Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Hargeysa: Dhakhaatiir guryaha ugu taga bukaanada oo ku daaweeya

Radio Ergo by Radio Ergo
November 13, 2018
in Arrimaha Bulshada, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Hargeysa: Dhakhaatiir samaysay hanaan ay guryaha bukaanada ugu tagaan kuna daaweeya

Keyd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hawl wadeeno caafimaad ayaa bilaabay adeegyo isbitaal wareeg ah oo ay bukaanada ugu tegayaan guryahooda, kadibna daaweynayaan, hanaankaan oo ku cusub magaalada Hargeysa. Dakhaatiirtaan ayaa ka koobaan todobo xubnood oo kala ah laba dhakhtar oo ku takhasusay cudurada guud, shaybaariste, mid ku takhasusay daawada iyo laba kaaliye caafimaad.

Hadda waxay ku sugan yihiin guriga Cali Jaamac Maxamuud oo ah aabaha dhalay gabar sagaal jir ah oo degan xaafadda Gacan-Libaax ee waqooyiga Hageysa oo ay adeeg baaritaan caafimaad u samaynayaan gabadha dhakhtar iyo laba kalkaaliye ayaa adeegan qabanaya.

Kalkaaliyayaasha caafimaadka ayaa dhiig ka qaaday, kaddibna baadhis ku sameynaya si loo ogaado xanuunka gabadhan.

“Halkan inaan xanuunka gabadhan ogaano yaan u nimid, baadhitaanka waxa ka soo baxa ayaan go’aan gaadhaynaa” ayuu yiri Muxyadiin Dabeyl oo ah gudoomiyaha dakhaatiirtaan.
Ururkan waxaa laga wacaa telefoonka amma adeegyada internetka kuwaasi oo saacad gudahood ugu taga bukaanada, afar iyo labaatan saacadood ayay ku sameeyaan baadhista iyo daweynta bukaanada, iyagoo qofkuna siiyo tilmaan meesha gurigu ku yaal, sidaasna ay ugu yimaadaan.

Hadda baadhistii way dhameeyeen, waxay ka heleen caabuq neef mareenka ah, waxayna siiyeen daawo. Dhakhaatiirtaani way sitaan daawada, waxayna ka qaadeen baaristii iyo dawadiiba 10 doolar.

Muxiyadiin ayaa sheegay in adeegaan ay u bilaabeen caafimaadka bishii Maarso 2017 kadib markay arkeen in dad badani dhaqaale ahaan aysan awoodin inay qiimaha caafimaadka oo sareeya gudaha Hargeysa ay iska bixiyaan, hadda dadku waxx qabadkooda way dareemeen, iyadoo laga soo wacayo tuulooyinka Hargeysa ku dhow.

Amran Cabdilaahi oo ah hooyada gabadha la daaweeyey ayaa sheegtay in gabadheedu xanuunsanaysay shan maalmood. Waxay miis ay khudaar ku gaddo ku leedahay suuqa Hargeysa oo ay nolosha uga soo saarto afar carruur ah oo ay dhashay. Waxay ii sheegtay in ay awoodi waysay inay cisbitaalka geyso balse ay u yeedhatay dhakhaatiirtaan.

“Dad kale oo ay horay u daaweeyeen ayaa ii sheegay, kuwaan ayaa qiime ahaan iiga jaban, gabadha xumad badan ayaa haysa mana kacayso”ayay tidhi Amran.

Isbitaalada gaarka loo leeyahay kan ugu raqiisan geyntiisa ee ugu dhow wuxuu jiraa 3km waxaa ku baxda taxi shan doolar ah, sariirta oo habeenkii 15 doolar ah iyo kharashka dawada oo bukaanku isku qabo.

Hargeysa wax isbitaalo dadweyne waxaa ku yaal gan guud oo ay dawladdu maamusho, kaasoo bixiya adeegyada caafimaad ee lacag la’aanta ah, iyadoo qofka bukaanka ah inuu dakhtar arko ay ku qaadato 2 maalmood iyo ka badan taaso ay keentay buuqa ka jira iyo safka dadka sugaya oo badan dartiis. Dhibaatadan ayaa ku kaliftay in dhalinyarada ay shaqadan ka bilaabaan magaalada iyagoo guryaha ugu tegaya bukaanada, waxayna baarista dhiigga u qaadan shaybaarka isbitaalka Hargeysa.

Ururkaan caafimaadka ee wareega oo magaciisa loosoo gaabiyay MOCHO (Mobile Health Care Organization) ayaa intuu shaqaynayey ku daaweeyey 50 bukaan iyo 243 ay ka talaaleen cagaarshowga, halka 43 bukaanna ay ku daaweeyeen tulooyin ka baxsan Hargeysa.

“Qof walibana uu gurigiisa ku helo adeeg caafimaadka oo si wanaagsan loogu qabnayo, dadka waanu dhaynaa, lacagaha marka dawada laga reebo wixii ay karaan ayay nasiiyaan, qofna lacag kuma xidhno”ayuu yidhi Muxyadiin.

Dr Cabdiraxmaan Daahir oo ka howl gala cisbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa sheegay in adeegga ay dhallinyarada wadaan uu bukaannada uu ka fududeeyey culayskii isbitaalka Hargeysa haystay.

Aamiin Cabdilaahi Jaamac ayaa ka mida dhalinyarada ay saddex goor ka talaaleen sanadkan cudurka cagaarshowga, saddexdaas goor oo ah wakhtiyada isku xig xiga ee talaalka la qaato talaalka cudurkaan. $80 ayaa kaga bixi laheyd haddii uu isbitaalada talaal u doonto balse iyagu waxaa ay ka qaadeen 20$ muddada saddex goor ee ay talaaleen.

“Lacag iyo wakhti ayaa ii madhxay oo aan ka faa’idey, khibradiina way leeyihiin sidaas ayaan ku aaminay oo ay aan ula xidhiidhay, hadda cid aan iyaga ahayn ima daweyso haddii aan caafimaad daro dareemo”ayuu yidhi Aamin.

Dhakhaatiirtaani warqadaha aqoonsiga ee ah inay ku shaqeeyaan xirfadani waxaa ay ka haystaan wasaaradaha qorsheynta iyo caafimaadka oo u diwaangaliyay urur caafimaadka oo bulshada u adeega.

Ilyaas Cabdi/Mohamed

Previous Post

Dhegeyso barnaamijka dhaqtarka raadiyaha

Next Post

Garoowe: Beeralayda Jibagaale oo tamarta cadceedda uga faa’iidaysanaya waraabka

Related Posts

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 17, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
Next Post
Garoowe: Beeralayda Jibagaale oo tamarta cadceedda uga faa’iidaysanaya waraabka

Garoowe: Beeralayda Jibagaale oo tamarta cadceedda uga faa’iidaysanaya waraabka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-SEP-2026

IDAACADDA 17-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2026
September 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-SEP-2026
September 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-SEP-2026
September 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-SEP-2026
September 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo