Warbixin ay soo saartey hey’adda ka warbixisa musuq maasuqa dunida ee Transparency International bishii hore ee Nofembar ee sanadkaan 2018 ayay ku sheegtay in Soomaaliya ay tahay dalka ugu musuq maasuqa badan dunida.
Dalka Soomaaliya ayaa ka galay kaalinta u hooseysa marka la eego dalal gaaraya 175, sida lagu sheegay warbixinta.
Haddaba waxaan ka wareysannay hannaanka la dagaallanka musuq maasuqa Soomaaliya sanatar SamSam Ibraahim Cali, oo ah guddoomiyaha garsoorka, arrimaha diinta iyo aw-qaafta, xuquuqul insaanka, haweenka iyo carruurta baarlamaanka federaalka Soomaaliya aqalkiisa sare.
Si guud marka laga hadlayo musuq maasuq waa u adeegsiga awood guud oo laguugu aaminay si ka faa’iideysi gaar ah. Musuq maasuq waxaa loo kala saari karaa mid weyn, mid yar iyo mid siyaasadeed, iyadoo ay hadba ku xiran tahay cadadka lacagta la lunsaday iyo halka uu ka dhacay.
Saciid Anteeno oo ka tirsan Raadiyo Ergo ayaa marka hore weydiiyay; Muxuu yahay sharciga toddobaadkan uu ansixiyey aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya?










