Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ka barakacay Tukaraq oo dib ugu noqday guryahoodii

Radio Ergo by Radio Ergo
September 21, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Kismaayo: Haweeney ka noqotay Dhadhaab oo iyadoo uur leh gaari dameer biyo ku dhaamisa 18 August, 2016

Sawir/kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo tan iyo horraantii sanadkan 2018 waxaa ka jiray ay dagaallo ka barakaciyeen qoysaskii deggannaa waxaa saddex toddobaad ee u dambeysay caadi ku soo noqday dhaqdhaqaaqii iyo noloshii dadweynaha sida ganacsiyadii iyo goobihii waxbarashada oo dib loo furay.
Inkastoo aanan wali xal rasmi ah laga gaarin dagaalladii ka dhacay Tukaraq ee u dhexeeyey Somaliland iyo Puntland haddana ilaa 2,500 oo qoys oo horay deegaanka uga barakacay ayaa dib ugu soo laabtayn Tukaraq horraantii bishan, sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyey duqa Tukaraq Cabdiraxmaan Xasan Ducaale.
Waxay qoysaskan qaarkood muddo 8 bilood ah ku noolaayeen deegaanno ay kamid yihiin Boocame, Laascaanood, Carooley iyo deegaanno miyi ah oo ku dhow Tukaraq, degaanka kursudubalay waxayna ka barakaceen colaadda tan iyo bishii January ka jirtay Tukaraq waxaa xiligan kusoo beegay soo laabashadooda ayay u sababeeyeen deegaanka oo xabadi ka dhacayn laakiin weli ay jirto cabsidii una adkaysan kari waayeen dhulkii ay ku barakaceen nolosha ka jirtay
Wixii ka dambeysay soo laabashada qoysaskan waxaa dib u billowday ganacsigii Tukaraq, dhammaan mehradaha iyo goobaha lagu iibiyo raashinka, maqaayadaha iyo suuqyada magaalada ayaa la wada furay,
ganacsataduna caadi ayey u shaqeysanayaan. Waxaa iyadana laba toddobaad ka hor dib loo furay dugsiyada waxbarashada oo tan iyo January xirnaa.
Soo laabashada qoysaskan iyo nolosha dib u billaabatay waxay timid, iyadoo wali aan si rasmi ah xal looga gaarin khilaafka Tukaraq, ciidamadii dagaallamayna ay is-horfadhiyaan, hase yeeshee dadka dib ugu soo laabtay Tukaraq waxay Raadiyo Ergo u sheegeen in ay nolosha tuulooyinkii ay ku barakaceen ay ku adkaatay, sidaas daraateedna ay go’aansadeen in ay deegaankooda ku soo laabtaan maadaamaa aysan hadda xabbad socon.
Fartuun Maxamuud Cali oo kamid ah haweenka qoysaska dib ugu laabtay Tukaraq waa hooyada 7 carruur ah. Waxay markii ay timidba ay dib u furtay maqaayad kuwa cuntada lagu iibiyo oo dagaalladii ku xirmay, waxayna dib ugu shaqo billowday maqaayadeeda raashin ay ka soo deynsatay bakahaarrada cunnooyinka jumlada lagu iibiyo.
4 ka tirsan carruurteeda oo dhiganayay iskuulka hoose/dhexe ee Tukaraq ayaa muddo bilood ah kaddib waxbarashadoodii dib ugu laabtay. Nolosha guud ahaan qoyskeeda ayaa maqaayada ku tiirsan waxayna ka heshaa nolosha saddex-da wakhti laakiin waxay tilmaamtay inaysan hada wax faa’iido ah oo ay dhigato ka helin.
“Al-xamdullilaah, hadda waan shaqeysanayaa, suuqa maqaayadda ma xumo, maalintii quraac, qado iyo cashaba waan kariyaa. Cabsi way jirtaa, laakiin hadda nolosha waa caadi. Carruurtii iskuulka ayaan ku celiyey. Waxaan Illaahay ka baryeynaa in uu dagaal dambe nagu soo celin”’
Faadumo iyo qoyskeeda waxay muddo 5 bilood ah ku noolaayeen deegaanka Kursu-dubalay oo 18 km galbeed ka xiga Tukaraq. Deegaankaas ayey sheegtay in ay ku qabsatay dhibaato dhanka nolosha ah sida hoy la’aan, biyo la’aan,gaajo cabsi mararka qaarna caruurta ugu baqday inay baahi ugu dhintaan taasoo ay usii dheertahay waraabaha oo habeenkii soo weerari jiray
