Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Qaxootiga oo ka faa’iideysanaya gaas ay kaga maarmayaan xaabada wax lagu karsado

Radio Ergo by Radio Ergo
December 21, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Qaxootiga oo ka faa’iideysanaya gaas ay kaga maarmayaan xaabada wax lagu karsado

Nuurto Faarax Mire oo kamid ah haweenka ka faa'iideystay gaaska laga bixiyey Dhadhaab/Axmed-nuur Yogol/Ergo.

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Inka badan 20,000 oo qoys ayaa ka faa’iideysanaya gaaska cuntada lagu karsado oo hay’adaha gargaarka ay siiyeen qaxootiga qaxootiga ku jira saddexda xero ee ay ka kooban  xerada Dhadhaab ee gobolka waqooyi-bari Kenya.

Fursadda bixinta gaaska cunnada ayaa looga gol-leeyahay in lagu jjoojiyo  jarista dhirta xaabada laga shito iyo wax ka qabashada dhibaatooyin kufsi iyo xadgudubyo kale ay kamid yihiin oo ay badanaa haweenka doono xaabada ay la kulmaan.

Hannaankan qaxootigu ay gaaska wax ku karsanayaan ayaa soo billowday bishii Oktoobar, iyadoo ay bixinteeda iska kaashadeen hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR iyo hay’ad kale oo maxali ah oo ka shaqeysa horumarinta deeganka iyo ka hortaggaa xalufinta dhirta oo la yiraahdo FAIDA.

Nuurto Faarax Mire oo ku nool xerada Xagardheer, waxay hadda wax ku karsaneysaa gaaska la siiyey, horayse iyadaa dhabarkeeda xaabada ku doonan jirtay.

“Aroortii markaan guriga ka kalaho oo xaabo doonto marka ugu dhow ee aan soo noqdo oo xaabo soo helo waxaan guriga ku soo noqonayey casarkii” ayey tiri Nuurta

Waxay sheegtay in hadda saddex wakhtiba  ay wax ku karsato gaaska la siiyey. Wixii ka horreeyey intaanay helin  waxay gaaska u doonan jirtay duurka oo tilmaantay cabsi joogto ah la kulmi jirtay iyo in la waxyeeleeyo iyo masaafo dheer oo ay geli jirtay.

Nuurto oo 47 jir ah, waa hooyo heysata 10 carruur ah, waxay sheegtay in inka badan toddoba goor isku day kufsi ay ka badbaaday, iyadoo xaabo dooneysa. Markii ugu dambeysay waxay aheyd bishii July ee sanadkan.

“Aniga iyo haweeney kalaan aheyn, labo nin ayaa nagu soo baxay, waanan ka soo cararay.  Maalintaas wax xaabo ah annagoon wadan ayaan guryihii ku soo noqonay” ayey tiri Nuurta

Waxay sheegtay in gaaska la siiyey uu meesha ka saaraay wakhti badan oo ay xaabada u sii lugeyn jirtay. Markii ay subaxii doonto xaabada, maqribkii ayey ka soo noqon jirtay, iyadoo wadata xaabo ku filan saddex maalmood in ay wax ku karsato.

Xafiiska FAIDA ee Dhadhaab hortiisa waxaa dhooban kumannaan qof oo gaas doonaya, ciriiri badan ayaa ka jira oo dadku gaas ku doonayaan. 15 liitar ayaa qoys kasta la siinayaa, taasoo ah gaas loogu talagalay qoyska in uu isticmaalo muddo bil ah.

Madaxa waaxda tamarta ee FaIDA, Cabdi Xasan ayaa sheegay in bixinta gaaskan uu yahay wejigii koowaad ee hannaan qaxootiga oo dhan gaas lagu gaarsiinaya.

Waxaa uu sheegay in saddexda xero ay ka fureen saddex xarumood oo qoysaska ay gaaska ka qaadan karaan.

“Qorshaheennu waa wax ka qabashada deegaanka. Saddexda xeraba dadka qaxootiga ah ee deggan duurkay xaabo u doontaan. Xaabadii way fogaatay, dhirtiina way dhamaatay. Inaan wada gaarsiino dhammaan qaxootiga isticmaalka gaaska ayaana noo qorshe ah,” ayuu yiri Cabdi.

Isaaq Ibrahim oo ku nool Xagardheer tan iyo 1992 waa aabaha siddeed carruur ah. Gaari dameer uu leeyahay ayuu kaga xamaalan jiray inuu xaabo ka soo guro duurka. Lix sano oo uu shaqadan ku jiray ayuu sheegay in hadda intii gaaska la bilaabay uu iska daayey.

“Ilaa wakhtigaan duurkaan xaabada u doonayey. Anniga xaaskeyga uma diri kareyn oo in la iga kufsadaan ka baqayey, oo haweenka aad ayaa duurka loogu kufsadaa. Bir ayaa kugu dhici karto, bahal ayaa ku qaniini karo,” ayuu yiri Isaaq..

Wuxuu intaas ku daray in tan iyo intuu gaaska helay uu isagu cunnada karin karo oo ay u fududahay ama carruurtuba karsan karaan, horayse keliya hooyada ayey ka sugayeen cunno karinta.

Dadka iyaguna ka faa’iideystay barnaamijka gaas bixinta waxa kamid ah Xabiibo Maxamed Cadaawe waxay leedahay gaari dameer, duurka ayey xaabada uga soo guri jirtay si ay u iibsato. Way joojisay xaabo guristii labadii bilood ee u dambeysay oo ay billowdday in ay gaaska ay isticmaasho.

“Anniga nolol ayaan xaabada ka raadsan jiray, laakiin khatarta kale ee iga soo gaareysa ayaa iyana badneyd, marka waan iska dhaafay iibinteedii mar hadii gaas lagu beddeshay” ayey tiri Xabiibo.

Xabiibo oo ku nool xerada Ifo waxay nolol ahaan ku tiirsan tahay raashinka gargaarka ah ee xeryaha laga bixiya.

Cabdi Sheekh Cabdullaahi oo kamid ah dadka deegaanka Dhadhaab ayaa sheegay in xilliyadii xeryaha la furay inka badan 20 sano ka hor uu deegaanku ahaa mid keymo badan, laakiin xaaluf badan oo lagu sameeyey ay keentay in dhirtii ku taallay ay baaba’do.

“Ma filayno inay dhirtii soo noqoto, gaaska la bilaabay waa rajo. 28 sano oo dadku meesha degganaa khilaafka annaga iyo qaxootiga ugu badan ee na dhexmarayey wuxuu ahaa xaalufinta deegaanka” ayuu yiri.

Wuxuu rajo ka qabaa in hannaanka gaaska uu noqon doono mid joojiya jarista dhirta xaabada laga dhigto.

 

Previous Post

Dad u geeriyooday cudurka shuban biyoodka oo ka dillaacay Baraawe

Next Post

Dad la nool HIV/AIDS oo faquuq joogto ah kala kulmo bulshada ay ku dhex-nool yihiin

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026
Next Post
Dadka qaba xanuunka HIV/AID ee ku nool Kismaayo oo faquuq kala kulmo bulshada

Dad la nool HIV/AIDS oo faquuq joogto ah kala kulmo bulshada ay ku dhex-nool yihiin

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 01-MAY-2026

IDAACADDA 01-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 01-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo