Xafiiska isku duwaha wasaaradda deegaanka ee Somaland ee gobolka Togdheer ayaa wado qorshe lagu ilaalinayo duur-joogta iyo deegaanka, iyadoo looga gol-leeyahay in aanan lagu xad gudbin duur-joogta, lagana hortago xaalufinta dhirta.
Haddaba qorshahaas iyo sida ay wasaaraddu uga shaqeyneyso badqabka duur-joogta ayaan ka wareysanay isku duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Togdheer Yuusuf Warsame Mire. Weriyaha Raadiyo Ergo ee Burco, Sidiiq Yuusuf Khalaf ayaa wareystay.










