Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Garoobbada dagaalka: Saameynta colaadaha qabiilka ay ku yeesheen haweenka iyo carruurta

Radio Ergo by Radio Ergo
November 29, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Garoobbada dagaalka: Saameynta colaadaha qabiilka ay ku yeesheen haweenka iyo carruurta
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Colaadaha qabaa’ilka ee muddada dheer ka jira goobo badan oo Soomaaliya ah, waxay khasaare baaxad leh si isku mid ah ugu geysteen bulshada Soomaaliyeed, iyadoo tiro badan oo dad ah ay naftooda ku waayeen, noloshii qoysas badanna ay saameysay.

Haweenka iyo carruurta ayaa ah, kuwa ugu badan ee dhibaatadu ka soo gaarto colaadaha. Raggii qabay, aabayaashood iyo shakhiyaadka qoysaska u kacay ayaa wax ku noqda colaadda.

Deegaanka Dhumay oo ku yaalla koonfurta gobolka Sool, ayaa kamid ah deegaannada ay sida darran ugu soo noq-noqdeen colaadaha qabiilka. Saddex haween ah oo nimankii qabay ay dagaallada ku dhinteen ayaa Raadiyo Ergo la wadaagay sheekooyinkooda naxdinta leh ee ay dagaalladu dhaxalsiiyeen marar badan.

Waa Haweeye, Aamina iyo Khadra, saddexduba waxay ku nool yihiin Dhumay oo 75 km koonfur kaga beegan magaalada Laascaanood. Waxay wajaheen xaalado adag markii raggii qabay ay ku dhinteen dagaal bishii October ka dhacay deegaanka.

Haweeya Cilmi Warsame, waxay guursatay saddex mar oo kala duwan, laakiin hadda waa carmal korineysa siddeed carruur ah oo ay dhashay.

Sannadkii 2004 oo ay dagaallo qabiil ku saleysan ay ka billowdeen Dhumay, waxay tuulada Dharkeyn ee gobolka Sool ka tirsan isku guursadeen Maxamed Axmed Cali. Muddo siddeed sano ah ayey si farxad ah ku wada-noolaayeen, iyagoo isku dhalay shan carruur ah.

2012 oo colaadda deegaanka sii qaraaraatay, Axmed waxaa lagu dilay weerar aargoosi ah oo Dhumay ka dhacay, kaasoo ay fuliyeen mid kamid ah xubnaha qabiillada dagaallamayey

“Waxaa jiray dagaal culus oo u dhexeeyey labo qabiil oo deegaanka kuwada nool. Dad daraasiin ah ayaa ku dhintay, boqollaal kalana way ku barakaceen. Ninkeyga waxaa la dilay isagoo geel ku dhaqanayo baadiyaha”, ayey tiri Haweeya.

Bilo kaddib, waxaa dumaalay oo ay is-guursadeen Aadan Axmed Cali, oo la dhashay seygeedii hore ee la dilay. Dumaalku waa guur gabadha laga dhintay uu guursado qof walaal la’ah ama kamid ah qoyska seygeeda hore.

Waxay labaduba si wadajir ah ugu noolaayeen Dharkeyn tan iyo 2015 oo dagaal kale oo deegaanka ka dhcay lagu dilay seygeedii labaad, Aadan.

“Cunug baan u dhigay odaygeygii labaad. Wuxuu ahaa ganacsade, kamana mid aheyn dhinacyada hubeysan, laakiin nasiib darro, niman hubeysan ayaa tuulada ku dilay”, ayey tiri Haweeya.

Mar kale ayaa haddana, Haweeye waxay seygeedii saddexaad guursatay 2016. Waxay markan is-guursadeen Cabdiraxiin Axmed Cali, oo ah nin kale oo ka soo jeeda isla qoyska raggii hore ee qabay, guurkana wuxuu ahaa mid dumaal ah.

“Wuxuu ka shaqeyn jiray dhismaha guryaha, wuxuuna bishii i siin jiray $100 oo raashinka, biyaha iyo adeegyada kale aan isaga bixin jiray. Lacag igu filan bay aheyd marka loo eego waxa aan hadda helo”, ayey mar kale tiri Haweeya.

Cabdirahiin, wuxuu isna ku dhintay October dagaal ka dhacay Dhumay, taasoo mar kale Haweeya ka dhigtay garoob. Waxay u sheegtay Raadiyo Ergo in seygeeda loo bartilmaameedsaday qabiilka uu ka soo jeeda awgeed.

Haweenka colaaddu ay saameynta ku yeelatay, waxaa kamid ah Aamina Cabdi Maxamuud. Seygeedii ugu horreeyey oo ay is-guursadaan, Cabdicasiis Cawil iyo wiil ay dhaleen oo 14 jir ahaa ayaa la dilay, kaddib markii maleeshiya qabiil ay Dhumay weerareen 2014.

“Xilli subax ah ayaa la dilay. Wakhtigaas wax dagaal ah ma socon, laakiin niman hubeysan ayaa weeraray. Waxaa loo dilay waa qabiilka ay u dhasheen awgeed ”, Aamina ayaa soo xusuusatay sidaas.

Labo bilood kaddib, weerar isla deegaanka ka dhacay ayaa lagu dilay labo wiil oo ay walaalo ahaayeen Aamina.

“Labada weerarba waan ka naxay. Bilo yar gudahooda, afar xubnood oo qoyskeyga kamid ah ayaa dhintay. Mar kasta oo aan eego alaabihii ay lahaayeen runtii aad baan u murugoodaa”, ayey tiri Aamina.

Inka badan saddex sano kaddib, Aamina waxay si dumaal ahaan isku-guursadeen Cabdiraxiin Cawil oo la dhashay seygeedii hore.

“Markii aan guursaday Cabdiraxiin, nolosha qoyskeyga caadi ayey ku soo noqotay. Aad buu noo caawin jiray”.

Nasiib darrose, Cabdiraxiin waxaa isna lagu dilay dagaal bishii hore ka dhacay Dhumay. Aamina oo ah hooyada siddeed carruur ah waxay ka barakacday deegaankeeda, iyadoo hadda ku nool xero dadka barakacay oo ku taalla degmada Saaxdheer, halkaasoo inka badan 500 oo qoys ay ku jiraan.

Sidoo kale, iyadana Khadra Aadan Warsame, seygeedii ugu horreeyey oo la’oran jiray Cabdiqani Axmed Cali wuxuu macallin iskuul ka ahaa tuulada Dharkeyn.

Khadra ayaa u sheegtay Raadiyo Ergo, in ninkeeda lagu dilay weerar aano qabiil ah oo ka dhacay tuuladaas 2012.

“Saddex ilmood ayaan u dhalay Cabdiqani”, Khadra ayaa sidaas tiri. Macallin buu ahaa, waligiisna dagaal kama qeybqaadan. Waxaa la dilay isagoo shaqadiisa iskuulka u socda”.

2013 ayaa Khadra waxa guur dumaal ahaan ku guursaday Maxamuud Axmed Cali oo ay wada-dhasheen Cabdiqani, laakiin guurkaas ma uusan sii waarin iyadoo murugo kale ay la soo deristay Khadra.

“Labo sano oo aan isqabnay Maxamuud kaddib, wuxuu ku dhintay xabado la isweydaarsanayey tuulada Dabataag. Biyo dhaamis ayuu ku jiray xilligii la dilay. Labo ilmood baan u dhalay Maxamuud”, Khadra ayaa tiri.

Si lamid ah Haweeya, Khadra waxay 2016 martay guurkeedii saddexaad, iyadoo ka guursatay qoyska labadeedii sey ee hore. Cabdullaahi Axmed Cali oo ay xilligaas is-guursadeen ayaa lagu dilay dagaal bishii hore ka dhacay deegaanka Dhumay, xilli wiil ay u dhashay uu labo sano jirsaday.

Khadra saddex jeer ayey garoob dagaal noqotay, haddana iyada iyo lixdeeda carruurta ah oo saddex aabo ay kala dhaleen waxay ku nool yihiin deegaanka Kalabeyr .

Previous Post

Qiimaha Xoolaha

Next Post

Wareysi: Sida fatahaadaha looga hortago in ay wax u dhimaan dalagyada beeraha

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 22, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Next Post
250 beeraley ah oo ka faa’iidaystay tababar dhinaca beeraha wanaagsan ah

Wareysi: Sida fatahaadaha looga hortago in ay wax u dhimaan dalagyada beeraha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-JUN-2026

IDAACADDA 22-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2026
June 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2026
June 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo