Dad gaarayo 500 oo qoys ayaa ka faa’iideysanaya biyo-gelin laga hirgeliyey degmada Burtinle ee gobolka Nugaal. Degmada iyo deegaannada hoostaga ayaa kamid ah meelaha ay biyo yaraantu ka dhacda xilliyada abaaraha.
Haddaba, sida ay qoysaskan uga faa’iideysanayaan biyo-gelintan iyo ahmiyadda ay u leedahay waxaa warbixintan ku faahfaahinayo weriyaha Raadiyo Ergo ee Garowe Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji.










