Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Somaliland: Carruurta ku nool deegaannada miyiga ayaa laga daweynayaa cudurka Oof-wareenka

Radio Ergo by Radio Ergo
December 6, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Somaliland: Carruurta ku nool deegaannada miyiga ayaa laga daweynayaa cudurka Oof-wareenka

Photo| Khadra oo adeeg caafimaad ka sameynaysa Hadley oo ka tirsan degmada Gabiley/Ilyaas Cabdi Cali/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Labo kun iyo siddeed boqol oo ah carruur ku nool deegaannada Somaliland ayaa afartii bilood ee u dambeeyay laga daweeyay cudurka Oof-wareenka. Sagaashan haween xirfadleyaal caafimaad ah ayaa loo tababaray daweynta cudurka, waxayna ka howlgalayaan deegaannada miyiga ee aan lahayn xarumaha caafimaadka.

Gudaha Somaliland, lix iyo sagaashan kun oo carruur ah ayuu cudurka ku dhacay tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Dr. Cali Maxamed Cumar oo ah madaxa qeybta daryeelka qoyska ee wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Wuxuu intaas ku daray in sanadkii 2017 uu cudurka Oof-wareenku ku dhacay labo iyo toddobaatan kun oo carruur ah, oo 14 kun oo ka tirsan ay u dhinteen cudurka.

“Tirada waxaa kordhinaya shacabkeenna oo aan xanuunkan u aqoonin dilaa, muddo yar ayuu ilmihii u dhimanayaa, haddii isbitaal degdeg loo geyn waayo, waa xanuunka ugu badan ee ay hadda u dhintaan caruurteenu,” ayuu yiri Dr. Cali oo xusay in kororka tirada carruurta uu saameynayo cudurka ay keentay in ilmaha laga daweeyo.

Ifraax Xuseen oo ku nool tuulada Balli-mataan oo 82 km dhanka koonfur kaga beegan magaalad hargeysa waxay daweysaa carruurta uu ku dhaco cudurka Oof-wareenka ee tuuladeeda.

Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in maalin walba ay booqato toban qoys, ayna wacyigelin iyo daweyn u sameyso carruurta cudurku hayo. Carruurta ay xaaladdooda caafimaad adag tahay waxay u gudbisaa carunta caafimaadka ee deegaanka.

Qalabka iyo daweyntaba waxaa ka caawisa hay’adda badbaadada carruurta ee Save the Children.

Muddo afar bilood ah ayay ka shaqeynaysaa kalkaaliyaha caafimaad ee wareega ee Balli-mataan.

“Hooyo kasta hadda way i baratay, xanuunnada ayaan u sharraxaa markaan u tago haweenka degmada ku nool. Dadka deegaanka qaar ayaa ila soo hadla kuwana carruurtooda ayaa ay ii keenaan oo aan u daweeyaa,” ayay tiri Ifraax.

Labo toddobaad ka hor ayaa Somaliland laga sameeyay wacyigelin ku aadan sidii hooyooyinka ay isbitaallada u geyn lahaayeen carruurtooda haddii calaamadaha cudurkaas ay ku aragto. Calaamadaha Oof-wareenka waxaa ka mid ah qufac, neefta oo qabata ilmaha iyo xummad, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Maxamed Cumar Boobe oo ah madaxa qeybta xanuunnada ee hay’adda Save the Children.

Hay’addaas iyo wasaaradda caafimaadka ee Somaliland ayaa waday qorshaha wacyigelinta.

“Markii la aqoonsaday in carruurtu ugu badan u dhimato cudurkan ayaa wacyi gelinta la billaabay, hooyo walba waxaa loo sheegay astaamaha cudurka oo haddii ay ku aragto inay degdeg u geyso isbitaallada,” ayuu yiri Maxamed.

Warbixin ay soo saartay Save the Children bishii Nofembar ee sanadkii 2017 ayay ku sheegtay in 14,561 carruur ah uu cudurka Oof-wareenku ku dilay Soomaaliya. Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaamaysay in afartii carruur ah eek u dhinta gudaha Soomaaliya uu mid ka mid ah u geeriyoodo cudurka. Waxaa warbixanta Save the Children ay ku xustay in cudurkan uu yahay dilaa la illoobay.

Oof-wareenku waa caabuq ku dhaca sambabbada carruurta kaas oo ay keento bakteeriyo. Carruurta ka yar shan sano ayaa ugu badan oo qaada xanuunkan sida ay dhakhaatiirtu sheegaan.

Previous Post

Mudug: Dumar laga caawiyay ganacsiyo ay noloshooda ka maareeyaan

Next Post

Somaliland: Carruurta oo laga daweynayo cudurka Oof-wareenka

Related Posts

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Next Post
Somaliland: Carruurta ku nool deegaannada miyiga ayaa laga daweynayaa cudurka Oof-wareenka

Somaliland: Carruurta oo laga daweynayo cudurka Oof-wareenka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-MAY-2026

IDAACADDA 30-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-MAY-2026
May 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-MAY-2026
May 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-MAY-2026
May 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-MAY-2026
May 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo