Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Nolosha qoysas ku barakacay gobolka Galgaduud oo laga deyrinaya

Radio Ergo by Radio Ergo
November 24, 2018
in Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas cusub oo ka soo barakacaya gaajo iyo colaado ka jira Shabeellada Hoose

Photo| Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Inka badan 800 oo qoys oo ka barakacay dagaal qabaa’illo ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud oo xuduud la’leh ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay xaalad cunno yari, hoy xumo iyo biyo yari ku ku heysataa tan November 14, dhul miyi  ah oo u dhexeeya deegaannada Gelinsoor iyo Deeqlo oo ka tirsan gobolka Galgaduud, , sida uu noo xaqiijiyey guddoomiyaha Deeqlo, Guure Ceynshe.

Qoysaskan ayaa ka soo barakacay dagaal labo qabiil ku dhexmaray deegaannada Galgalab iyo Daac-dheer ee isla Galgaduud oo la xiriira isqabsi ka dhashay daaqsinka iyo biyaha.

Guure Ceynshe, guddoomiyaha deegaanka Deeqlo, ayaa sheegay in gargaar cunno iyo biyo ay gaarsiiyeen qoysaska barakacay.

Xamdi Cabdullaahi, oo kamid ah qoysaska barakacay ayaa sheegtay in 10km ay u lugeynayeen dhul miyi ah markii uu dagaalku ka dhacay Galgalab. Waxaa la socday siddeed xubnood oo qoyskeedu ka kooban yahay, waxayna wadatay 63 neef oo ari iyo geel isugu jira.

Kow iyo toban maalmood oo ay ku sugan tahay hadda deegaanka Deeqlo, waxay Xamdi  carruurteeda siisaa  xoogaa bariis ah oo marka ay karineysa ay ku darto  saliid, kaasoo ay sheegtay in markii uu dagaalku dhacay ay deegaankeeda kala soo carartay.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in saddex kun oo shilling Soomaali ah ay ku iibsato 20 litir oo biyo ah maalin kasta, biyahaas oo ay garab aroor uga keento meel aqalkeeda u jirta qiyaas ahaan 2km.

Markii hore Xamdi waxey u isticmaali jirtey qoyskeeda biyo dhan 100 litir maalinkii oo lacag la’aan ah, taasoo hadda culeys weyn ku heysa nolosha reerkeeda.

“Nabad qeyr qabta sugeynaa. Waa nolol adag sidan.  Haddii nabad la sheego barkadihii iyo meeshii ayaan ku laabaneynaa. Haddii nabad la waayana, waan iska tageynaa.  Dhanka Gelinsoor ayaan u guureynaa” ayey tiri Xamdi.

Galgalab iyo Daacdheer ayaa haatan waxaa ka socda waan-waan lagu qaboojinayo dagaalka, oo ay wadaan odayaal ku baxay marka dhibku dhacday.

Cabdulqaadir Geelle, oo qoyskiisa ka kooban yahay 10 qof ayaa hadda ku nool Deeqlo,  wuxuu ku nool yahay raashin yar oo uu ka helay dadka deegaanka Deeqlo, isagoo sheegay in carruurtiisu aysan heysan meel ay qabowga iyo qorraxda ka galan, haddana ay geed hoos deggan yihiin muddo siddeed maalmood ah.

Wuxuu intaas ku daray, in aqalkii qoyskiisa iyo raashin uu ugu talogalay muddo bil ah oo Gaalkacyo uga yimid uu kaga soo cararay Galgalab. Qaar kamid ah xoolihiisa ayaa sidoo kale colaadda ku lumay.

Cabdulqaadir ayaa sheegay in uu kasoo naq raacey deegaanka Dagaari  ku yaalla duleedka Gaalkacyo, wuxuu wataa 50 neef oo ari ah isagoo soo galay hayaan dheer oo 80km gaaraya.

“Waa lagu kala cararay aqaladii, raashinkii iyo biyihii meesha ayaan uga soo cararnay. Raashinka cariiri ayaa lagu helaa, meel hadda raashin fiican laga helo Gaalkacyo ayaa ugu sokeysa, waan isku dhiban nahay,” ayuu yiri Cabdulqaadir.

Xilliyada roobabku da’aan waxaa badanaa dhacda. in dadka xoolo-dhaqatada ah ay ku dagaallamaan daaqa iyo biyaha.

Previous Post

Qoysas ku barakacay dagaal ka dhacay Galgaduud

Next Post

Puntland oo ka hadashay barnaamij dib u dejin loogu sameynaya barakacayaasha

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Puntland oo ka hadashay barnaamij dib u dejin loogu sameynaya barakacayaasha

Puntland oo ka hadashay barnaamij dib u dejin loogu sameynaya barakacayaasha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-MAY-2026

IDAACADDA 26-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo