Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Jubbada dhexe: Beeraleyda Afmadow oo dalagyo fiican goostay afar sano kaddib

Radio Ergo by Radio Ergo
January 9, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
BEERALAYDA XALIN OO KA YAABBAN TIXRIGA BEERAHOODA KU DHASHA

Keydka Sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Beeralaydda degmada Afmadow waxaa sanadkaan u soo go’ay dalagyadii ugu badnaa ee ay beertaan muddo afar sano ah. Beeralayda ah ayaa ka faa’idaystay biyaha roobka dayrta oo si wanaagsan uga da’ay Afmadow iyo iyadoo lagta lagu magacaabo Lagdheera ee  beeralayda ay aad uga faa,iidaysteen biyaha ay lagtu keentay.

Ilaa 500 boqol oo beerood ayaa xilli beeraadkii ugu dambeeyay laga beeray Afmadow, waxaana hadda ka soo go’ay dalagyo kala duwan oo ay ugu badan yihiin galay, digir, sisin iyo qudaar kala duwan oo ay ka mid tahay yaanyo, qare iyo bocor.

Dalagyada hadda soo go’ay ayaa saamayn ku yeeshay qiimaha raashinka suuqa magaalada Afmadow sida digirta iyo gallaydda waxaana hoos u dhacay qiimaha markii hore la kala siisan jiray digirta iyo galaydda.

Cadar Xusseen oo ka mid ah dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Afmadow waxay ka shaqaysaa xaafadaha magaalada Afmadow oo ay ka qabato guri dhoobidda iyo dhar dhaqista oo aan ahayn shaqo joogta ah oo ay markasta hesho. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in maalintii labo doolar ilaa saddex doolar ay ka hesho shaqooyinka ay qabato. waxay ku biishaa carruurteeda oo agoon ah oo ay koriso iyada oo kaliya.

Kiilada galayda ah waxaa bil ka hor laga siin jiray 0.6 dollar, waxaana xiligaas ay lacagtu u goyn jirtay 1.5 kg ilaa 2kg oo galay ah. Cadar ayaa sheegtay in lacagta ay hesho ay u goyn jirtay soor iyo iidaankeeda.

qoyskaan ayaa hadda lacagtii ay ku gadan jireen 1.5kg oo raashin ah waxay u goysaa 3kg oo galay ah taas oo ka badan raashinkii ay marka hore helli jireen.

“Raashinka galayada iyo digirta aad ayay noogu raqiistay, horaan lacag badan ayaa nalaga siin jiray haddase aad ayay noogu raqiistay, waxaan hadda helnaa raashin nagu fillan oo carruurta sadexwaqti ayaan u kariyaa Allaah ayaa mahad leh,”ayay tiri Cadar.

Samow Bashiir wuxuu ka mid yahay dadka beeralayda ah ee ku dhaqan Afmadow, beertiisa waxay dhantahay ilaa 8 hegter, waxaa horay u saameeyey  abaarihii sanadkii 2016 -2017.

Wuxuu  waayay wax uu ku maareeyo nolasha qoyskiisa. Danta ayaa ku kaliftay inuu xoolaha u raaco ganacsatada degmada Afmadow ay ku iibsadaan suuqa degmada afmadow taas oo uu bishii ka heli jiray lacag dhan malyan iyo shiling Soomaali ah bishii taas oo qoyskiisa oo ka kooban sideed qof u biili jirtay .

Samow wuxuu ka mid ahaa 300 oo qoys oo hay’adda FOA ay ka caawisay dhinaca abuurka dalagyada beeraha,waxaana uu beeray dalagyadii ugu horeeyey bishii september  ee sannadkii aan soo dhaafnay, waxaana uu  hadda soo ka goostay beertiisa ilaa 35kiish oo galay  ah ,45 digir ah iyo 20kiish oo sinsin ah.

qoyskiisa wuxuu u reebay raashin 30 kiish oo isugu jira galay iyo digir waxaana suuqa degmada Afmadow uu ka iibsaday 50 kiish oo galay iyo digir ah. Galayda ayaa waxaa lagga siistay 350,000 shilin Soomaali ah halka digirta laga siistay 700,000 shilin Soomaali ah .

Guddoomiyaha beeraleyda degmada Afmadow Raage Xasan oo la hadlay Raadiyo Ergo ayaa sheegay inay tahay markii ugu horraysay oo dalag noocaan ah beeraha Afmadow laga heli tan iyo sannadkii 2006.

Guddoomiyaha ayaa sheegay beeralayda inta badan dalagyada galayda, digirta iyo qudaarta ay ka iibsadaan suuqa degmada Afmadow balse dalagga sinsinta ay u iibgeeyaan suuqa magaalada Kismaayo oo u jira ilaaa 120km maaddama Afmadow aysan lahayn wax miish ah oo shiida sinsinta .

dadka ku tiirsan beeraha ayaa lagu qiyaasaa 970 qoys sida uu sheegay guddoomiyaha beeraleyda Afmadow, wuxuu xusay in dad badan ay ka shaqeeyaan beeraha balse uusan hadda sheegi karin tirada rasmiga ee dadka shaqeeya beeraha.

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA, ARBACO 9-Jan-2018

Next Post

Deegaanno ka tirsan Shabeelaha dhexe oo xoolaha laga daweynayo cudurka jadeecada

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
PUNTLAND STARTS MASSIVE GOAT VACCINATION EXERCISE

Deegaanno ka tirsan Shabeelaha dhexe oo xoolaha laga daweynayo cudurka jadeecada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-MAY-2026

IDAACADDA 26-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo