Wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa gobolka Sanaag ka sameysay ol-ole Wacyigelin ah oo bulshada loogu sheegayay in la joojiyo xaalufka dhulka ee jaritsa dhirta, cawska iyo ugaarsiga duurjoogta.
Howlwadeenada wasaaradda ayaa socdaallo wacyigelin ah ku maray deegaanada Woqooyiga iyo Koonfurta ee gobolka Sanaag. Haddaba muhiimadda howlahan deegaanka lagu ilaalinayo ee gobolka Sanaag ka socda waxaa Raadiyo Ergo uga Warramay maamulaha qeybta wasaaradda deegeenka Somaliland ee degmada Ceergaabo Axmed Maxamuud Cabdi Maxamed Saalax ayaa wareystay.










