Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Hargeysa: Shir weynaha haweenka Somaliland oo maanta la qabtay

Radio Ergo by Radio Ergo
December 5, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Hargeysa: Shir weynaha haweenka Somaliland oo maanta la qabtay

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ururrada haweenka ee Somaliland ayaa maanta ka qeyb galay shir weyne lagu qabtay magaalada Hargeysa. Shirka waxaa lagu soo bandhigay caqabadaha dumarka ka haysta shaqooyinka, siyaasadda iyo ka qeyb galka go’aannada bulshada ee dowladda.

Haweenka ka qeyb galay shirka ayaa soo gudbiyay warbixin muujineysa qaabka ay shaqooyinka u helaan oo hooseeya, haweenka suuqyada ku ganacsada oo aan helin goobo fiican oo ay ku ganacsadaan, saamiga xilalka xukuumadda Somaliland ay ku leeyihiin oo yar iyo in loo baahan yahay in kor loo qaado.

Dumarka ayaa soo dhoweeyay koontada shaqooyinka caadiga ah looga sameeyay.

Guddoomiye ku-xigeen dallada Nagaad ee haweenka Somaliland ay ku mideysan yihiin Khadra Cumar Xasan ayaa sheegtay in shirka ay u qabteen inay ku soo bandhigaan caqabadaha ku gedaaman haweenka, si wax looga qabto.

Madaxweynaha Somaliland oo ka qeyb galay shirka ayaa sheegay kuraasta uu u kordhin doono dumarkam isagaoo tilmaamay in hay’adda shaqaalaha ee dowladda uu ku amray in haweenka ay gooni ugu tartamaan shaqooyinka dowladda si loo dhiirri geliyo.

“Xeer madaxwayne ayaan ku soo saaray in 30% la siiyo shaqooyinka oo kooto loogu xiro, sidoo kale imtixaankii lama galayaan ragga,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Sucaad Yuusuf Carmiye oo ka mid ah haweenka soo qaban qaabiyay shirkan ayaa sheegtay in shirkani dhiirri galinayo inay isku xirnaadaan haweenku.

“Wuxuu shirku soo kordhinayaa in haweenkii midoobaan, dowladdiina aan ka helno shaqo iyo metelaad xilalkii sare, Madaxwaynihii wax kasta oo aanu u sheegnay wuu aqbalay, waxaanu rajeynaynaa inay wax beddelaan oo degdeg uu dhibta aanu u sheegnay wax uga qabto,” ayay tiri Sucaad.

Warbixin ay bishii hore soo saartay hay’adda Center Policy Analysis ayay sheegtay in tirada dumarka ka shaqeeya xafiiska dowladda ay ka hooseeyaan boqolkiiba shan iyo labaatan, goleyaasha deegaanka ay kaga jiraan lix dumar ah, golaha wakiillada ay kaga jirto hal xildhibaan, golaha wasiirada ay ku jiraan saddex haween, halka agaasimeyaasha oo gaaraya 25 ay hal keliya gabar tahay.

Waa markii u horeysa ee Somaliland lagu qabto shir ay haweenku iskugu yimaadaan oo ay ku soo bandhigaan cabashooyinka iyo dhibaatooyinka ay qabaan.

Previous Post

Soomaaliya: Dhibaatooyinka weriyeyaasha Soomaalida iyo isla xisaabtan la’aanta

Next Post

Haweenka Somaliland oo maanta shir weyne ku qabsaday magaalada Hargeysa

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Haweenka Somaliland oo maanta shir weyne ku qabsaday magaalada Hargeysa

Haweenka Somaliland oo maanta shir weyne ku qabsaday magaalada Hargeysa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo