Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol adag oo ay wajahayaan qoysas ay barakaceen dagaallo

Radio Ergo by Radio Ergo
November 16, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Barakacayaal cusub oo ku dhibaataysan xuduuda Kenya iyo Soomaaliya

Sawir/Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaalad cunno iyo biyo yari ayey wajahayaan ilaa 300 qoys, oo u badan xoolo dhaqato oo toddobaadkan ka barakacay deegaanka Hargis iyo dhulka miyiga ah ee ku teedsan oo 26km dhinaca galbeed kaga beegan degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, waxaana sidoo kale aysan heysan wax hoy ah oo qabowga iyo qoraxda ay ka galaan.

Waxaa ku khasbay in ay guryahooda ka barakacaan dagaal qabiil oo Hargis ka dhacay November 8, oo ka dambeeyey markkii labo maleeshiya qabiil ay isku qabsadeen waro iyo baraago ay biyo galeen roobka deyrta oo aan badneyn oo deegaanka ka da’ay,  sida Raadiyo Ergo uu sheegay, gudoomiyaha maamulka degmada Balanballe, Xuseen Liiban Warsame.

Dadku waxay u kala barakaceen deegaannada Owlaale iyo Faa-cadde. Halka dadka ugu badan ay ka barakaceen, oo ay colaaddu ay sida weyn u saameysay ayaa ah deegaanka Hargis oo ay 230 qoys ka barakaceen.

Hinda Maxamed Maxamuud, waa xoolo dhaqato, hooyada qoys ka kooban 10 qof ayaa kamid ah dadkaasi, waxa ay barakac ku tahay deegaan miyi ah oo Hargis u jira 15 km. Qoyskeedu ma heli karaan raashin joogto ah, waxayna hadda ku nool yihiin raashin uu maamulka Balanballe soo gaarsiiyey.

“Xabbad bur ah oo la hogeeyay iyo tobanle biyo ah oo maamulka Balanballe uu bixinayay ayaa qoys ahaan nala siiyay saaka. Maxay qoys dhan xabbad bur ah u tari kartaa? waa waxba”.

Lix maalin ayey barakac ku tahay meesha ay joogto. Waxay sheegtay in xilli subax ah ay barakaceen markii colaaddu deegaankooda ka billaabatay.  Carruurteeda uu uu u yar yahay toddoba jir ayey lugeysiineysay muddo saddex saacadood ah.

Waxay u sheegtay Raadiyo Ergo in 40 neef oo ari ah oo ay laheyd ay kaga soo carartay Hargis, haatanna aysan garaneyn halka ay joogaan iyo haddii ay wax ku dhaceenba.

Hinda ayaa tilmaantay in markii dagaalka billowday uu arigoodu ku kala firirsanaa goob ka durugsan hoygeeda, awoodna uma aysan laheyn in ay soo kaxeyso cabsi ay ka qabtay in xabbadda habowga ee kooxaha dagaallamayey ay waxyeello ka soo gaarto.

“Hoygayagii, xoolahayagii iyo deegaankaygii kuma laaban kanro, ciidamadii dagaallamay ee na soo qaxiyay ayaa ku sugan, halistaasna uma bareeri karno”.

Ma jiro wax gargaar ah oo qoysaska barakacay ay heleen, marka laga reebo raashin bisil iyo biyo, oo uu maamulka degmada Balanballe gaarsiiyey labo mar toddobaad gudihiisa.

Xidig Hure Aadan waa aabaha qoys 12 qof ah, duleedka deegaanka Hargis ayuu ku dhaqanayey tiro ari ah iyo baraag qaada afar booyadood oo biyo ah, taasoo xilli roobaadka kasta uu uga faa’iideysta, in qoyskiisu cabaan, qaarna ay iibsadaan.

Maalintii shanaad ayuu ku sugan yahay deegaanka Faa-cadde, oo qiyaastii Hargis u jirta 17km dhinaca koonfureed. 53 neef oo kamid ah tirada arigiisa ayuu kala barakacay Hargis, laakiin intii kale ayuu tilmaamay in ay ka lumeen intii ay xabbabdu socotay.

“Qofkeena noogu nasiibka fiican waa kan hela galaas biyo ah iyo wax uu afka gashado, waxaa jirta marmar aan biyaha iyo cuno aan badneyn aan ka helno dadka safarka ah ee halkan isticmaala”, ayuu yiri Xidig.

Halka ay deggeen oo ah waddada dhinaceeda, waxaa isticmaala gadiidka ka yimaada Balanballe ee kaga sii gudba dhanka tuulooyinka  iyo xoolo dhaqato safar ku mara, kuwaasoo deeganno kale ka soo aroora, sida uu sheegay Xidig.

Waxaa uu carruurtiisa siiyaa caanaha arigiisa, oo qaar yar oo kamid ah ay caano aan badneyn leeyihiin, taasi oo haddii uusan heli laheyn xaalada ku sii xumeyn laheyd.

Guddoomiyaha Balanballe, ayaa sheegay in ay socoto waan-waan lagu joojinayo xiisadda ka jirta deegaanka colaaddu ka dhacay, taasoo ay garwadeen ka yihiin  maamullada deegaanada gobolka Galgaduud iyo odayaasha dhaqanka.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in ay wadaan qorshe ay gargaar dheeraad ah ku gaarsiinayaa dadka barakacay.

 

Previous Post

Dhageyso barnaamijka gobaad

Next Post

Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

Related Posts

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
Next Post
Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-AUG-2026

IDAACADDA 26-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-AUG-2026
August 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-AUG-2026
August 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-AUG-2026
August 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-AUG-2026
August 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-AUG-2026
August 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo