Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Buurhakaba: Haweenka uurka leh oo 10 km u lugeeyo si ay biyo u helaan

Radio Ergo by Radio Ergo
December 4, 2018
in Arrimaha Bulshada, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas biyo la’aan uga barakacay Leego

Photo| Keydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saddex toddobaad ka hor ayaa biyo ugu dambeysay degmada Buurhakaba, xilligaas oo ay gureen waro ay dadku biyo ka cabbi jireen oo ku yaalla degmada, taas oo keentay in dadku ay biyo u doontaan ceel ku taalla tuulada Goley oo 10 km u jirta.

Saameynta ugu badan waxay ku yeelatay haweenka uurka leh ee aan awoodin inay iibsadaan biyaha laga keeno tuulada oo qaali ka ah gudaha Buurhakaba.

Toddobaadkii hore saddex haween oo uur lahaa ayay ka soo dhaceen ilmaha, kaddib markii ay masaafaha dheer ku soo xambaareen biyo ay qoysaskooda oo danyar ah ku waraabinayeen, sida ay Raadiyo Ergo u sheegtay Deeqo Sheekh Maxamed oo ah guddoomiyaha ururka haweenka Buurhakaba.

“Waxay masaafaha dheer dhabarkooda uga keenaan jirgaanno culus oo biyo ah. Toddobaadki hore saddex haweenka ayaa la geeyay isbitaalka markii ay si lama filaan ah fool u qabatay. Labo ka mid ah ayay weli xaaladdooda wanaagsaneyn,” ayay tiri Deeqa.

Foostadi biyaha oo la iibin jiray 15 kun oo shilin Soomaali ah waxay hadda Buurhakaba ka mareysaa 80 kun oo shilin.

Deeqa ayaa xustay in dariiqa keliya ee haweenka qoysaska danyarta ah ka soo jeeda ay biyo ku heli karaan wakhtigaan ay tahay in dhabarkooda ay ku soo aroortaan.

Xabiibo Macallin Aadan waxay ka mid tahay haweenkaas aan awoodin inay biyaha iibsadaan. Maalin walba waxay u lugeysaa Galey oo ah halka ugu dhow ee ay biyo ka heli karto.

“In kastoo qorraxdu kulushahay, masaafaduna fog tahay, maalin walba waxaan soo arooraa boqol liitar oo biyo ah. Xataa kuma filna qoyska. Haweenka biyaha soo arooranaayo qaarkood waxay ku suuxaan waddada dhexdeeda, sababtoo ah daalka iyo culeyska,” ayay tiri Xabiiba.

Deeqo waxay ka codsatay maamulka koonfur galbeed iyo hay’adaha arrimaha bani’aadamnimada in ay wax ka qabtaan dhibaatada biyo la’aanta.

Maxamed Isaaq Bashiir oo ka mid ah odayaasha Buurhakaba ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in biyo la’aantu ay sidoo kale dhalisay rabshado ka dhex dhaca dadka marka ay biyaha dhaansanayaan.

Wuxuu tilmaamay in xaaladda biyo la’aanta ee magaalada ay gaartay heer ay dhibaato isu baddesho, isagoo xusay in booyadaha biyaha iyo haamaha lagu keydiyo biyaha looga baahan yahay magaalada.

Maamulka koonfur galbeed oo kaashanaya Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa hal ceel ka qoday magaalada, laakiin weli ma uusan shaqeyn howlshii lagu hagaajinayay oo qabyo ah iyo cillado uu yeeshay darteed.

Wasiirka biyaha ee maamulka Aadan Xasan Maxamed ayaa sheegay in ay qorsheenayaan in ceelal kale ay qodaan si dadka deegaanku ay biyo u helaan.

Wuxuu tilmaamay in qorshuhu yahay wixii ka dambeeya doorashada madaxtinimo ee koonfur galbeed.

Previous Post

Buuhoodle: Bukaanno dhimirka ka xanuunsan oo laga saaray xarunti lagu daweynayay

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA

Related Posts

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Next Post
DUUFAANNADA KA DHACAY BARIGA SOOMAALIYA OO CAYRTEEYAY XOOLO DHAQATO BADAN

QIIMAHA XOOLAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-SEP-2026

IDAACADDA 10-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo