Dugsi hoose/dhexe oo dhawaan la furay deegaanka Magaalo-cad oo ka tirsan magaalada Berbera ayey caqabad ka heysataa sidii uu u heli lahaa arday dhigato, kaddib markii qaar badan oo kamid ah waalidiinta ku nool deegaanka ay door-bideen in carruurtu ay u raacaan xoolaha.
Iskuulkan ayaa la furay bishii September, si bilaash ah ayaana wax looga bartaa. Faahfaahinta sheekadan la xiriirta waxaa Hargeysa ka soo diray Ilyaas Cabdi Cali.










