Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Deegaanno ka tirsan Shabeelaha dhexe oo xoolaha laga daweynayo cudurka jadeecada

Radio Ergo by Radio Ergo
January 9, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
PUNTLAND STARTS MASSIVE GOAT VACCINATION EXERCISE

Sawirrada keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dhaqtar Abshir Maxamuud Axmed oo ah agaasimaha wasaaradda xanaanada xoolaha ee Hirshabeele ayaa sheegay in cudurka jadeecada uu hayo ariga kaas oo ka jiro deegaanno badan oo gobolka Shabeellaha dhexe ka mid ah. Wuxuu sheegay in cudurkaan uu jiray tan iyo bartamihii bishii Diseembar ee ina dhaaftay, iyadoo uu ka dhashay gendi badan oo ka kacay gobolka oo xoolaha cunaya.

Wuxuu sheegay inuu tagay ilaa afar tuulo oo kala ah Kurshaale, Buulo-abtow, Muka-dheere iyo Mayraale oo dhinaca bari ka xiga Balcad, uuna xoolaha buka ku soo arkay.

“Goobahaan tagay markaan arkay calamadaha cudurka waa jadeeco, xoolo dhaqatada waxaan u sheegaynay inay nala soo xiriiraan waxaanan siinaynay daawayn iyo talooyin” ayuu yiri Dr. Abshir.

Wuxuu sheegay in gooryaan iyo gendi badan oo deegaanka waqtigan ka jiray oo cunay xoolaha uu ku keenay cudurkaan, wuxuuna sheegay in sidoo kale cudurka furuqu hayo xoolaha, labadaan cudurna keliya talaal wax looga qaban karo.

Xoolo dhaqatada ayaa sheegaya in cudurkaan uu neefka haynayo shan maalmood uuna u dhimanayo. Axmed Cilmi Walaal wuxuu deggan yahay Buulo-Abtow oo 10km dhinaca bari ka xigta Balcad, wuxuu sheegay in cudurka toddobaadkii ugu dambeeyay uu ka dilay 20 halka 30 neef oo kalena ay la il daran yihiin.

“Kaabsool ayaan biyo ugu qasaa, waana farsamo aan aabbahay ka soo gaaray, markaan qasno qaar waan ku durnaa, qaarna sankaan uga shubnaa, dadka waalidka ah ayaana intaas talo ahaan nagu siiyeyWaxay sheegeen in neefka uu qandho qabanayso, sandka diif ayuu ka keenayaa, indhaha biyuu ka sii daynayaa kaddibna wuu xaarayaa, neefkiina shan maalmood gudahood ayuu ku dhimanayaa,” ayuu yiri Axmed.

Axmed wuxuu leeyahay 70 neef oo ari iyo 24 neef oo lo’ ah, wuxuu sheegay inay iyagu u malaynayaan inuu yahay cudurkaani jadeeco uuna deegaanka jiray bishii ugu dambaysay.

Luuley Cadow Xasan waa hooyo shan carruur ah dhashay 120 neef oo adhiya ayay haysataa, waxay sheegtay in cudurkaan oo qufac, indhi biyood, iyo shuban leh loo sheegay inuu yahay jadeeco.

“Aniga hadda 22 neef ayaa iga dhimatay, ilaa 50 neef oo kalena cudurka waa iga hayaan oo ma daaq tagaan oo gurigay joogaan, mana la daaq tagaan xoolaha kale,”ayay tiri Luuley.

Luuley waxay sheegtay in xoolahaan ay tahay isha keliya ee nolosheedu ku tiirsan tahay, oo canahooda ay safarsadaan oo ay u iib geystaan tuulada.

“Intii hadda xanuunka xoolaha uu ku dhacay caano kama maalin, neefkii isagaaba qandhan, hadda beer ayaan u soo falaa ilmaha oo aan ka soo qaato maalintii 2 dollar, intaas ayaan badar u soo siistaa oo cuno uga dhigaa,”ayay tiri Luuley.

Dr. Abshir ayaa sheegay in xilligaan oo jiilaal lagu jiro ay xoolaha u baahan yihiin gooryaan dilis, inkastoo tallaalo meelo kala duwan ka socdaan haddana ay jiraan goobo fog fog oo aan la gaari karin. xoolahaas oo aan talaalku gaarin ayaana mararka qaarkood qaadsiya xoolaha kale markay isugu yimaadaan goobaha xooluhu ka cabaan.

Wuxuu kaloo sheegay in meelaha qaar uu ka jiro xanuunka furuqa oo isna riyaha haya. Waxaa jira olole talaal xoolaha ah oo ka socdo qaybo kala duwan oo Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan ah, kaas oo looga dilayo bahalka gooryaanka kaas oo xilliga jilaalka neefka nugleeya.

 

Previous Post

Jubbada dhexe: Beeraleyda Afmadow oo dalagyo fiican goostay afar sano kaddib

Next Post

Biyo yaraan ka jirta magaalada Baydhabo oo saameysay dadka ku jira xeryaha barakaca

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Biyo la’aan ka jirta degaanno ka tirsan garbahaarey

Biyo yaraan ka jirta magaalada Baydhabo oo saameysay dadka ku jira xeryaha barakaca

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo