Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Dad la nool HIV/AIDS oo faquuq joogto ah kala kulmo bulshada ay ku dhex-nool yihiin

Radio Ergo by Radio Ergo
December 24, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Dadka qaba xanuunka HIV/AID ee ku nool Kismaayo oo faquuq kala kulmo bulshada

Photo| Cali Daa'uud oo la nool HIV/AIDS/Axmed Toronto/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

ERGO – Dadka la nool xanuunka HIV/AIDS ayaa ka cabanaya takoor joogto ah oo ay iyaga iyo qoysaskooduba la kulmaan oo lagu faquuqayo xanuunka ay qabaan awgiis.

Sida ay qabaan dadka u ololeeya joojinta takoorka, faquuqa ayaa ah mid kamid ah caqabadaha ugu waa weyn ee ay la kulmaan dad la nool xanuunka. Erayada ay warbaahintu adeegato ee cudurka lagu qeexayo ayaa sidoo kale ay niyad jab kala kulmaan.

Cali Cabdiraxmaan Hugur oo ka tirsan xarunta Talo-wadaag oo ku taalla Hargeysa, taasoo dadka xanuunka la nool siisa wacyigelin iyo talooyin, ayaa sheegay in erayada lagu faquuqa ay kamid yihiin cudurka dadka xun xun  ku dhaca , cudurka galmada xaaraanta lagu kala qaado, cudurka aan dawada laheyn iyo qaar kale oo badan.

Waxaa uu sheegay in dadka la nool cudurka ay u baahan yihiin taageero maskaxeed si dareenkooda loo dejiyo iyo in la xoojiyo xiriirka ay bulshada la’leeyihiin si takoorka ay wajahaan loo joojiyo.

“Maalin walba waxaa na soo waca dad ka cabanaya dadka erayadan isticmaalaya, iyagoo sheegayo in ay dhibsanayaan. Waa farrimo halis ku ah nolosha dad badan”, ayuu yiri Cali.

Cali Hugur ayaa tilmaamay in takoorka ah ay saameyn ku yeelatay wacyigelinta ay u sameeyaan dadka la nool xanuunka. Si ay saameyntaas uga hortagaan waxay u sheegaan dadka in xanuunku lamid yahay xannuunada kale ee dhiigarka iyo sonkorta oo uu qofku qaato daawo joogto ah.

Waxaa kaloo dadka xanuunka qabo laga faquuqaa goobaha waxbarashada, sida in carruurtooda  laga eryo dugsiyada  iyo iskuulada iyo in qoysaska  laga saaro guryaha  marka la ogaaado in ay xanuunka la nool yihiin ama la tuhmo, sida mas’uulka Talo-wadaag sheegayo.

Cali Daa’uud, oo ku nool Kismaayo waxaa fayraska HIV laga helay 2010. Inkastoo muddo uu qarinayey in uu xanuunka qabo haddana markii dambe ayuu la soo shaac baxay si uu wacyigelin ugu sameeyo dadka kale ee xanuunka la nool.

“Markii aan cudurka qaadday, waxaan aaminsanaa in aan islamarkiiba dhimanaya, waanan ka qarin jiray dadka, anigoo ka baqaya. Waxay dadku yiraahdaan runtii aad bay noo taabataa”, ayuu yiri Cali Daa’uud.

Saddex carruur ah oo uu dhalay Cali ma qabaan xanuunka. Inkastoo hooyadood ay la nooshahay haddana waxaa looga badbaadiyey carruurta hab cusub oo ilmaha caloosha hooyadood ku jira looga ilaalin karo in ay qaadaan fayraska.

Sida uu Cali sheegayo 52 qof oo cudurka qabo ayaa laga diiwaangeliyey Kismaayo, 38 kamid ah dadkaas waxay qaataan daawada HIV.

HIV iyo AIDS ayaa ah labo xaaladood oo kala duwan. HIV ayaa ah fayras la dagaallama dhiigga cas, dilana difaaca jirka. Si looga hartago in difaaca qofka uu baab’o ayaa la siiyaa daawooyin caawiya oo si joogta ah uu u qaato.

Dadka aan wareysanay ee la nool xanuunka waxay noo sheegeen in faquuqa awgiis ay jiraan dad badan oo wali qariya in ay qabaan cudurka.

Warbaahinta oo keliya ma ahan cidda ay takoorka kala kulmaan dadka la nool HIV/AIDS ee sidoo kale dadka caadiga ah ayey kaga timaadaa, sida uu qabo Maxamed Yaasiin Siciid, oo kamid ah dadka xanuunka la nool. Wuxuu deggan yahay Boosaaso. Wuxuu sheegay in hadallo uusan jecleysan ay dadku ku yiraahdaan, sida in AIDS-ku yahay dillaa.

“Hadda ma kala jecli, oo waan u sheegaa in aan qabo xanuunka, kana qurux badannahay. Intii aan la noolaa dad badan oo caafimaad qabo baa dhintay. Xilliga la iigu talagalay baan dhiman sidaa baan aaminay”, ayuu yiri Maxamed Yaasiin.

Mahad Jaamac Koronto oo ah tababare saxaafadeed ah oo ku nool Hargeysa, ayaa sheegay in qaabka ay weriyeyaasha uga warramaan HIV/AIDS ay ugu wacan tahay iyagoo aanan helin xog badan oo ku saabsan cudurka iyo tababar labadaba.

Koronto ayaa sheegay in inta badan warbaahinta Soomaalida aysan laheyn nidaam tifaftireed ee erayada la adeegsanaya marka laga hadlaya xaaladaha dadka xanuunka la nool. Koronto ayaa rajeynaya in saxaafaddu ay wax ka beddeli karto habka ay u wajahdo sheekooyinka noocaan oo kale ah.

 

Previous Post

Dhadhaab: Qaxootiga oo ka faa’iideysanaya gaas ay kaga maarmayaan xaabada wax lagu karsado

Next Post

Wareysi: Dadaalka ka hortagga nabaad guurka ee ka socda gobolka Ceyn

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Biyo-la’aan ka jirta tuulooyin ka tirsan gobolka Hiiraan

Wareysi: Dadaalka ka hortagga nabaad guurka ee ka socda gobolka Ceyn

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo