Wasaarada Ganacsiga ee ismaamulka Gaarisa ayaa daah furtay mashruuc ay shaqo-abuur ugu samayneyso 4,000 oo qof oo iskugu jira haween, naafo iyo dhallinyaro.
Boqolkiiba konto waxaa mashruuca ka faa’iideysanaya haweenka, shan iyo labaatan boqolkiiba waxaa looga faa’iideynayaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba halka shan iyo labaatan boqolkiiba ay ka faa’iideysanayaan dhallinyarada.
Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska ee ismaamulka Gaarisa Caddow Kaliil Jubad ayaa mashruuca uga warramay weriyaha Raadiyo Ergo ee Dhadhaab Axmed Nuur Yogol.









