Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Bukaanno ka bogsaday xanuunka dhimirka oo xirfado gacanta ah la baro

Radio Ergo by Radio Ergo
October 17, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Bukaanno ka bogsaday xanuunka dhimirka oo xirfado gacanta ah la baro

Qaar ka mid ah bukaanada soo bogsanayo oo tababar xirfadeed la siinayo/Sawir/Ilyaas/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Anwar Aadan Faarax oo 54 jir ah kuna nool magaalada Hargeysa, waa farsamo yaqaan dhinaca dhismaha ah, wuxuu qaataa qandaraasyada. Muddo saddex sano ah ayuu hadda ku shaqaysanyaa xirafadda farsmaada korantada. waa aabbe leh afar carruur.
Wuxuu Anwar ka qalin jebiyey xarunta Sahan oo ah goob lagu daaweeyo dadka qaba xanuunada dhimirka oo uu ku xanuunsanayey laba sano, daawana ka qaadanayey xarunta Sahan oo lagu daaweeyo dadka dhimirka ka xanuunsan, xirfad barisna loogu daro.
Anwar xirfadduu ka bartay xaruntaan wuxuu ka helaa maalintii lacag labaatan doolar oo uu ku maareeyo biilka qoyska, waxbarashada laba gabdhood oo jaamacad dhigta oo ka bixiyo saddex boqol iyo lixdan oo dollar semistarki iyo kirada guriga shan qol ka kooban oo uu ku bixiyo Laba boqol oo dollar.
“Qofka inuusan xirfad lahayn ayaaba dhibaato ku ah maanka, anniga intaan xirfadda bartay waan xasilay, waana shaqaystaa oo kalsooni ayaan qabaa, horay xirfaduhu inay macno leeyihiin ma u qabin” ayuu yiri Anwar.
Xaruntaan oo la yiraahdo Sahal waxaa 29 bishii Seebteembar ka qalin jebiyey difacaddii ugu danbaysay, iyadoo haddana ay ku xeraysan yihiin 483 rag ah oo dhimirka ka xanuunsanm, kuwaasoo 100 ka mid ah ay u socdaan tababarada xirfaddu.
Dr Mustafe oo ah dhaqatarka daaweeya dadkan ayaa sheegay in ay ugu tala galeen barashada xirfadaan sidii dadkan maankooda loogu kobcin lahaa.
Waxaana la bara dadka xoogaa maankoodu soo ladnaado farsamooyinka kala ah korantada, hagaajinta iyo wadiidda gawaarida, tollidda dharka, dhismaha guryaha iyo kuwa kale. Xaruntan oo ah mid gaar loo leeyahay ayaa dadka heli kara dhaqaalaha laga qaadaa 80 doollar halka dadka aan dhaqaalo haysan si bilaasha lagu daaweeyo loona baro farsadamada, toban sano oo ay jirtayna waxaa wax ka bartay 400 oo qof.
“Waxaan barashada xirfadaha oo kale oo ugu tala galnay in marka dadku bogsadaan ay heli karaan waxay ku shaqaystaan” ayuu yiri Mustafe.
Dumarka ayuu sheegay inaan iyaga la keenin xarunta, laakiin ay daawada ku siiyaan guryahooda.
Maxamed Suldaan oo 32 jir ah oo afar sano ka hor malahayn wax xirfad ah, wuxuu ka shaqayn jiray qaad uu ku iibin jiray gudaha magaalada Hargaysa, markuu ka xanuunsaday dhimirka ayaa ehelkiisa keeneen xarunta. Hadda waa bogsaday, wuxuuna bartay xirfadda dhar tolista, isagoo subaxii u shaqo taga goob dharka haweenka lagu tolo oo gudaha Hargeysa ku taal.
“Waa shaqo fiican oo xilliga dadki shaqeeyaan ayaa anna shaqeeyaa xilliga ay seexdaana waan seexdaa,3-4 doollar ayaan ka helaan oo ku filan nolashyada, nin xanuunsanaya ma ahi oo dadkayga ayaa dhinaca kala socdaa” ayuu yiri Maxamed.
Maxamed ayaa sheegay in shaqada dawaarka uu markii hore u arki jiray mid hoosaysa laakiin hadda uu rumaysan yahay inay tahay shaqo fiican oo nafsadiisa u wanaagsan marka la barbar dhigo qaadkii uu iibin jiray.
Wuxu tilamaamay in xilliga uu qaadka iibin jiray usan daryeeli jiran naftiisa sida in uusan hurdo seexan jiray habeenkii oo dhan, cuntadana uusan si wanaagsan u cuni jirin, soo jeedkiisuna badnaa.

Previous Post

Bandhig dhinaca farsamada casriga ah oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Galgaduud: Biriq xoolo ku laysay deegaan ka tirsan Guriceel

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Roobab waxyeello gaarsiiyay Bandar-beyla

Galgaduud: Biriq xoolo ku laysay deegaan ka tirsan Guriceel

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-OCT-2026

IDAACADDA 07-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo