(ERGO) – Boqol iyo konton qoys oo iskugu jira xoolo-dhaqato iyo beeraley ay colaad ka soo barakicisay tuulada Quracley ayaa ka cabanaya biyo yari iyo cunno xumo. Waxay ku wajahayaan xerada Shareeco oo ku taalla magaalada Baladwayne, halkaas oo ay ku biireen labadii bile e u danbeeyay.
Dadkaas waxaa ka mid ah Axmed Saciid Axmed oo 76 jir ah. Waxay dantu bidday in subax walba uu u kallaho magaalada isagoo quuladaraynaya helidda shaqo xoogsi ah. Toddobaadkii hal mar oo ka mid ah ayuu helaa shaqada dhagax-jabinta.
Wuxuu sheegay in qoyskiisa oo 9 qof ah aysan ku filnayn $5 oo asbuuciiba mar uu la helo. Wuxuu ku qasbanaaday in uu gurmad waydiisto dad ay ehello yihiin, kuwaas oo ku caawiya raashin uu dabka saarto hal waqti oo ka mid ah maalintii.
“Mararka qaar indho masaaraysid shaqo. Marka jacburis iyo islaamka ayaan iskaga dhex noolnahay. Qaraabada raashin ay isku dardaraan ayay nasiiyaan, iyaduna wax meel ii saran maahan. Marka noloshaydu sidaas bay u raaracdaa.”
Ninkan oo noloshiisa oo dhan ku soo qaatay miyiga wuxuu tilmaamay in 5 ari ah oo uga badbaaday abaartii dalka ku dhufatay uu iibiyay. Lacagtii uu ka helay ayuu ku soo raacay gaariga keenay Baladwayne bishii Febraayo ee sanadkan. Si qoyskiisa uu uga saaro dhibaato ka soo gaarta colaad beeleed ka taagan tuuladiisa.
Deegaankan wuxuu ku haystay beer 3 hiktar ah. Wuxuu ku beeran jiray dalag khudaar iyo raashin u badan, hase ahaatee fasal roobaadkii u danbeeyay waxay ku qasaareen fatahaadda.
Qoyskiisa ayaa ku tiirsanaa ka hor colaadda uu ka soo barakacay raashin dayn ah, taas oo uu ka heli jiray ganacsatada deegaankiisa, maaddama ay meesha ka bexeen xoolo uu suuqa gaysan jiray marka tacabka beertiisu uu qasaare soo gaaro.
“Ariga wuu dhaqanaa. Caano ayaa laga helayay. Ridii qawaar ah waan ka gadanayay. Waan iskaga dhaqnayn baadiyahaas, mar marna beero ayaan qodanaynay. Hadda wixii dhan way soo duuduubmeen waan iska soo xarooday magaaladan soo galay. Ariga lixdan ilaa toddobaatan wuu dhamaa. Waxba iigama danbeeyaan ri’ xitaa mahaysto. Intii u danbaysay ilmaha ayaan ku soo qaxiyay.”
Wuxuu rajaynayay in gargaar cunno uu ku helidoono hay’adaja samafalka ee ka howl gala Baladwayne oo uu soo maciin biday, balse wuu ku hingoobay, taas oo rajo xumo galisay.
Wuxuu ku nool yahay aqal cooshad ah oo ay ku taageereen qoys xerada la deggan. Wuxuu sheegay in labo ka mid carruurtiisa uu geeyay dugsi qur’aan xerada ku dhex yaalla, kaas oo ay labadiisa wiil bilaash ay ku dhigtaan.
“Waa dugsi ii dhow oo nin macalin ah uu iyiri ilmaha keenso. Wuxuu yiri waan kugu sadaqaysanaa ilmaha yaryar ha kuu dhigtaan.”
Colaadda barakicisay qoyskiisa ayaa u dhaxeysa labo maleeshiyo beeleed oo isku haysta dhul beereed. Arrintan waxay saameysay xoolo-dhaqato beeraley noloshooda ay ku tiirsanayd tacabka iyo nacfiga xoolaha.
Xaawo Cali Isaaq oo beer labo hiktar ah ku leh deegaanka Quracley ee gobolka Hiiraan waxay ku biirtay xerada Shareeco 10 bishii Jannaayo ee sanadkan. Beerteeda oo dalag u badan galley uu saaran yahay ayay ka soo barakacday.
Waxay sheegtay in aysan haysan hoy, raashin iyo xitaa agabkii ay ku karsan lahayd. Waxay uga soo carartay deegaankeeda colaadda awgeed. Carruurteeda oo 12 ah waxay cunno hal waqti ah ku caawiya qoysas la deggan xerada.
“Dadka dariska ah oo xaafadaha nagu dhow jooga ayaan dhahnaa maanta ilmaha xoolkooda waa iga xun yahay ee yaa wax nagu dhaama oo dabka noo shida. Daris fiican baan leenahay marka ay naga weecato dabka ayay noo shidaan. Sidaas baa xaalkeennu yahay.”
Waxay tilmaamtay in ay xannaanayso saygeeda oo da’ ah isla markaana xanuun uu dhul dhigay, taas oo ka hor istaagtay in shaqo dhar-dhaqis ah ay u aaddo magaalada, maaddama aysan lahayn xirfad kale.
Qoyskeeda waxaa sidoo kale ku adag helidda biyo nadiif ah. Xerada ay ku nool yihiin malahan ceel biyood ama qasab ay biyaha ka soo dhaansadaan.
“Biyaha webiga ayaan iska cabnaa oo wasaq ah oo qaraar ah oo aan la cabi karin. Qoraxda kulaykeeda way nahaysaa biyo saxana ma shuban karno mana awoodno, qoraxdana kulaykeeda wuu nahayaa. Jirgaan biyo ah oo 20 shilin ahna ma shuban karno. Biyahaas qaraarka ah baan iska cabnaa Ilaah baan talada iska saaranaa.”
Muddo ku dhow labo bil oo ay deggan tahay xerada Shareeco ma helin hoy ay ka gasho qabowga iyo qoraxda. Waxaa gabaad u ah geed hoostiis, kaas oo ku dhex yaalla xerada.
Xaawo oo 49 jir ah waxay sheegtay in aysan haysan awood dhaqaale oo ay guri ku dhisato. Waxay waqtigeeda oo dhan ku bixisaa helidda cunnadii ay quudan la haayeen qoyskeeda.
“Dhibicda roobka nagama badbaadin karo. Hoygaa noogu daran. Haddii hoy nalo dhiso, taas baaba naxariis wayn noo ah.”
Gudoomiyaha Xerada lagu Barakacay ee Shareeco Cabdullaahi Xasan Cabdi ayaa Ergo u sheegay inay isku xilqaameen sidii dadkaas gurmad loogu fidin lahaa. Wuxuu intaas ku daray in xaaladda dadka ay ku sugan yihiin ay dhaafsiisan tahay heer uu maamulkooda keliya maareyn karo.
Qoysaska horay u degganaa xerada ayay ku dhiiri-galiyeen in ay caawiyaan dadka ku cusub xaaladda barakaca inta ay ka soo kabanayaan.
Dhanka kale guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan jirin wax caawinaad ah oo dadka ka soo gaartay dhanka maamulka dagmada iyo kan gobolka Hiiraan.
“Biyaha ugu daran. Xili kulul baa lagu jiraa. Ilmo yaryar bay haystaan, biyuhuna waa isbaddelay ee webigay cabbaan. Ilmaha xitaa shuban biyood baa uga dhacay way kawada shumayaan. Qoysaska ugu roon waa kuwa ay dabka u shidaan caseeyaasha oo kabaha dadka u soo tirtira. Qoysaskan dad xoog leh kuma jiraan. Waayeello iyo agoon bay u badan yihiin.”
Colaaddaha iyo Abaaraha ka jiro qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa qoysas badan ku qasbay in ay galaan xeryaha lagu barakacay, kuwaas oo tiradoodu korortay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.