Roobkii dayrta ee sanadkaan ayaa ku yaraa gobollada Puntland, halka qaar deegaannada gobolka ka tirsanna uusanba ka da’in.
Taas ayaa keentay xoolo-dhaqatadii dhanka gobolka Bari degannaa ay u hayaamaan meelo aad u fogfog.
Hay’adda maareynta musiibooyinka ee Puntland ee loo soo gaabiyo HADMA ayaa qaylo dhaan ka soo saartay arrintaa.
Maxamed Xasan oo ka tirsan Raadiyo Ergo ayaa taleefanka ku wareystay agaasimaha guud ee hay’adda Cabdullaahi Cabdiraxmaan Cayroow.










