Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Iskuul afar sano la dhisayay oo waxbarasho bilaash ah bixinaya

Radio Ergo by Radio Ergo
November 19, 2018
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Mudug: 150 carruur ah oo ka faa’idaysanaya iskuul lacag la’aan ah

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Iskuulkan oo afar qol ka kooban, lehna musqulihii, hanaankii biyaha iyo adeegga soolarka oo habeenkii wax iftiimiya, ayaa la daahfuray bishii Agoosto ee sanadkan, markaas oo uu bilaabanayay sanad-dugsiyeedka 2018.

Waxaa gacanta ugu weyn dhismaha ka geystay dadka tuulada ka soo jeeda ee jooga magaalooyinka Puntland iyo dalalka dibedda, iyagoo xiliyo kala duwan bixiyay lacag qaaraan ah, qalabka dhismaha, iskarogooyinka oo dhagaxa iyo dhoobadda u soo gurayay iyo xoogga dadka. Reer miyiga ayaa iyaguna xoolo ku bixiyay dhismaha iskuulkan.

Xuseen Cabdi Maxamed oo hogaaminayay ololaha iskuulka lagu dhisay, dabadeedna loo doortay  guddoomiyaha tuulada  ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in boqol iyo konton arday ay guud ahaan iskuulka dhigtaan, kuwaas oo 85 ay gabdho yihiin. Labaatan arday ayaa ah kuwo qoysaskoodu miyiga deggan yihiin oo dul saar ku ah eheladooda tuulada deggan, sida ay maamulku noo sheegeen.

“Kaddib markii 20-kii arday dhadhamiyeen baa dadkii waalidka ahaa xitaa ku dhiiradaan in carruurta ay waxbarasho geeyaan. Dad kale baa soo guuray oo meeshii dagaan u yimaaday, ilmaha meesha jooga waxaa badanaa ay yihiin dadka deegaanka ka ag dhow. Waxaa jira dadka waxbarashada u baahan haddana aan haysan cid isu xil-qaamaysa,”ayuu yiri Xuseen.

Waxaa ka sokoow carruurta iskuulka habeenkii wax ku barta dadka deegaanka ee dhaafay da’da waxbarashada, kuwaas oo marka carruurtu ay ka rawaxaan iskuulka taga.

Xuseen ayaa sheegay in waxbarasho la’aan ka jirtay deegaanka kaddib ay 2014 bilaabeen isaga iyo macalin kale inay 20 ka tirsan carruurta tuulada geed hoostiis oo sabuurad ay ku baraan akhriska iyo qoraalka. Sanad dugsiyeedkan waxaa la qoray 56 arday oo ah kuwii ugu badnaa oo waxbarasho bilaash ah ku qaadan doona iskuulka hadda la dhisay.

 “Subuuradda xataa burush ma aanan haysan oo geed caday ah oo aan ruugay baan inta calashay saas u marshay ranjiga, markaan geedka suranay, adigu bishii koowaad 2014, labadii sano ee hore waxaan la rafannay laba qol, labo qol oo kale baan dabadeedna si toos ah ugu darsannay oo aan ka aruursannay dad, adiga hadda shan bil ka hor baan afarta qol iyo daykii soo gebo-gebaynay,” ayuu yiri Xuseen.

Afar sano ka hor xaaladdu sidaas way ka duwanayd oo deegaanku ma lahayn meel carruurtu ku dhigan karaan waxbarashada aasaasiga ah, bulshada deegaankuna ma wada awoodin inay carruurtooda waxbarasho ugu diraan Gaalkacyo, Balibusle iyo Bacaadweyn oo ah deegaanno kale ee ku dhow sida uu sheegay Xuseen.

Ganacsatadda yar yar iyo dadka tuuladan ee wax haysta ayaa si bille ah qaaraan ay iska aruuriyaan ku bixiya mushaar aan ka badnayn midkiiba $300 USD oo ay siiyaan labo ka mid ah macalimiinta, halka labada kale ee deegaanka ka soo jeedana ay qaataan gunno $150 ah, sida uu sheegayo Xuseen.

“Macalimiintu waa dad aan is kala macaamilno oo la dhibaataysan nahay runtii oo dadku uusan qaadi karin, hadba meel baan ka kabnaa. Deegaanka uun bayna waxaas ka soo galaan hadba kii aan is niraahno wax baad ka qaadi kartaan baan ka qaadnaa oo ku taakulaynaa ma garatay,” ayuu yiri Xuseen

Shamis Ismaaciil oo haysata 10 carruur ah, kana mid ah xoolo-dhaqatada deegaanka waxay markii ugu horaysay xilli ku qiyaasan bishii Abriil ee 2017 toddobo ka tirsan carruurteeda oo xilliga waxbarashada gaaray u dirtay iskuulka dhowaan la fura

Waxay bartaan Qur’aanka iyo waxbarashada aasaasiga ah. Iyadda, saddex kale oo carruurta ka tirsan iyo odayga reerkuna waxay ku sii negaadeen miyiga Geelcadays oo 30 km dhinaca Bari ka jirta Galkacyo halkaas oo ay geel iyo adhi ku dhaqdaan. Shamis waxaa dhiirigeliyay waxbarashadda bilaashka ah ee iskuulka.

Shamis qoyskeedu berigaas ka hor waxay lahaayeen 500 neef oo ari ah oo ay abaartu kala yaraysay, hadda waxaa u jooga 45 neef oo iyadu ku filan tahay raacistooda.

“Awal arigaan raacsan jiray, wax yar oo aan aniga soo celin karo ama ilmaha yar soo celin karo buu noqday, dadku awal xoolaha bay ka shaqayn jireen oo hadda waxay ka shaqeeyaan ma leh, dugsigoodii iyo iskoolkoodii baan is iri ha iska dhigteen. Xoogaa ariga waxaa weeye caanahan uga soo lisaa oo caagad baan xoogaa caanaha ugu soo qaadaa subaxdii, wixii awoodayda ah kama hagrado,” ayay tiri Shamso.

Faadumo Maxamed Jamac oo haysata 11 carruur ah, xubinna ka ah guddiga waaliddiinta, waxaa iskuulka u dhigta 10 ka tirsan carruurteeda. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay intaan iskuulka la helin inay Gaalkacyo u dirtay hal gabar si ay wax uga soo barato.

“Baahida waxbarashada deegaanka ka jirtay way balaarnayd intii ka horaysana dad waxaanu nahay u badan dadkii waagii hore ee Qur’aanka isku taxalujin jiray oo wax kale ma aanu u arag caqabad,”ayay tiri Faadumo.

Ardayda ayaa labo gelin kala dhigta iskuulka, kuwa ku jira fasalka hoose oo hadda waxbarashda bilaabay waxay galaan gelinka dambe, halka kuwa horay u dhigan jiray iskuulka, oo ay ka mid yihiin ardaydii geedka hoostiisa wax loogu bilaabay oo hadda dhigta fasaladda 3aad ilaa 6aad dugsiga dhexe ay galaan gelinka hore.

 

Previous Post

Sida loogga hortagi karo cudurka Oof-Wareenka

Next Post

Qiimaha Xoolaha

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Ganacsiga xoolaha ee xeryaha Dhadhaab oo ay saameysay abaarta

Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo