Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Dad badan oo laga helay cudurka qaaxada oo lagu daweynaya isbitaalka Hargeysa

Radio Ergo by Radio Ergo
December 19, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
QEYBTA TB-DA EE ISBITAALKA KISMAAYO OO XIRANTAY

Bukaan Qaaxo, Kaydka Ergo.

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

ERGO – Isbitaalka qaaxada ee magaalada Hargeysa ayaa laga diiwaangeliyey inka badan 470 qof oo qabo cudurka qaaxada 45 maalmood ee u dambeysay, taasoo dhakhaatiirtu ay ku tilmaameen in ay muujineysa kor u kaca dadka uu ku dhaco cudurka.

Ilaa 300 oo kamid ah dadka xanuunka laga helay ayaa ka kala yimid deegaannada miyiga ah ee gobollada Sanaag, Togdheer iyo deegaannada xeebaha, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Dr Cismaan Cabdi Meygaag oo ah agaasimaha isbitaalka qaaxada ee Hargeysa. Waana dadkii

Waxaa uu sababta kororka dadka uu ku dhaca xanuunka u sabababeeyey helitaanka cunnada oo ku adag dadka reer miyiga maaddaamaa ay xoolahoodii abaaraha ku dhamaadeen iyo ciriiri ka jira xeryaha ay xoolo-dhaqatada u soo barakaceen, taasoo keentay in ay si fudud dadka cudurka isugu gudbiyaan.

“Waxaanu ogaanay in ay dadku si fudud cudurka u kala qaadi karaan. Waa dad aan waxba heysan oo cunno yaraan ayaa ka jirta meelaha ay yimaadeen. Haddaanu qofka helin cunno cudurka si fudud ayuu u qaadi karaa”, ayuu yiri Dr Cismaan oo intaas ku daray in keliya intii u dhexeysay July iyo September 165 qof cudurka laga helay.

Waxaa hadda xanuunka looga daweynayaa, oo isbitaalka u jiifta 180 qof , halka 750 ay yihiin bukaano dawada cudurka ku qaato guryahooda.

Adeegyada uu isbitaalka qaaxada bixiya sida baarista, daweynta iyo cuntada la siiya bukaannada ayaa ah kuwa bilaash ah, sida Dr Cismaan sheegay.

Saalax Siciid Maxamuud oo ah 40 jir ayaa kamid ah bukaannada cudurka laga daweynayo. Muddo saddex maalmood ah ayuu u soo lugeynayey Hargeysa, isagoo ka yimid deegaanka Xiis ee gobolka Sanaag. Deegaanka uu ka yimid oo ah buuraley aan jid wanaagsan laheyn ayaa keentay in uu isbitaalka u lugeeyo.

Qoyskiisa ayaa markii hore uga shakiyey in uu cudurka qabo, markii la keenay isbitaalkana November ee la baaray ayaa laga helay xanuunka.

“Waxaan dareemayey tababar darro, xumad habeenkii i qabaneysa, miisaankeygana wuu dhibmay. Muddo ayaa ayaan xanuunka dareemayey. Hadda waan soo caafimaadayaa, daawadana si wanaagsan ayaan u qaataa”, ayuu yiri Saalax.

Waxaa uu kamid yahay bukaannada ku jira isbitaalka, wuxuuna ku sii jiri doono ilaa uu dawada ka dhameysanaya oo uu si buuxda xanuunka uga caafimaadaya. Caadiyan qaadashada dawada qaaxada waxay qaadataa muddo lix bilood ah, sida agaasimaha isbitaalka uu noo sheegay.

Dr Cismaan waxaa uu sheegay in cudurka qaaxadu inta badan uu ku dhaco dadka saboolka ee aan awoodin inay helaan cuno nafaqeysan iyo daryeel caafimaad, badina dadka isbitaalka loo keeno xanuunka ay yihiin kuwa sabool ah.

Cabdikariin Muxumed Cumar, oo ku nool Hargeysa ayaa 25-kii bishii hore baaris lagu sameeyey candhuuftiisa lagu ogaaday in uu qaaxada qabo. Waxaa uu dawada cudurka ku qaato gurigiisa.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay hadda ka soo reyneysa, uuna rajeynaya in uu si buuxda u caafimaadi doono.

Ka hor intii aanan cudurka laga helin, waxaa uu ahaa muruqmaal, isagoo maareyn jiray nolosha qoyskiisa oo ka kooban lix qof. Cabdirikariin ayaa tilmaamay in masruufka qoyska ay hadda la wareegtay xaaskiisa oo suuqa Hargeysa ku iibisa yaanyo iyo baradho.

Isbitaalka qaaxada Hargeysa waa kan keliya ee qaabilsan daweynta dadka uu ku dhaco xanuunka deegaannada Somaliland oo dhan.

 

Previous Post

Hargeysa: Haweenka dhakhaatiirta ah oo caqabado wajaho xilliyada ay shaqooyinkooda ku jiraan

Next Post

Qiimaha Xoolaha

Related Posts

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Maraakiibta ka jillaabta xeebaha Bari oo galaaftay nolol-maalmeedka qoysas badan

June 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 22, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
Next Post
QIIMAHA XOOLAHA

Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 29-JUN-2026

IDAACADDA 29-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 29-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-JUN-2026
June 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-JUN-2026
June 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-JUN-2026
June 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-JUN-2026
June 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUN-2026
June 25, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo