Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Hab cusub oo isku xirayo beeraleyda iyo macaamiishooda oo laga hirgeliyey Somaliland

Radio Ergo by Radio Ergo
November 20, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
BEERALEYDA BUURDHUUBO OO AY KU ADAGTAHAY HELITAAN SHIDAAL AY KU QOTAAN BEERAHA

Sawir/Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdullaahi Jaamac Qoor-gees, wuxuu beer lix hektar ah ku leeyahay deegaanka Biyo-macaan oo hoostaga degmada Arabsiyo oo qiyaastii 35 km u jirta magaalada Hargeysa. Muddo toddoba jeer oo isku xigta ayuu dalagyo beerta ka soo baxay oo isugu jira yaanyo iyo saladh iibiyey isagoo dhex-jooga beertiisa.

Waxaa u sahlaya in uu wax soo saarkiisa iibiya adeeg cusub oo taleefanka gacanta lagu isticmaalayo, oo lagu magacaabo M-Dalag, kaasoo November 13 laga daah-furay magaalada Hargeysa. Waa adeeg bilaash ah oo beeraleyda u fududeynaya la socodka qiimaha maalin laha ee  ay dalagyada ka joogaan suuqyada Somaliland.

Cabdullaahi waxaa uu kamid yahay  lixdan beeralay ah oo iska diiwaangeliyey adeeggan, laguna tijaabiyey. Wuxuu farriin cod ah ku duubay nambar gaaban oo adeeggu leeyahay, isagoo sheegay nooca khudaarta u soo go’day ee uu iibka u doonayo.

Wuxuu tilmaamay, in markaas kaddib uu M-Dalag weydiiyey qiimaha ay yaanyada iyo saladhka ka marayaan suuqyada, laguna xiray ganacsade doonayey in uu wax iibsado, kaasoo beertiisa ugu tagay Cabdullaahi, kana soo iibsaday dalaggii.

“Dhibtii aheyd in aan suuqa iska geeyo waan ka reystay. Haddii $20 igaga bixi jireen, si dalagyada suuq loogu helo hadda bishan waa ii faa’ido lacagtaasi”

Adeeggan cusub oo ay hindiseen shan dhallinyaro ah oo baratay culuumta beeraha, teknoolajiyada iyo dhaqaalaha oo ku mideysan shirkadda isku xirka beeralaeda iyo suuqa (SAMS), ayaa lagu soo bandhigay toddobaadka hal-abuurka ganacsiga, oo uu soo qaban-qaabiyey ururka Shaqodoon, kaasoo intii u dhexeysay 13-15 November lagu qabtay Hargeysa.

Feysal Ismaaciil Maxamed, oo guddoomiye u ah dhallinyaradan ayaa sheegay in faa’iidada kale ee uu adeegga M-Dalag leeyahay ay tahay  in uu meesha ka saaraya khasaaraha ku yimaada khudaarta marka la geeyo suuqyada iyo cayayaanka baabi’iya abuurka beeraha.

“Habkan beeralaydu waxay iska diwaan-geliyaan nambarka 315 oo ay cod noogu duubayaan, halka ay joogaan, waxay iibinayaan ee ay beeraan iyo magacooda oo saddexan. Markaasi kaddib ayuu u shaqeynayaa oo ay isticmaali karaan. Qofku moobil kasta ayuu sidan karaa oo kuma xidhna moobilada casriga ah”,ayuu yiri Feysal.

Cabdullaahi Jaamac Qoor-gees, wuxuu ku faraxsan yahay hadda in uu  si maalinle ah u soo gudbin karo xogta ku soo kororta beertiisa sida cayayaanka beeraha ku dhaca. Talooyin joogto ah oo uu beertiisa ku fasho ayuu ka helay adeegga oo aanay wax lacag ah kaga baxeyn.

M-Dalag oo deegaannada Somaliland oo dhan loogu talagalay, waxaa  dhinaca dhaqaalaha ka taageerayo hay’adda Oxfam, halka wasaaradda qorsheynta Somaliland ay ka caawineysa soo gudbinta xogta qiimaha khudaarta ee suuqyada. Shirkadda Telesom ayaa iyaduna bixineysa adeegga xiriirka taleefannada la isticmaalayo.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo ah khabiir dhinaca beeraha ah, lana shaqeynayo adeegga M-Dalag, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in talooyin ay ku siiyaan beeraleyda in aanay beeran dalag isku mid ah, iyo in ay la yimaadaan abuur cusub oo horay aan deegaannadooda looga beerin si wax soo saar cusub loo helo.

“Beeraleydu waxay noo soo dirayaan waxay tabanayaan. Marka ay soo garaacaan nambarka gaaban, toos buu taleefankeyga ugu soo dhacayaa, kaddibna waxaan siinayaa talada ku habboon waxa ay ka cabanayaan”, ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi.

 Waa habkii u horeeyay, iyadoo la adeegsanayo teknoolajiyada casriga ah ay beeralayda Somaliland ku suuq-geeyaan dalaggooda, kuna helaan talooyin wax soo saarka beerahooda la xiriira.
Previous Post

DHEGEYSO BARNAAMIJKA DHAQTARKA RAADIYAHA

Next Post

Qiimaha Xoolaha

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Xoolo-dhaqato cabasho ka muujiyay lacagta taleefannada lagu isticmaalo

Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-MAY-2026

IDAACADDA 26-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo