Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Maxaabiis la baray xirfado ay ku shaqeysan karaan marka ay xabsiga ka baxaan

Radio Ergo by Radio Ergo
December 31, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
MAXAABIIS LAGA WEWELSAN YAHAY INEY XABSIGA UGU DHINTAAN MACLUUL.

Photo | Sawir maxaabiis/keydka Ergo.

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Konton ka tirsan 300 oo qof oo ku jira xabsiga dhexe ee degmada Qardho ee gobolka Bari ayaa la baray xirfadaha korontada iyo faryaamada, si marka ay xabsiga ka baxaan ay xirfadahaas ugu shaqeystaan, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay taliyaha xabsiga Saciid Barre Cali.

Tababarka oo socday labadii bilood ee Oktoober iyo Nofembar ee la soo dhaafay ayaa loo xushay inay ka faa’iideystaan maxaabiista xabsiga dhammeysan rabo, si marka ay bannaanka tagaan ay ugu shaqeystaan xirfadahaas. Lix iyo labaatan ka tirsan dhallinyaradaas waxay dhammeysteen dabayaaqadii bishii Nofembar ilaa bartamihii bishaan December.

Hay’ad magacaabo Kaalo oo ka howlgasha deegaannada Punland ayaa fulisay mashruuca lagu tababarayay maxaabiista, waxaana taageerayay Midowga Yurub. Dhallinnyarada ayaa marki ay dhammeysteen la siiyay qalabka ay u baahan yihiin si xirfadaha la baray ay ugu shaqeystaan marka ay xabsiga ka baxaan.

Maxamed Salaad Cali oo ah 25 jir ah ka mid ah dhallinyarada xabsiga u dhammaaday tababarkana ka faa’iideystay ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in xirfadda faryaamada oo uu bartay uu durbaba ku shaqo billaabay. Magaalada Qardho ayuu horraantii bishaan December ka furtay goob lagu sameeyo qalabka sariiraha, kuraasta iyo miisaska.

“Waxaan bartay faaradda oo way i anfacday, dhiirrigelinna waan ka helay, waxaan bartay intii aan xirnaa oo waqtiga aan haystay. Qalabka la I siiyay waxaa ka mid ah miinshaar iyo qalabkii lagu xirxirayay alwaaxyada. Aniga mehrad weyn ayaan leeyahay oo ii furan, qaarna anaa ku darsaday, waxna waa wixii la i siiyay,” ayuu yiri Maxamed.

Lacag u dhexeysa $15 ilaa $20 ayaa maalinti ka soo gasha mehraddan, wuxuuna ka maareeyaa nolosha qoyskiisa iyo waxbarashada afar carruur ah oo uu dhalay.

Maxamed wuxuu sheegay in lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa dhallinyaro toorrey ku dhaawacay gabar, sidaasna loo xiray markii ay maxkamad ku xukuntay xabsi saddex bilood iyo bar ah. 25-kii bishii la soo dhaafay ee Nofembar ayuu Maxamed u dhammaaday xabsiga.

Waxaa jiro dhallinyaro kale oo aan weli dhammeysanin xabsiga, laakiin bartay xirfadahaan, lana siiyay qalabka. Dhallinyarasdaas waxaa ka mid ah Cawil Maxmed Maxamuud oo ah 22 jir ku xiran xabsiga dhexe ee Qardho.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in xirfadda uu bartay oo ah korontada uu rajeynayo inuu ku shaqeysan doono marka laga sii daayo xabsiga. Cawil markiisi hore ma lahayn wax xirfad ah.

“Markii hore ee aan bannaanka joogay iyo hadda farqi baa u dhexeeya, maantana wax fiican ayaan faa’iiday oo haddii aan halkaan ka baxo qof shaqeysan karo ayaan ahay. Muddo labo bilood ah ayay waxbarashada noo socotay. Waxaa ii qorsheysan markaan xabsiga dhammeysto inaan shaqeysto. Isma lahayn marki hore koronto ayaad ka shaqeyn doontaa, laakiin maanta waan bartay,” ayuu yiri.

Taliyaha xabsiga uu ku xiran yahay Cawil, ayaa noo sheegay in waalidkiisa ay keeneen xabsiga, iyagoo doonaya in dhaqan celin loogu sameeyo gudaha xabsiga, sidaasna ay sameeyaan mar kasto oo waalid uu qof uu dhalay keeno.

Wuxuu xusay in xirfadaha la barayo maxaabiista ay qeyb ka noqon karaan yareynta fal dambiyeedyada ay ku kacaan ee loo soo xiri karo, gaar ahaan kuwa loo soo xiro dambiyada fudud, sida kuwa dhaca habeenkii mehradaha ganacsiga, inay qof ka qaataan moobil, dhaawac fudud oo qof loo gaysto iyo qashqashaad ay dhallinyaradu ku sameeyaan gabdhaha.

“Maalin walba kuwo ayaa nagu soo laaban jiray, mar kasta oo la dhaqan celiyo way nagu soo laaban jireen, laakiin xirfadahaan waxay qofka ku mashquulinayaan shaqadiisa. Waxayna ku eedeysan yihiin dambiyo fudud,” ayuu yiri taliyaha.

Cabdijaliil Saciid Xaashi oo ah madaxa hay’adda Kaalo ee degmada Qardho ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ujeeddada xirfadahaan la barayo maxaabiista ay tahay sidii loo yareyn lahaa shaqo la’aanta dhallinyarada oo uu sheegay inay tahay tan ugu badan ee ku kallifta inay ku dhacaan fal dambiyeedyo.

Wuxuu xusay in mashruucaan oo ay ku baxday nus milyan doolar uu horseedi doono in xabsiyada ay noqdaan goobo aqoon iyo xirfadaba ay maxaabiistu ka helaan.

Mashruucaan oo socon doono labo sano oo laga soo billaabo bishii afaraad ee sanadkaan 2018 ayaa lagu beegsanayaa in xirfado ay ku bartaan 400 oo maxbuus oo ku kala jiro xabsiyada ugu waaweyn Puntland, ee ku yaalla Qardho, Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo, sida ay noo sheegtay hay’adda Kaalo.

 

Previous Post

Sanaag: Wacyigelin laga sameeyay jarista dhirta oo xaaluf ku ah dhulka

Next Post

Muqdisho: Sharciga dhismaha hay’adda naafada qaranka oo maanta hirgalay

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Degaanka Inamed oo bari ka xiga Dhuusamareeb oo aan lahayn adeeg caafimaad

Muqdisho: Sharciga dhismaha hay'adda naafada qaranka oo maanta hirgalay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-MAY-2026

IDAACADDA 07-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo