Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Nabadda Marka oo keentay inay dadkii colaada ka qaxay dib ugu noqdaan guryahoodii

Radio Ergo by Radio Ergo
October 23, 2018
in Arrimaha Bulshada, Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Marka: Heshiis laga gaaray colaad qabiil oo keentay in dadkii ku barakacay dib ugu noqdaan guryahoodii

Qaybta qadiimka ah ee magalada Marka/Sawir/Maxamed Deeq/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Magaalada Marka oo mudo lix sano ah dagaal laba qabiil u dhexeeyaa ka socday ayaa heshiis nabad laga gaaray 10kii Oktoobar, tanoo keentay boqolaal qoys oo colaadaas ka barakacay inay dib ugu noqdaan guryahoodii.

378  Qoys oo ahaa dadkii horay uga barakacay ayaa sideedii  maalmood ee la soo dhaafay dib ugu noqday magaalda Marka.

Gudoomiyaha magaalada Marka  ee Maamulka Koonfur Galbeed , Xasan Cumar ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dadku soo noqonayaan magaalada iyadoo weli waxbarashadii iyo biyihii aysan shaqaynayn. Wuxuu sheegay in afar dugsi sare, 16 hoose/dhexe iyo laba jamacadood weli xiran yihiin, halka afar dugsi hoose keliya ilaa hadda intii nabaddu dhacday dib loo furay.

Wuxuu intaas ku daray in dadka magalada degan hadda biyahay cabayaan ay ka soo dhaansadaan ceelal banaanka magalada ah, suuqyadii ganacsiga ayaa hawanaya una bahan in dib u dayac tir lagu sameeyo, isbitaalka guud  ayuu sheegay in uu shaqeynayo, ayse shaqaalaha caafimaad ee ka hawl gelayaa ku yar yihiin, intii badnayd kalkaaliyayaashii iyo dhakhaatiirtii ka shaqeynayeyna ay isga barakaceen colaaadda, daawaduna ay ku yartahay.

“Hadda ciidan dawladda federaalka leedahay keliyaa amaanka sugaya, dhinacyadii dagaalamayna nabadda waa qaateen” ayuu yiri Xasan.

Wuxuu sheegay inuu xaafadaha dagaalada looga barakacay ku wareegay, uuna ku arkay geedka garanwaaga oo aad ugu baxay, burburka guryaha soo gaaray iyo dadka soo noqday oo hadda dayac tir ku samaynaya guryahooda.

Maxamed Maxamuud Cosoble muddo laba sano ah waxa uu ku noolaa degaan duleedka Marka oo dhinaca galbeedka ka xigta 2km. Wuxuu sheegay in nabadda la gaaray uusan fileyn sida dhakhsaha ah ee ay ku timid,  aysa u tahay fursad uu noloshiisii dib ugu dhisto.

“Gurigaygii aan ka barakacay waxaan ugu soo noqday isagoo baaliday, kebeli ka buuxsamay, duruuf ahaan laguma noolaan karo, waase hagaajisan oo waa dhex degi, isagaana ii dhaama barakac” ayuu yiri Maxamed.

Afar qol guri ka kooban ayuu degnaa oo hadana meelo kamid ah dagaalkii uu ku burburay, isagoo sheegay in dib u dayactir uu bilabay, wuxuu rajo ka qabaa inuu isbadal dhanka nolasha uu sameynayo mar haddii nabad la helay.

Xaafadda uu ku soo noqday waxaa weli xiran goobihii waxbarashada, isagoo sheegay in carruurtiisu mudadii uu barakaca ahaa aysan waxba baran, sidoo kale qoysas 50 ku dhow oo ay deris yihiin iyana ay ku soo noqdeen guryahoodii maalmahaan.

Maxamed markii uu dagaalka dhacayey wuxuu ku lahaa gurigiisa dukaan dhar iyo raashinka lagu  iibiyo, oo uu ka heli jiray nolosha qoyska, uuna rajaynayo inuu dib u furto, wuxuu sheegay inuusan wax dhaqaale ah haysan uuna ku nool yahay mudadii barakaca uu ahaa ilaa hadda lacag 100 dollar ah oo qaraabo banaanka uga soo dirayeen.

Dagaalka Marka oo soo socday tan iyo 2012 ayaa salka ku hayey gacan ku haynta magaalada, iyadoo heshiiska hadda nabadda lagu gaarayna laga soo shaqaynayey lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Maamulka Koonfur galbeed iyo dowladda federaalka ayaa laba mar oo kala duwan isku dayey inay nabad ka dhex dhigaan dhinacyadaas, waase ku guul daraysteen, iyadoo heshiiska hadda la gaarayna ahaa isku daygii saddexaad.

Wuxuu sheegay in heshiiskaan hadda la gaaray uga duwan yahay labadii isku day ee hore in ciidamadii qoryaha laga qaday oo lagu xareeyay goobo ka baxsan magaalada, aysan jirin meleeshiyo hub ku dhex wata xiligaan gudaha Marka. Kooxaha banaanka loo saaray ayaa qorshaha yahay in tababaro loo furo si ciidamada dawladda loogu biiriyo

“Dagaalku  wuu kala xiray shanta xaafadood ee magaalada, dadkiina waa ka qaxeen, qofba dhaqaalihiisu siduu yahay ayaana dantu biday inuu meel u aado” ayuu yiri Xasan.

Mudadii colaaddu ka taagnayd magaalada Marka waxaa jiray qoysas meelna aan uga bixin, iyagoo sheegay in duruufaha dhaqaale aysan u saamixin inay u guuraan meelaha dadka kale u barakacayeen, waxaana ka mid ah nabadoon Gaashaan Mahdi Idiris oo kunool xaafad Buulo-jaan.

Waxa uu sheegay in gurigiisa uu ka yara durugsanaa goobaha furinta dagaalka, laakiin colaaddu ay noloshiisii saamaysay.

“Waxaa iga xirmay goob ganacsi dharka ah oo aan lahaa, qoysas beeralay aan qaraabo nahay oo Janaale degan ayaa raashin ii soo dhiibi jiray, sidaas ayaa noloshayda ahayd lixdii sano ee collaadu taagnayd” ayuu yiri Gaashaan.

Wuxuu intaas ku daray in magaalada ayadoo kala xiran hadana adeegga la keeni jiray, dadka aan ahayn labada qabiil ee diriraya ayaana magaalda keeni jiray raashinka qutul daruuriga, iyadoo wadooyinka Muqidisho iyo kuwa xagga Janaale loo soo marinayey ganacsiga.

“Hadda nabadaan la gaaray waxay ii tahay rajo nololeed, dukaankaygii dib ayan u furan dayn intaan doonto, carruurihiina waxbarashadaan ku celin, inay nabadda sii socoto ayaanan rajaynayaa” ayuu yiri Gaashaan.

Sidoo kale heshiiskaani wuxuu keenay in Marka ay hadda isu furanto oo dadkii si caadi ah dhinacyada magaalada ugu wada gudbaan, dadkii soo noqdayna ay dayactiranayaan guryahoodii.

Previous Post

Dhageyso: Warka Qiimaha Xoolaha

Next Post

BARNAAMIJKA DHAQTARKA RAADIYAHA

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post

BARNAAMIJKA DHAQTARKA RAADIYAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 06-JUN-2026

IDAACADDA 06-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 06-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUN-2026
June 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo