Ardeyda qabto baahiyaha gaarka ee wax ka barta dugsiyada hoose/dhexe ee xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, ayaa korodhey.
Hey’adda LUTHERN WORLD FEDRATION (LWF) oo gacanta ku heysa waxbarashada dugsiyada hoose dhexe ee Dhadhaab, ayaa kordhisay bishii September fasallo gaar ah oo ay wax ku baran karaan ardayda naafada ah. Furitaanka fasalladan cusub ayaa lagu soo beegay xilliga dib loo furayey sanad-dugsiyeedka labaad ee dalka Kenya.
Sida uu Radio Ergo u sheegay Isaaq Axmed Haaruun, oo ah u qeybsanaha dhanka waxbarashada ee hey’adda LWF, waxaa wixii xilligaas ka dambeeyey sii kordhayey marba marka ka dambeysa tirada ardeyda ee ku biirayo fasalladan gaarka, waxaa hadda dhigata 1,721 arday.
Sanadkii hore xilligan oo kale waxaa dhiganayey dugsiyada hoose/dhexe ee ardeyda kale ee caadiga ah ay wax ka bartaan 719 arday oo qabo baahiyo gaarka ah. Ardeyda baahiyaha gaarka qabo ayaa isugu jira kuwa aragga la’, dhegaha iyo qaar lugaha iyo gacmaha la’.
Isaaq waxaa uu sheegay in arrinta kale ee dhiiri gelisay inay bateen ardaydan ay tahay macalimiin si gaar ah wax u barayo oo ay hey’addu u qortey hirgelinta, gawaari si bilaash ah guryahooda uga soo soo qaada kuna celisa, iyo waalidiinta oo wacyi gelin badan laga siiyey in caruurtoodu ay iskuullada u soo diraan.
Barey Jimcaale Cabdi waa 16 sano jir, waxay dhigataa fasal gaar u ah dadka baahiyaha gaarka ah qabo ee dugsiga hoose/dhexe ee Hormuud ee xerada IFO oo ay billowday bishii September.
Waxay kamid tahay ardeyda aragga la’ ee markii uggu horeysay fursad u helay inay wax bartaan. Haatan wixii ka horreeyey waxba ma aysan baran jirin, oo waxey aheyd qof guriga un iska jooga. Waxay ku faraxsan tahay in waxbarashada gaarka ah ee ay heshay ay wax badan ka beddeleyso hab nololeedka ay u nooshahay sida in ay awoodo inay qori karto waxyaabaha aas-aasiga sida xisaabta. Waxay sidoo kale rajeyneysaa in iskuulkan ay bilowda uu guul billow ah u yahay inay mustaqbalka meel wanaagsan ka gaarto waxbarashada.
Hadda waxaan aqaana sida wax loo qoro anoo isticmaalaya mashiinta bareelka, ee dadka indhoolaha loogu tala galey in wax ku qortaan. Taleefoon ayaan wataa markaan rabo in aan qof la hadlo anaa dirsanaya markuu qof i soo wac anaa ka qabanaya. Kolkii hore waxaan ahaa qof mugdi ku jira, haddase waxaan ahay qof iftiin u baxay.
Waxey subax kasta soo gashaa iskuulka 8-da subaxnimo, iyadoo ka baxda 3-da galabnimo. Waxay qaadataa maaddooyin isugu jira Saynis, Xisaab, Ingiriis iyo Sawaaxili.
Hadda waxey ku jirtaa fasalka, waxaa horyaalla mashiinta sida gaarka ah wax ay uggu qoraan dadka indhaha la’, waxey ku qoreysaa maadada xisaabta oo uu macallinkeeda farey iney wax ka qorto. Waxayna garaaceysaa mashiinta dadka aragga la’ ay wax ku bartaan.
Ardeyda waxbarashadan gaarka ah ka faa’iideysanaya ayaa u badan kuwa araga la’, iyo kuwa dhagaha la’, waxaana qeyb kasta oo ka tirsan wax bara macallimiin u gaar ah. Inkastoo ay dhigtaan dugsiyada caadiga ah ee ardayda lixaadkooda u dhammeystiran yahay, haddana waxay fariistaan fasallo gaar ah oo ay casharada ku qaataan, kuwaasoo dhammaan saddexda xero ee Xagar-dheer, Ifo iyo Dhagaxleyba ka jira.
Wixii ka horeeyey intii aysan hey’adda LWF ka hirgelin Dhadhaab fasallada u gaarka ah ardeyda naafada ah, sida ay ardeyda baahiyaha gaarka qabo ay wax ku baran jiraan, ayaa ah inay fasalada la fariisan jireen ardayda kale ee lixaadkoodu u dhameystiran yahay, balse waxaa wax si gaar ah u wax u bari jiray macallimiin iyaga u gaar ah, laakiin tani waxay kaga duwan tahay in loo sameeyey fasallo ardaydan naafada ah oo keliya ay wax ku baran karaan.
Waxaa iskuulada xeryaha Dhadhaab ku dhex yaalla xarumo lagu ogaado ka hor inta aan fasal la geynin arayda bahiyaha gaarka qaba inay wax baran karaan iyo in kale talooyina lagu siiyo, waxaa xarumahan ka hawlgala macallimiin lasiiyey tababaro ku saabsan sida wax loo bari garo ardayda baahiyaha gaarka qaba, sid uu Radio Ergo u xaqiijiyey Aadan Xasan Sabriye, oo muddo dheer la shaqeynayey iskuulladan, kalana talinayey arrimaha dadka naafada ah iyo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan.
Waxaa uu xusay Aadan in xarumahan oo ay maamulaan hey’adaha gacanta ku haya waxbarashada xeryaha qaxootiga Dhadhaab, ay sameeyaan marka loo keeno arday cusub. Waxey ka qaadaan imtixaan lagu ogaanayo heerka qofka naafada ah iyo in uu la qabsan karo iskuulka, iyadoo loo qiimeynaya baahida gaarka ah ee uu qabo haddii ay noqon laheyd dhinaca aragga, maqalka iyo naafonimada kale.
U qeybsanaha dadka naafada ah ee LWF Isaaq Axmed Harun, wuxuu sheegay in qaadista tallaabada sida gaarka ah wax loo barayo ardaydan ay sidoo kale timid, markii ay arkeen in jiil badan oo dadka naafada ah aysan awood u laheyn inay helaan inay xeryaha Dhadhaab ka helaan waxbarasho la jaanqaadi karto baahiyahooda.
Inkastoo horey ay u jirtey in arday baahiyo gaar ah qabo oo wax ka barta dugsiyada Dhadhaab, haddana ma jirin in si gaar ah wax loo baro oo in qofka naafada uu wax barto, waxey ku xirneyd hadba iskuulka ay waalidkiis geeyaan, iyo sida loo heli karo waxbarasho gaar ah qofka naafada ah.
Khadiija Cumar Xasan waa macalimad inka badan 20 sano wax baraysay ardayda baahiyaha gaarka qabo ee xerada qaxootiga ee Ifo. Waxay dhigtaa luuqadda Ingiriiska. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in xilligii hore iyo hadda oo la billaabay fasallada cusub ee ay wax ku baranayaan ardayda naafada ah sare a in uu jiro farqi weyn oo u dhexeeya, arrintaas ayey sababeysay waxayna tiri.
“Horey wax taageero ah oo fiican meysan heysanin oo caruurta baahiyaha gaarka ah qaba kii iman garo wuu iman jirey, kii kalase guriga ayuu iska joogi jirey, hadda waxaa dhacay isbadal oo baabur ayaa lagu keena subixa guryaha ayaa laga soo qadda kadibna waa lagu celiyaa.
Waalidiinta badan oo dhaley carruur naafo ah waxey horey u aamin sanaayeen in caruurtan aysan waxba baran karin, balse markii aan talooyin iyo wecyi gelin sameynay oo aan xitaa tusnay macallimiin baahiyaha gaarka qabo kamid ah way qaateen, wayna ku dhiiradeen waalidiinta in caruurta goobaha waxbarashada u soo diraan.
Khadiijo waxay sheegtay inay rajeyneyso in haddii baraaruga ay bulshada ku qabaan hadda muhiimadda iyo wax baridda ardeyda naafada ah laga yaabo in arday badan oo meel sare ka gaarey waxbarashada ay kasoo baxaan xeryaha Dhadhaab.
Cusman Muuse, waa 14 sano jir curyaan ka ah labada lugoodba. Wuxuu wax ka bartaa iskuulka hoose dhexe ee Hormuud ee xerada ifo, isagoo dhigta fasalka gaarka ah ee ardayda naafada ah. Waxaa uu kusoo biirey dugsigan bil kahor. Waxaa uu ku faraxsan yahay inuu hadda wax baran karo, isagoo subixii soo raaca gawaarida qaado caruurta naafada ah.
“Hadda waxaan ka bartaa English, Seynis, Xisaab iyo maadooyin kale. Waxaan ahaa qof curyaan ah oo meel iska jiifa. Walaalahey guriga ayey iiga tagi jireen, iyagoo waxbarasho aadi jirey, haddana guriga anoo jooga ayey iigu iman jireen, balse hadda waxbaan isla barana”
Qaar badan oo kamid ah ardeydan baahiyaha gaarka qabo waxay rajeynayaan iney meel sare ka gaaraan waxbarashada, si mustaqbalka ay qeyb ugga noqdaan dadka bulshada wax kusoo kordhiya hoggaankana qabta.










