Dadka ku nool xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne ayaa sameeyey howl iskaa wax u qabsa ah oo ay ay isaga hagaajinayaan dhul fatahaaddii ka dhacday magaladaas horraantii sannadkan ay burburisay.
Dhulka ayaa noqday biyo qabatin ay biyuhu fariistaan, taasoo dhibaato ku heysay adeegsiga dadka iyo gaadiidka. Waxaan ka wareysanay arrintan Cabdi Isaaq Daahir oo ah ganacsade goobta la hagaajiyey ganacsi ku leh, waxaa uu kamid yahay dadka abaabulay bulshada xaafadda ee is xilqaankan sameeyey.
Maxamed Xasanoo oo ka tirsan Raadiyo Ergo oo uu u warramayey ayaa marka hore weydiiyey in uu faahfaahiyo waxa ay qabteen.










