Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Somaliland oo sameysay kayd raashin iyo calaf ay kaga hortagto masiibooyinka

Radio Ergo by Radio Ergo
November 12, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Somaliland oo sameysay kayd raashin iyo calaf ay kaga hortagto masiibooyinka

Makiinad goyneysa qamadi/sawirka waxaan ka helnay Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Somaliland ayaa markii ugu horeysay yeelatey kayd raashin iyo Calafka xoolaha.  Lix kun oo tan oo isugu jirta hadhuudh iyo qamadi ayey wasaaradda Beeraha markii u horeysay laba toddobaad kahor kasoo goysay Banka Wajaale.

Hadhuudhka iyo qamadiga ayaa daba yaaqadii bishii May ee sanadkan la beeray. Dalagyada iyo calafka xoolaha ee laga beeray mashruuca Wajaale, ayaa waxaa gaar u leh  dowlada.

Waxaa loogu tala galay in kayd raashin looga dhigo dadka iyo xoolaha, marka ay dhibaato lasoo daristo. Toddobo boqol shan iyo lixdan hictor oo dhul ah ayay wasaaraddu ku beertay galey, hadhuudh, digir, sisin iyo qamadi.

Mawliid Xasan Cabdi, oo ah madaxa mashruuca Wajaale ee wasaarada beeraha, ayaa u sheegay Raadiyo Ergo in lasoo gooyey qamadiga.

“Waxaan goynay qamadiga labo toddobaad kahor, waxaan ugu talo gashay abuurkan dalagyadan in wax ay ka tarto saameynta abaaraha iyo dhibaatooyoinka kale, ee sanadihii u dambeeyay ay keentay isbeddelka cimilada ee aduunka saameeyay” ayuu yiri Mawliid.

Saddexda gobol ee Togdheer, Maroodi Jeex iyo Awdal xoolaha ku nool, ayaa la filayaa inuu badbaadiyo calafka xoolaha kasoo baxa dalagyada la beeray.

Kaydkan oo aan hore u jirin, ayaa yareynaya dhimashada xoolaha iyo dadka, oo aan heli jirin gurmad degdega, sida uu sheegay Maxamed Daahir oo 26 sano ee u dambeeyay ka shaqeynayay wasaarada beeraha Somaliland.

“Xoolaheena iyo dadka reer miyigu markay dhibaato ku dhacdo waxay ku tiirsanaayeen cunada mucaawinada, arrintani taasi ayay meesha ka saaraysaa,” ayuu yiri Maxamed Daahir.

Saddex boqol oo kun oo doolar ayaa ku baxday saddexda mashruuc oo wasaaradda beeruhu ugu talo gashay, si loo helo cuno iyo calafka xoolaha. Mashaariicda waxaa laga kala fuliyay Banka Wajaale, deegaanka Beer ee ka tirsan Togdheer iyo Xaaxi oo Oodwayne ah.

Dalaga ugu badan ee la beeray waa hadhuudhka oo ah kan ugu badan dhinaca caleenta (bulka) iyo midhaha. Lacag la’aan ayaa lagu siinayaa dadka abaaraha iyo masiibooyinku saameeyaan dalagyada ay beertay wasaaradda beeraha Somaliland, sida uu sheegay Mowliid Xasan.

“Cunadan aan hadda sameynay waa cuno yarida loogu talo galay dadkeena abaartu heshay, taasi ayaan filaynaa inay meesha ka saarto,”

Xoolo dhaqatada iyo dadka miyiga ku nool ee Somaliland ayaa inta badan helin gurmad degdeg ah, waxaa dhacda inay ka barakacaan deegaanadooda.

Dadkan waxey door bidaan inay xeryo barakac ku noolaadaan, si ay u helaan raashinka gargaarka ah ee ay bixiyaan hay’adaha caalamiga ah.

Warbixinta ay soo saartay bishii labaad ee sanadkan hey’adda FSNAU ee Qaramada Midoobay ee haqab-beelka cunada iyo nafaqeynta, ayaa lagu sheegay in boqol iyo toddobo iyo konton kun oo qoys ay cuno la’aan darani hayso Somaliland.

Aadan Cigaal ayaa ka mid ah xoolo dhaqatada cuno la’aanta darani ku heshay Gar-adag ee ka tirsan Gobolka Sanaag. Raadiyo Ergo ayuu u sheegay in muddo lix bilood ah uu deegaankiisa ku noolaa aanu heli jirin raashin ay quutaan lix caruur ah oo uu dhalay.

“Cuno la’aan daran ayaa nasoo martay, muddo markii aanu bilaa raashin ahayn ayaa hey’adaha gargaarku mucaawino nasoo gaadhsiiyeen, oo taasi ayaanu ku badbaadnay”

Hadda waxaa uu ku nool yahay xero lagu barakacay oo ku taala Gar-adag, waxaana uu ku tiirsan yahay raashinka uu ka helo hay’adaha gargaarka.

Aadan waxaa uu Raadiyo Ergo u sheegay in uu deegaankiisa joogi lahaa haddii uu gurmad degdeg ah ka heli lahaa dowlada oo aan wakhtigaasi laheyn kayd cuno.

“Xoolaha haddii aanu u helayno raashin iyo calaf degdeg ah, marka ay abaartu na hayso maba soo hayaanneen, oo deegaankayga ayaa roobka ku sugi lahaa,”ayuu yidhi.

Barakaca xoolo dhaqatada, korodhka dadka ku nool xeryaha barakaca iyo baahida dadka reer miyiga ah ee xiliyada abaaraha ayay hoos u dhigaysaa kaydka cunada, ee hadda ay sameysay wasaaradda beeraha Somaliland, sida uu aaminsan yahay Maxamed Daahir oo ah khabiir dhinaca beeraha ah.

“Qofka haddii gurigiisa cuno loogu geeyo wuu iska joogayaa, ma baxayo oo safar dheer ma galayo, dadkeena barakacaya ayaan jirayn oo deegaankooda ayey ku nagaanayaan,” ayuu yidhi.

Wasaaradda beeraha Somaliland ayaa bishii March ee sanadkan ku dhawaaqday mashruuca kaydka cunnada.

Deegaanada Togdheer oo uu sanadkan ku yaraa roobka Gu’ga, ayaa keenay in ay baaqdaan dalagyadii laga qodayay Beer iyo Xaaxi, kuwaasi oo la bilaabay oo haatan gacanta lagu hayo.

Labada mashruuca ee Beer iyo Xaaxi waxaa dalagyada kasoo baxa wada qeybsanaya shacabka iyo dowladda, maadaama ay leeyihiin mulkiyadda dhulka shacabku.

 

 

 

 

Previous Post

Bakool: Cudurro ka dillaacay Waajid xilli xarumihii caafimaadka halkaas ay xirmeen

Next Post

Somaliland oo yagleeshay kayd raashiin iyo calafka xoolaha

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Somaliland oo yagleeshay kayd raashiin iyo calafka xoolaha

Somaliland oo yagleeshay kayd raashiin iyo calafka xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo