Xanuunka Oof-wareenku (Pneumonia) ayaa ah caabuq saameeya qaybta neef mareenka ee sanbabka bini’aadamka. Saacad waliba wuxuu cudurkan ku dilaa gudaha Soomaaliya labo carruur ah. Hey’adda Xanaanada carruurta ee Save The Children, ayaa sidaasi ku sheegtay warbixin ay soo saartey 2-dii November ee bishan.
Dr. Cabdifataax Maxamed Cabdishakuur oo ah dhakhtarka caruurta, ayuu wariyahayaga Buuhoodle Khadar Aw Ismaaciil, weeydiiyey sida wax loogga qaban karo halista uu Oof-Wareenku ku hayo dalka Soomaliya.?








