Xubinta qiimaha xoolaha maanta waxaan ku eegeynaa suuqa xoolaha ee degmada Burtinle ee gobolka Nugaal. Iibka xoolaha degmada waxaa saameyn ku yeeshay qiimaha sarrifka doolarka oo hoos u dhacay. Weriyaha Raadiyo Ergo ee Garoowe Cabdiraxmaan Xaaji ayaa wareystay Cabdiladiif oo ka mid ah dallaaliinta suuqa xoolaha ee Burtinle.