Inkastoo si dhab ah aan loo heyn tirada guud ee dadka deggannaa markii hore Tukarq ee ka barakacay, haddana mas’uuuliyiinta deegaanka waxay tirada guud ku sheegaan 3000 in ay gaareysa, kuwaasoo isugu jira dadkii deegaanka ee muddada deganaa magaalada iyo kuwa xoolo dhaqata ahaa ee abaarihii gobolka Sool ku ceyrtoobay oo labadii sano ee u dambeysay soo degay Tukaraq.
Cid kamid ah dadkaas oo hadda ku soo noqday magaalada ma jira, sida uu sheegay duqa deegaanka cismaan xasan xoola dhaqatadii degenayd deegaanka tukaraq ayaa weli halkaasi kusoo laaban dooxooyinkii xooluhu daaqi jireen waxaa degen ciidamo waxayna ku sugan yihiin xoola dhaqatadaasi deegaano ay kamid yihiin gabadhe,saaxo gaba-gabo iyo buurawadal
“Keliya hadda noloshii caadi bay u egtahay in ay ku noqotay. Dadku tartiib-tartiib ayey magaalada u imanayeen waayo haddee iminka cid dagaallameysa ma jirta. Inta yar maqan waxaan rajeyneynaa in ay iyaguna soo noqdaan, magaaladaana dagaal dambe uma rabno”.
Afar dugsi hoose/dhexe oo ku yaalla Tukaraq iyo deegaanno hoos yimaada sida Higlada, God-qaboobe,iyo Faleedh-yaale ayaa iyaguna si rasmi ah dib loo furmay. 800 oo arday oo kamid ah 1000 arday oo intii aysan colaadda dhicin dhigan jiray iskuulladan ayaa labadii toddobaad ee u dambeysay soo xaadiray fasallada.
Waxbarashada ayaa caadi u socota, maalin kastana ardardayda way yimaadaan, iyagoo qaata xiisadaha kala duwan ee ay dugsiyada bixiyaan.
Maamulaha dugsiga hoose/dhexe ee Tukaraq oo ah kan ugu weyn magaalada, Maxamed Feysal Muuse ayaa u sheegay Raadiyo Ergo in 470 oo kamid ah 600 o arday ay iskuulkooda soo xaadirtay, taasoo uu ku tilmaamay calaamad muujineyso in dadkii deegaanka oo dhan ay soo wada noqdeen intooda badan.
“Iskuullada oo furan oo caadi loo dhiganaya oo aan imtixaankii sugeyno ayey dagaalladii dhaceen, sidaasna waxaa ku baaqday imtixaanaadkii oo aan sanadkan la gelin. Hadda waxbarashada caadi ayey u socotaa, waxaan rabnaa in marka aan imtixaankii dib u qaadno dhawaan marka ay ardaydu xoogaa casharrada qaataan”Cabdiraxmaan maxamed wuxuu kamid yahay ganacsatada Tukaraq wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in meheradihii dib loo furay dadkii magaalada degenaana badi kusoo laabteen
“Waxaan kamid ahay dadka ganacsiga ku lahaa waxaan ku haystay dukaan booshari ah. Hadda dib baan u furay dukaankii, waxaan iibiyaa alaabada bagaashka sida qudaarta. Gacansiga caadi buu u socdaa oo waa la wada furay. Rajadeenuna in uu sii socda ayey tahay oo nolosha ay ku soo noqota sidii ay ahaan jirtay”
Muddo 7 bilood ah halkan kamay jirin wax ganacsiga ah iyo nolol kale waxay noqotay xero ciidan dadkii degenaa markii ay qaxeen meheradii waa xidhay intii waxaa igu socotay qarash sida kiro laakiin hada suuqu wuu fiican yahay haday ugu yaraato wixii qofka meherada leh wuxuu ka helayaa wuxuu ku noolaal lahaa marka laga yimaado faa’iidooyinka dadkii barakacay waxaa rijay inay hay’adda gargaarka ka helayeen raashin sida WFP oo kale
Dadka kusoo laabtay tukaraq waxay kuu sheegayaan inay hubanti la’aan tahay inay sii degenaadaan halkaasi oo dagaal ka dhici karro maadaama ciidamadii is hor fadhiyaan mararka qaarna ay maqlayaan sanqadha saraar aroortii hore

Previous Post

Qoysas ka barakacay colaado ka dhacay tuulada Baabaa ee gobolka Gedo

Next Post

Boqolaal qoys oo ka qaxay colaado ka jira degaanka Baabaa oo ka tirsan Gedo

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Beledweyne: Dadka saboolka ah oo weli aan awoodin inay guryahoodii dib ugu noqdaan 27 June, 2016

Boqolaal qoys oo ka qaxay colaado ka jira degaanka Baabaa oo ka tirsan Gedo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo