Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Buuhoodle: Bukaanno dhimirka ka xanuunsan oo laga saaray xarunti lagu daweynayay

Radio Ergo by Radio Ergo
December 3, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Buuhoodle: Bukaanno dhimirka ka xanuunsan oo laga saaray xarunti lagu daweynayay

Sawir kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Jaamac Amxed Salaad wuxuu ku nool yahay miyiga Buuhoodle, waxaa welwel ku haya ilaalinta walaalki Maxamed Axmed Salaad oo 29 jir ah kaas oo dhimirka ka xanuunsan, kaas oo 10-kii bishaan laga saaray xarun dhimirka lagu daweeyo oo ku taallo Buuhoodle markii loo waayay kharashka xarunta oo bishiba halki qof ku haysa kuna daweysa $150.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in cabsi ay ku hayso in walaalkiis uu waxyeello u gaysto dadka kale, maaddaama xaaladdiisa caafimaad ee dhimirka aysan weli wanaagsanayn.

“Intaas wuu dhaaranayaa wuxuu leeyahay wax baan dilayaa, dorraad silsilad baan ku xiray 4 quful ayuu jebiyey waa nin xoog leh, markii danbe waxay noqotay inaan isaga uun waardiyeyno qof baan daba dhignay, isaga uun ilaalinayaa, dee intaas wadnahaan farta ku haynaa, war armuu carruurta dilaa war armuu islaanta dilaa ama deriska wax yeelaa ayaan ka fekeraynaa,” ayuu yiri.

Jaamac ayaa xusay in walaalkiis iyo wiil uu adeer u yahay ay dhimirka ka xanuunsadeen markii abaartii dalka ka dhacday ay xoolo badan ka laysay. Wiilka kale ee uu adeerka u yahay oo isna laga saaray xarunta dhimirka isla maalinkii kan kale laga saaray ayaa maskax ahaan u muuqda mid deggan oo soo ladnaaday, in kastoo uusan wada caafimaadin. Saddex bilood ayay ku jireen xarunta.

Jaamac qoyskooda oo ka kooban saddex qoys oo isaga, ina adeerkiis iyo adeerkiis ah waa 25 qof oo xoolo-dhaqato ah. Abaarti dalka ka dhacday waxay ku waayeen 320 neef oo ari ahaa, iyo 30 geel ahaa. Hadda waxaa ka wada dhexeeya 140 neef oo ari ah iyo saddex awr.

Muddada ay labada wiil xanuunsan yihiin ee ay ku jireen xarunta dhimirka ee Buuhoodle waxaa loo iibiyay 15 neef oo ari ah iyo labo awr, waxaana laga bixiyay $900, halka baaqi yar oo lacagtaas oo wadarteedu ahayd $1240 ka soo haray ay qoysaska raashin ku iibsadeen.

Hadda way awoodi waayeen inay daawada ka bixiyaan labada wiil, maaddaama xoolaha lacag fiican u gooyo aysan haysanin, bil kastana laga doonayo $300.

“Waan awoodi waynay inaan sii wadno dhaqaalaha aan bixinno xoolaha yar ee noo haray ayaan awelba ka bixin jirnay xoolihiina waa ka weyney wax bixin kara lacagtaas, awelna lacag dibadeed maanu heli jirin meel kalana wax nagama soo galaan”, ayuu yiri Jaamac.

Dadka eheladooda ka bixin waayay lacagta ee xarunta ka saaray waxay u badan yihiin dad dan yar ah iyo dadkii ku cayroobay abaarti.

Tan iyo bishii toddobaad ee sanadkaan waxaa xarunta laga saaray 35 qof oo dhimirka ka xanuunsan, kuwaas oo eheladooda ay awoodi waayeen inay ka bixiyaan lacagta daawynta, cuntada iyo jiifka.

Cabdisalaam Faarax Ismaaciil wiil uu dhalay oo 22 jir ah ayuu 13-kii bishii Nofembar ee sanadkaan ka saaray xarunta dhimirka lagu daweeyo markii uu awoodi waayay inuu ka bixiyo lacagta. Afar bilood ayuu wiilkiisa ku jiray halkaas.

“Isagoo wanaagsanaaday oo soo raysanaya ayaan awoodi waayay lacagtii, bil kaddibna halkiisii buu ku noqday, waxaan u awoodana majiraan hadda Ilaahay uun baan u baryi inuu xuskiisa usoo celiyo,” ayuu yiri Cabdisalaam oo qoyskiisu uu yahay xoolo-dhaqato.

Siddeetan neef oo ari ah iyo saddex geel ah ayuu ku dhaqdaa miyiga Buuhoodle. Qoyskiisu waxay ka kooban yihiin 8 qof.

Maamulaha guud ee xarunta dhimirka Buuhoodle Guuleed Maxamed Nuux  ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ka maamul ahaan ay ku adag tahay in si bilaash ah ay ku daaweeyaan bukaannada, sababtana ay tahay dhaqaalaha soo galaya oo aan is bixinayn, maaddaama daawo, cunto iyo jiifba ay u baahan yihiin inay helaan bukaannadu. Wuxuu xusay in hadda ay xarunta ku jiraan 58 qof oo 8 ka tirsan ay si bilaash ah ku daweeyaan.

Labo iyo konton qof ayaa ku dawoobay xaruntan tan iyo markii la hir geliyay sanad iyo bar ka hor, kuwaas oo hadda iyaga oo caafimaad qaba la nool eheladooda.

Previous Post

Dadka ku barakacay Baydhabo oo iibsaday dhulal ay iyagu leeyihiin

Next Post

Buurhakaba: Haweenka uurka leh oo 10 km u lugeeyo si ay biyo u helaan

Related Posts

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Next Post
Qoysas biyo la’aan uga barakacay Leego

Buurhakaba: Haweenka uurka leh oo 10 km u lugeeyo si ay biyo u helaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-SEP-2026

IDAACADDA 10-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo