Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

In ka badan 200 oo qoys oo biyo la’aan uga guuray tuulo ka tirsan Gaarisa

Radio Ergo by Radio Ergo
January 16, 2019
in Arrimaha Bulshada, Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Biyo la’aan ka jirta degaanno ka tirsan garbahaarey

Kaydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Labo boqol iyo siddeetan qoys oo xoolo-dhaqato ayaa muddo bil gudaheeda ah ka guuray tuulada Wayaamo-jibriil oo 120 km dhanka bari kaga beegan magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Tuulada ayaa horay ugu tiirsaneyd war ay biyaha ay galaan xillii roobaadyada, laakiin hadda qallashay bilk a hor, sida ay Raadiyo Ergo u sheegeen dadka deegaanka.

Wadaamo-jibriil waxaa ku noolaa saddex boqol oo qoys, waxaana hadda ku haray 20 qoys oo ku tiirsan biyo lagu keeno baabuur taksi ah oo qaado 25 caag oo min 20 liitar ah. Biyaha ayaa looga keenaa masaafe 50 km u jira, waxaa gaariga uu u keenaa biyaha lacag u dheeysa 2,000 ilaa 3000 oo shilin Kenya ah oo  u dhigantan $20 ilaa $30.

Dadka deegaankuna waxay halki caag oo 20 liitar qaadka ah ku iibsadaan 120 shilin Kenya ah. Dadkaas waxaa ka mid ah Cabdiweli Muxumed Faarax, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in qiimaha biyaha uu aad u sarreeyo oo dadku ay ku adag tahay in wakhtigaan ay biyo ku filan iibsadaan.

Wuxuu xusay in dadka tuulada ay ku tiirsanaayeen xoolaha, laakiin xoolihi ay dadka dhaqanayeen ay noqdeen wax ay abaarti laysay iyo kuwo lala hayaamay marki ay biyo la’aantu dhacday.

Tuuladan ka di’in saddex xilli roobaad, waana tan keentay in biyo la’aan darteed ay dadkii ugu badnaa uga hayaamaan tuulada.

Cabdulaahi Muxumed Boorow oo isagana ka mid ah dadka ku haray tuulada, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in dadka ugu badan ee tuulada biyo la’aanta uga tagay ay yihiin haween iyo carruur.

“Dadki way kala hayaameen, musiibo xun ayaana meesha nagu hayso. Carruurti iyo haweenki tagay dhexda ayay kuhareen oo mootooyin ayaa biyo loogu geeyay,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in dadka ku haray deegaanka ay ku adag tahay xataa inay cunto karsadaan biyo la’aanta darteed. Dadkuna waxay ku khasban yihiin inay beekhaamiyaan biyaha yare e ay helayaan maaddaama aanay awoodin inay mar kasta biyo iibsadaan.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in xataa dugsiga hoose dhexe ee tuulada uu xirmay markii biyo la’aantu ay dhacdo, sababtana ay tahay in ardaydi ay raaceen qoysaskoodii hayaamay.

Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee ismaamulka Gaarisa Ciise Ooyow ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay ka war hayaan dhibaatada ay dadka deegaankaas ku qabaan biyo la’aanta. Waxaa sidoo kale jiro tuulooyin kale oo ay biyo yaraan ka jirto.

Ciise ayaa xusay in uu jiro qorshe sanadkaan gudihiisa 40 ceel looga qodayo deegaannada aan ceelasha lahayn ee hoostaga Gaarisa.

Previous Post

Gaarisa: 280 qoys oo biyo la’aan uga barakacay tuulada Wayaamo-jibriil

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA

Related Posts

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 16, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Next Post
Xoolo-dhaqato cabasho ka muujiyay lacagta taleefannada lagu isticmaalo

QIIMAHA XOOLAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-JUN-2026

IDAACADDA 16-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUN-2026
June 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo