Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Boosaaso: Kalluumeysatada xeebaha oo la siiyay qalab loogu talo galay bad-qabkooda

Radio Ergo by Radio Ergo
October 11, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
KALLUUMAYSATADA XEEBAHA MUDUG IYO NUGAAL OO QAYLO DHAAN KA KEENAY MARAAKIIB JIRIIF KU HAYSA

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Konton doonyood oo ka kalluumeysta xeebaha magaalada Boosaaso ayaa lagu xiray qalab cusub oo loogu talo galay bad-qabka kalluumeysatada.

Labo boqol iyo konton doonyood ayuu qorshuhu yahay in lagu xiro qalabkaan oo ka koobban anteeno lagu rakibayo doonta, batoon la riixayo oo muujinaya calaamad cas xilliyada ay xaaladaha degdegga ah jiraan, isgaarsiin satarleyt ku shaqeysa iyo jiheeye tilmaamaya hadba meesha berrigu ka xigo doonta iyo inta uu u jiro, sidaas waxaa Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha iskaashatada kalluumeysatada Boosaaso Maxamed Aadan Axmed.

Qalabkaas ayay kalluumeysatadu adeegsan karaan marka ay cillad ku timaadda matoorka iyaga oo badda ku jira, haddii ay ka lumaan jihada ama ay dareemaan khatar uga timaadda maraakiib.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in wakhtiyadaas ay kalluumeysatadu adeegsan karaan inay diraan farriin cod ah, haddii ay u suurto geli waysana ay riixi doonaan batoonka oo markiiba farriin cas oo khatar inay jirto muujinaysa iyo halka ay ku sugan tahay doonta u gudbinaya xarunta dhexe ee Boosaaso oo hagta kalluumeysatada.

Xaruntan waxay markiiba ogaanaysaa masaafada ay joogto doonta, jihada iyo goobta ay ku beegan tahay, waxaana jira 10 doonyo dheereeya ah oo wasaaradda kalluumeysiga Puntland leedahay oo loogu talagalay badbaadinta, kuwaas oo ku baxaya halka ay farriintu ka timaaddo.

Horay doonta kalluumeysi marka la waayo, dad qarabadooda ah oo doon shidaal ku shubta baadi dooni jiray baddana aadi jiray, kuwaas oo ka raadin jiray hadba meeshi ay filayeen inay jiraan, waxayna keenaysay inay helaan ama waayaan, ama kalluumaysatada wixii aan dhiman oo meel kale ka caaryay ay ka soo hadlaan.

Laakiin qalabkaan hadda la siiyay kalluumeysatada ayaa xal u noqonaya in ay yaraadaan khatarihi ay la kulmi jireen inta ay badda ku jiraan, sida uu sheegay Maxamed Aadan.

Wuxuu xusay in qalabkaan ka hor ay kalluumeysatada isgaarsiin ahaan u adeegsan jireen teleefoonka gacanta oo marka ay doonta badda gasho 13 mayl wixii ka danbeeya aan lahayn anteeno, taas oo keeneysay markii dhib ku dhaco in aysan jirin meel laga ogaan karay ama hab ay xiriir ku sameyn kareen.

Lix qof oo kalluumeysato ahaa ayaa dhintay bishii toddobaad ee sanadkaan kaddib markii ay gudaha badda ku xumaatay doon ay wateen, waxaana 14 maalmood markii ay maqnaayeen  kaddib meydadkooda laga helay xeebta Baargaal oo Boosaso u jirta 335 km, halka 9 doonyood oo kalena ay sanadkan gudihiisa ku lumeen badda, iyadoo markii danbe ay ka soo caariyeen dhul xeebo kala duwan  ah oo gobolka Bari ka tirsan.

Kalluumeysatada khataraha la kumi jiray ee hadda qalabkaan loogu rakibay doonyaha waxaa ka mid ah Maxamuud Maxamed Saciid (Shoobme). Waa 50 jir ku nool magaalada Boosaaso, wuxuuna 15 sano oo cimrigiisa ka mid ah ku shaqeysanayay xirfadda kalluumeysiga.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in marar badan isaga oo badda ku jiray ay jihada ka luntay, dhibaatadaas oo ku kahsabtay inuu qoyskiisa la dardaarmo mar kasta oo badda uu aadayo, isagoo aaminsanaan jiray inuusan bad-qab ku soo laaban doonin.

Haddase wuxuu og yahay halka uu berrigu ka xigo iyo masaafada uu u jiro. “Aniga saddex maalmood oo jihada iga lunsaneyd ayay dabayshii xeebta Qandala igeysay,” ayuu yiri Maxamuud.

Isagoo ay khatarahaas ku hareereysnaayeen ayuu haddana maalin walba 40 mayl gudaha u gali jiray badda si uu u soo kalluumeysto. Jillaabashadiisa kalluunka waxaa ku tiirsan nolosha qoyskiisa oo ka kooban 9 qof.

Shantii bishaan Oktoobar ayaa doontiisa loogu xiray qalabkaan oo ay bixisay wasaaradda kalluumeysiga Puntland oo kaashaneysa hay’adda Qaramada Midoobay ee cunada iyo beeraha FAO.

Maxamed Cali Muuse oo ah agaasimaha waaxda horumarinta iyo maareynta ee wasaaraddaas ayaa sheegay in qalabkaan ay gaarsiin doonaan dhamaan kalluumeysatada xeebaha Puntland shanta bilood ee soo socota.

Previous Post

Sool: Beeraley roobab da’ay ku waayay dalagyadii u tacbanaa

Next Post

In ka badan 1,700 oo arday naafo ah oo wax ka barata iskuullada Dhadhaab

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post
In ka badan 1,700 oo arday naafo ah oo wax ka barata iskuullada Dhadhaab

In ka badan 1,700 oo arday naafo ah oo wax ka barata iskuullada Dhadhaab

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUN-2026

IDAACADDA 07-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUN-2026
June 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUN-2026
June 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo