Inka badan 800 oo qoys oo ka barakacay dagaal qabaa’illo ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud oo xuduud la’leh ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay xaalad cunno yari, hoy xumo iyo biyo yari ku ku heysataa tan November 14, dhul miyi ah oo u dhexeeya deegaannada Gelinsoor iyo Deeqlo oo ka tirsan gobolka Galgaduud, , sida uu noo xaqiijiyey guddoomiyaha Deeqlo, Guure Ceynshe.
Qoysaskan ayaa ka soo barakacay dagaal labo qabiil ku dhexmaray deegaannada Galgalab iyo Daac-dheer ee isla Galgaduud oo la xiriira isqabsi ka dhashay daaqsinka iyo biyaha.
Guure Ceynshe, guddoomiyaha deegaanka Deeqlo, ayaa sheegay in gargaar cunno iyo biyo ay gaarsiiyeen qoysaska barakacay.
Xamdi Cabdullaahi, oo kamid ah qoysaska barakacay ayaa sheegtay in 10km ay u lugeynayeen dhul miyi ah markii uu dagaalku ka dhacay Galgalab. Waxaa la socday siddeed xubnood oo qoyskeedu ka kooban yahay, waxayna wadatay 63 neef oo ari iyo geel isugu jira.
Kow iyo toban maalmood oo ay ku sugan tahay hadda deegaanka Deeqlo, waxay Xamdi carruurteeda siisaa xoogaa bariis ah oo marka ay karineysa ay ku darto saliid, kaasoo ay sheegtay in markii uu dagaalku dhacay ay deegaankeeda kala soo carartay.
Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in saddex kun oo shilling Soomaali ah ay ku iibsato 20 litir oo biyo ah maalin kasta, biyahaas oo ay garab aroor uga keento meel aqalkeeda u jirta qiyaas ahaan 2km.
Markii hore Xamdi waxey u isticmaali jirtey qoyskeeda biyo dhan 100 litir maalinkii oo lacag la’aan ah, taasoo hadda culeys weyn ku heysa nolosha reerkeeda.
“Nabad qeyr qabta sugeynaa. Waa nolol adag sidan. Haddii nabad la sheego barkadihii iyo meeshii ayaan ku laabaneynaa. Haddii nabad la waayana, waan iska tageynaa. Dhanka Gelinsoor ayaan u guureynaa” ayey tiri Xamdi.
Galgalab iyo Daacdheer ayaa haatan waxaa ka socda waan-waan lagu qaboojinayo dagaalka, oo ay wadaan odayaal ku baxay marka dhibku dhacday.
Cabdulqaadir Geelle, oo qoyskiisa ka kooban yahay 10 qof ayaa hadda ku nool Deeqlo, wuxuu ku nool yahay raashin yar oo uu ka helay dadka deegaanka Deeqlo, isagoo sheegay in carruurtiisu aysan heysan meel ay qabowga iyo qorraxda ka galan, haddana ay geed hoos deggan yihiin muddo siddeed maalmood ah.
Wuxuu intaas ku daray, in aqalkii qoyskiisa iyo raashin uu ugu talogalay muddo bil ah oo Gaalkacyo uga yimid uu kaga soo cararay Galgalab. Qaar kamid ah xoolihiisa ayaa sidoo kale colaadda ku lumay.
Cabdulqaadir ayaa sheegay in uu kasoo naq raacey deegaanka Dagaari ku yaalla duleedka Gaalkacyo, wuxuu wataa 50 neef oo ari ah isagoo soo galay hayaan dheer oo 80km gaaraya.
“Waa lagu kala cararay aqaladii, raashinkii iyo biyihii meesha ayaan uga soo cararnay. Raashinka cariiri ayaa lagu helaa, meel hadda raashin fiican laga helo Gaalkacyo ayaa ugu sokeysa, waan isku dhiban nahay,” ayuu yiri Cabdulqaadir.
Xilliyada roobabku da’aan waxaa badanaa dhacda. in dadka xoolo-dhaqatada ah ay ku dagaallamaan daaqa iyo biyaha.










