Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bakool: Cudurro ka dillaacay Waajid xilli xarumihii caafimaadka halkaas ay xirmeen

Radio Ergo by Radio Ergo
November 12, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
BUKAANADA TBDA ISBITAALKA LAASCAANOOD OO AY LA SOO DARISTAY CUNO IYO DAAWO LA’AAN

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Shamso Maxamed Nuur oo ah hooyo haysata lix carruur ah, waxay ka mid tahay hooyooyinka caafimaad ahaan ugu tiirsanaa xarunta caafimaadka hooyada iyo dhalaanka ee ururka horumarinta iyo gargaarka ee Gredo loo soo gaabiyo oo ka tirsan xarumo caafimaad oo xiran bishii afaraad kuwaas oo ku yaalla magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

Waxay sheegtay in waqtigan la joogo ay malaariyo ka heyso saddex carruur ah oo la baaray hase yeeshee ay u awoodi waysay in daawada loo qoray ay u gaddo.

Shamso ayaa Raadiyo Ergo uga warantay siday waxtar ugu lahaayeen xarumaha shaqeyn jiray iyo dhibaatada caafimaad ee haysata muddadan MCH-yadu ka xiran yihiin.

“Halis caafimaad ayaa ka jirta xeriyaha aan ku jirno, malaariyada carruur ayaa u jiifto iyo dad waa weyn, meel la aadayo malahan oo caafimaad, aqallada iyo geedaha hoostooda ayaa la wada jiifaa, kii awood u leh wuu soo iibsadaa kaniinka,” ayay tiri Shamso.

Xarumahan oo kala ah xarunta caafimaadka ee Waajid, xarunta ururka horumarinta iyo gargaarka (Gredo) iyo qeybta xarunta horumarinta gargaarka ee Afrika (ARD) ee hooyada iyo dhallaanka ayaa siyaabo kala duwan shaqadoodii hakad u gashey maalmo isku xig-xigay.

Xarumaha ayaa ahaa kuwa keliya ee adeegayada caafimaad u qaban jiray bulshada deegaanka,  waxaana Aadan Ibraahin Cali oo ah madaxa xarunta caafimaadka ee Gereedo uu Raadiyaha Ergo u sheegay in sababta ay u joogsatay shaqadii ay u hayeen bulshada ay tahay hay’adihii lacagta siinaayay oo hakad geliyay taageradii kala duwaneyd ee ay ka heli jireen.

Saddexdan xarun ee hooyada iyo dhalaanka ayaa midda ugu weyn ee bulshada aad ugu xirnaayeen waxay ahayd xarunta Gredo oo sida uu noo sheegay Aadan maalintii adeegyo caafimaad u qaban jiray ilaa shan boqol oo qof, kuwaas oo haatan baahi caafimaad u qaba inay adeegyadii helaan.

“Adeegyada aan u haynay bulshada waxaa ka mid ahaa tallaalada kala duwan ee carruurta iyo hooyooyinka, dawooyinka oo si bilaash ah ku siineynay hadba bukaanka nasoo booqda wixii aan ka helno iyo baartaan kooda, sidoo kale nafaqa darada ayaa la tacaaleynay dhammaan way joogsadeen oo shaqo kama socoto xarunteena,” ayuu yiri Aadan.

Magaalada Waajid hadda waxaa shaqeysa oo keli ah xarun ay gacanta ku heyso hay’adda  horumarinta gargaarka ee Afrika (ARD), waana qeyb carruurta nafaqo daradu heyso lagu qaabilo, iyadoo baahidaas caafimaad bulshada magaalada go’doonsan ay dareemayaan.

Magaaladan ayaa Al-shabaab go’doomiyeen laga soo billaabo 2014-kii xiligaas oo awooda maamulka magaaladaas ay dowladdu la wareegtay. Waxaa ilaa muddadan xannibaad ay saaran yihiin waddooyinka laga soo galo iyo kuwa laga baxo ee magaalada.

Waxa keliya ee dadka u furan ayaa ah inay diyaarad ku gaarayaan magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho, ciddii awooda dhaqaale ay diyaaradda ku raacaan 150 doolar.

Maamulka awooddoodu ma dhaafsana inay qeylo-dhaan xaalkan wax loogu qabanayo jeediyaan sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Yacquub Aadan Aamin oo ah guddoomiye ku-xigeenka maamulka Waajid.

“Annaga maxaan qaban karnaa bulshada iyo anaga isku mid ayaa ka nahay, warqado in aan dirno waxaan aheyn ma awoodno, laakiin xaqiiqda ayaa ah qofka kasta meeshiisa inay dhibaatada ku heyso, isbitaal weyn ma jiro kuwii yar yaraana xalkaas ayay ku sugan yihiin,”ayuu yiri Yacquub.

Nuurto Ibraahin Xuseen waxay ku jirtaa xerada barakaca ee lagu magacaabo Waajid, waxay haysataa 8 carruur ah oo agoon, waxay sheegtay in iyagoo abaar kasoo barakacay ay markii horeba noloshooda ay ahayd maalin hal waqti ay ka quutan iyo maalin aysan dab shidan ay hadda carruurteedu ka jirran yihiin.

Nuurto ma jirto cid kale oo nolosha carruurta ka taageerta. Haweenka oo cabsi ka qaba in la kufsado ayaa mararka qaar waxay sheegtay in iyadoo amnigeeda u baqaneyso banaanka dhow ee magaalada inay xaabo kasoo gurto kaddibna wixii ay ka hesho hal waqti dabka uga shiddo carruurta.

Muddo bil ah oo uu Waajid roob ka da’ayay ayay xustay inuu sababay  shuban biyood ku dhacay carruurteeda labadii bishan, iyadoon wax daawo ah u helin labo ka tirsan carruurta oo hadda la liita.

“Waxaa jirtay xilli markii xanuun ilmaha ama aniga aan dareemno aan xarumaha aadi jirnay oo  wax kasta daawo ah aan heleynay laakiin hadda mana iibsan karno meel la tagnana malahan, qofba nasiibkiis,” ayay tiri Nuurto.

Warbixintan waxaa ka wada shaqeeyay Muxyadiin Xasan Maxamed iyo Leyla Cabdi Maxamed.

 

Previous Post

Qiimaha xoolaha

Next Post

Somaliland oo sameysay kayd raashin iyo calaf ay kaga hortagto masiibooyinka

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post
Somaliland oo sameysay kayd raashin iyo calaf ay kaga hortagto masiibooyinka

Somaliland oo sameysay kayd raashin iyo calaf ay kaga hortagto masiibooyinka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo