In kabada 350 beerood oo ku yaalla deegaanno ka tirsan gobolka Sool ayay qaadeen daadad xoogga oo ka dhashay roob da’ay 3-dii bishaan. Dalagyo khudaar iyo geedmirood isugu jiro ayay qaadeen daadadku. Sidoo kale waxaa ku barakacay qoysas beeraley ahaa oo dhex degganaa beeraha. Warbixintaan oo faahfaahsan waxaa noo soo diray weriyaha Raadiyo Ergo ee Laascaanood Faarax Dubbad.