliyay Cabdirisaq Siciid Faarax ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay ugu talagaleen in marka roobabku da’aan ee la gaaro xilli roobaadyada biyaha ka dhasha lagu keydiyo biyo-xireennadan si muddo dheer ah ay dadka iyo duunyadu uga faa’ideystaan si bilaash ah.

“Dhaqaalaha waxna waa wax aan qofka waajib uga rabno oo aan ka go’naashiyo kula galayno, waxna waa wax aad u yar oo ah maalintii qof kasta oo mashruuca nagala qayb-gelaya uu bixinayo $0.7 oo u dhiganta labo koob oo shaah maalintii bishiina ah $21, sanadkiina $250. Laakiin waxaa garab socota in qofku xor yahay oo haddii ay isagu soo go’aansado ay intaas iyo in ka badan uu naftiisa ula bixi karo, waalidkiis u bixin karo, ilmihiisa u bixin karo,”ayuu yiri saciid.

Cabdirisaaq ayaa xusay dhallinyaradan is xilqaamay ay sii wadayaan uruurinta lacagta si dadka kale oo u baahan biyo ay ugu gargaaraan.

Togagga waa weyn ee deegaannada laga hirgeliyay biyo-xireennada mara waxay biyaha roobabka guga iyo dayrta ku shubaan badweynta Hindiya, balse qorshaha mutadawiciintan ayaa ah inay shan sano gudahood ay ku dhamaystirsaan 75 biyo-xireenno iyo biyo-qabatinno isugu jira oo ay ka samaynayaan deegaan daaqsimeedyada oomanaha ah, sida uu sheegayo Cabdirisaaq.

“Waxaa ka dhalan doonta dadku in ay deegaankooda ku xasilaan, in deegaanno badan oo nabaad-guurka samaynaya la joojiyo, nin walba meeshiisa uu ku ekaado markuu biyo ka helo iyo nolol,”ayuu yiri Cabdirisaaq.

Mashruucan wuxuu sidoo kale shaqo u abuuray dhallinyarada tuulooyinka howshan laga fulinayo iyadoo ay hagaan injineerro mutadawiciin ah oo ka tirsan ololaha. Cabdirisaaq wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in deegaankiiba ay ka hawlgeliyaan in ka badan 50 dhallinyaro ah oo midkiiba uu maalinta shaqadu socoto uu qaato $10.

Wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimillada ee Puntland ayaa saddexdii sano ee u dambeeyay waxay meelaha dhul-daaqsimeedka ah oo ugu badan gobollada Bari, Karkaar, Sanaag, Nugaal iyo Mudug ka hirgelisay 19 biyo-xireen. Meelaha ay hadda mutadawiciintani howsha ka wadaan oo ah dhul aad u fog horay loogama hirgelin biyo-xireenadaas, maaddama ay dowladdu muhiimadda siinaysay meelaha ay aadka ugu fidsan yihiin xoola-dhaqatada ee ay abaaruhu ku soo noq noqdaan, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay isu-duwaha wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland Jaylaani Maxamed Ismaaciil.

 

Previous Post

Kismaayo: Kaneecada oo la sheegay inay faafiso xanuunka kaduudiyaha

Next Post

IDAACADDA MAANTA, JIMCO 4-Jan-2018

Related Posts

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 14, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 13, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA, JIMCO 4-Jan-2018

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-AUG-2026

IDAACADDA 14-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-AUG-2026
August 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-AUG-2026
August 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-AUG-2026
August 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo