Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dadka kusoo barakacey Muqdisho oo ka walwalsan xiliga roobka Deyrta ee curtey

Radio Ergo by Radio Ergo
October 22, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Barakacayaal ku tabaaleysan Jannaale

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Rukhiya Cabdullaahi Xuseen waxay baadi-goob ugu jirtaa wax kasta oo aqalkeeda ay dusha ka saari karto oo ka ilaalin kara dhibicda roobka.

Roobka Deyrta oo xilligiisa la galay, weli Muqdisho kama curan, wuxuu ka bilowday qeybo kamid ah Soomaaliya.

Haddana cabsida Rukhiya waa xerada lagu barakacay ee Sayidka ee magaalada Muqdisho, waxey ku taallaa meel god ah.

Waxa usoo galey Rukhiya biyo daadaya bishii April ee sanadkan 2018-ka roobkii Guga ee da’ay,  xeradan waxey daris la tahay xarunta golaha shacabka.

Rukhiya wiil yar oo ay dhashey ayaa kaga dhacey god qashina oo ku hor yaalla cooshaddeeda, markii danbana waxaa badbaadiyey ilmihii yaraa aabihiis.

Markii danbe cooshaddeedii waxaa dumiyey fatahaaddii, waxey u guureen meel taag ah, oo isla xerada ay ku nooshahay kamid ah.

Dhanka kale, waxey tilmaantey Rukhiyo iney leedahay miis yar oo ay ku iibiso khudaar, wuxuu ku yaallaa cooshadeeda hortiisa.

“Waxaan ku dadaalayaa sidii aan kusoo gadan lahaa bacaha roobka buushashka looga dhigo, way qaaliyoobeen markii la galey xili roobaadka, oo hadda 10 illaa iyo 15 dollar ayaa lagu helaa, mana awooddo iibsigeeda,”. ayey tiri Rukhiya.

Rukhiyo, waa ku kali xanaaneynta caruurteeda, muddo ka badan sanad iyo bar ayey bushkan ku nool yihiin.

“Aniga iyo ilmaheyga kaamka ayaan ku jirnaa, odeygayga ma jooggo baadiyuu jiraa, hadduu roobku bilowdana xaaladdu waa kasii dareysaa, meel kale oo aan u guurnana majirto,” ayey intaa ku dartey Rukhiya.

Rukhiya, ayaa kasoo barakacdey gobolka Shabeelaha Hoose saddex sano kahor colaadihii halkaasi ka dhacey, gaar ahaan Shalaanbood.

Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cantoobo, ayaa sheegay iney ku dadaalayaan iney biyaha ka saaraan bulaacadaha iyo goobaha biyuhu fariistaan, si looga hortago halis ku timaada dadka soo barakacey.

Cantoobo, wuxuu tilmaamey iney wax u qabtaan dadka xeryaha kusoo barakacey ee magaalada Muqdisho, oo ay haatan ugu daran tahay xiliga roobka Deyrta oo la guda galey.

“Haatan waxaa jira barakacayaal dheeri ah oo cusub oo soo gaarey gobolka Banaadir, kuwaasoo la diiwaan galinayo oo tirintoodu socoto, kuna xarooday xeryo ku yaalla Deyniile, Kaxda iyo Garas Baalleey”, ayuu yiri Cantoobo.

Wuxuu intaa ku darey in ay u qeybiyeen dadka soo barakacey teendhooyin, si ay uga gaashaantaan roobka, dabeysha iyo kuleylka, halka aanu garaneyn aggaasimuhu tirada dhabta ah ee barakacayaasha xerooyinkan saddexda ah soo galey.

Aggaasimaha, wuxuu carabka ku dhuftay in maamulka gobolka Banaadir bilaabay qorshe dadka soo barakacey loogu rarayo bishan October goobo cusub oo gabaad wanaagsan leh, si aaney ugu dhicin dhibaatadii daadadka ee xili roobaadkii tagey.

Salaado Xasan Maxamed ma jirto wax diyaar garow ah oo ay sameyneyso, mana heyso tabar, iyadoo sidoo kale niyad jabsan, cid kale oo ay ka sugeyso kaalmana ma jirto, sidaa daraadeed xaaladdeedu ma wanaagsana.

“Wax qorsho ah oo aan sameysanay ma jiraan, annagoo og in dhibaato nagu soo fool leedahay,  haddana si aan isaga difaacno ma jirto.” ayey tiri Salaado.

Salaado, waxey ku nooshahay buush ku yaalla xerada dadka soo barakacey  ee Tubta nabadda degmada Kaxda.

Waxay sheegtay Salaado in biyo la’aan  ay heysato, musqulana ayan heysan, kaliya waxay halkaasi ku heysato inay tahay buush ay ku hoyato.

“Xaaladda dadka ku jira kaamkana way liidataa, buushashkana waa kuwo dhamaad ah, oo aan iska difaaci karin roob hadduu yimaado,” ayey tiri Salaado.

Salaado waxey kasoo barakacdey Awdiinle ee gobolka Baay 2014-tii, kadib markii halkaasi ay ka dhacdey abaar.

Maxamed Amiin Cabdullaahi Cismaan, guddoomiye kuxigeenka hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka Soomaaliyeed, wuxuu sheegay in dadka soo barakacey mar waliba qabaan dhibaato, gaar ahaan hoy la’aanta, maadaama ay iska dageen goobo bannaan.

“Xaaladda sida jirto mar waliba oo uu roob da’o dadkan soo barakacay dhibaato ayey ku qabaan, waayo guryo ma dagana, waxey dageen meelo banana”, ayuu yiri Amiin.

Wuxuu sheegay guddoomiye Amiin in goobaha ugu daran ee dadka soo barakacey ay dagan yihiin waa goobaha godka ah, sida Sayidka iyo Baar Bulsho, iyadoo markuu roobku da’o dadku aaney seexan karin oo ay taagnaanayaan ilmahana kaba sii daran.

“Biyahaas way fadhinayaan xanuun bay ka qaadayaan dadka xerooyinka ku jira, wax dhib yar maahan oo ilaa iyo hadda tabar lagu xaliyo mahayno, dowladda Soomaaliya awooddeedana way yar tahay,” ayuu yiri Amiin.

Guddoomiyaha wuxuu kaloo sheegay in dadka xeryaha soo galaya ay kala duwan yihiin dhibaatooyinka dabada ka riixaya, iyadoo haatan midda taagan ay tahay roobka iyo fatahaadda.

Dadka barakacey ee kunool magaalada Muqdisho iyo meelaha kale, waxey mar waliba u nugul yihiin dhibaatooyinka ka dhasha daadadka ay wataan roobabka da’a, mana jirto cid iska xil saarta oo qorshe u sameysa kahor inta aaney roobku da’in.

Previous Post

Jowhar: Beeraley laga caawinayo dib-u-habeynta kanaallada waraabka

Next Post

Dadka xeryaha soo barakacey ee Muqdisho oo ka walwalsan saameynta roobka

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Barakacayaal ku tabaaleysan Jannaale

Dadka xeryaha soo barakacey ee Muqdisho oo ka walwalsan saameynta roobka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 06-MAY-2026

IDAACADDA 06-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 06-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo