Maxamed Muxumed waxaa uu ka mid yahay dad xoolo dhaqato ah oo ka barakacay dagaal maalintii Isniintii 17 bishaan ka dhacay deegaanka Baabaa, isaga iyo todob carruur ah oo uu dhalay hadda waxay ku sugan yihiin tuulada Funujo oo u jirta degaankuu ka barakacay 35km
“Habeen iyo maalin ay duurka ku jirnay ayaan halkaan soo gaarnay, hoy iyo cunno toona ha sheegin, dadkii qofkasta naftiisa iyo carruurtii ayuu la soo cararay, cidlaana la wada daadsan yahay” ayuu yiri Maxamed.
Deegaanka ay hadda ku sugan yihiin ayuu sheegay inay ka heli karaan biyo, laakiin aysanse haysan cunno iyo hooy toona, haddana ay 24 saac hal mar waxay cunaan ay u keenaan dadka tuuladu.
Wuxuu intaas ku daray in 57 neef oo lo’, ari iyo geel isugu jira oo aan lahaa, oo xilligii dagaalku dhacay oo duhur ahayd ka cabayey ceelka tuulada ayaa iyana ka kala firdhay, uuna ka soo tegey.
Wuxuuna sheegay in markii ay ka carareen tuulada uu duleedka ka helay gaari dameer uu yaqaan ninka wata, sidaasna uu ku gaaray deegaanka uu hadda ku sugan yahay, siduu sheegay 126 qoys oo kale oo isla tuulada ka soo qaxay ayaa iyana hadda ku sugan.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada Jubba Land iyo ururka Alshabaab ayaa ka dhacay tuulooyinka Baabaa ,Toosiley iyo Bohol, iyadoo qoysaska ugu badan ay ka barakaceen tuulada Baaba oo Baladxaawo u jirta ilaa 35km, kana xigta dhinaca bari, iyagoo sheegayna dagaalkaasi oo soconayey muddo seddex saacadood, uuna ku fiday isla maalintiiba.
Ibraahin Macalin Caraaye oo ah madaxa arrimaha bulshada maamulka degmada Luuq ayaa sheegay in deegaanka Baaba oo ah ceel biyood caan ah oo xooluhu ka cabaan, wakhtiga jiilaalkana ay xoolo dhaqatadu isugu yimaaddaan si ay biyo uga helaan.
Wuxuu sheegay in dadka rayidka ah ee dagaalkaas ka barakacay ay tiro ahaan gaarayaan 500 oo qoys, ayna jiraan kuwo ku wax yeeloobay, inkastoo uusan tiro rasmiya sheegin, dadka barakacayna waxay hadda ku kala sugan yihiin tuulooyinka Funuge, Geedweyne iyo Shaatilow oo kala tirsan Luuq iyo Beledxaawo.
“Meesha dagaalka ka dhacay ciidamadii ayaa weli isku hor fadhiya, waxaanse ognahay dadka meelahay yimaadeen oo aan kala xiriirayno odayasha deeganada” ayuu yiri Ibraahim.
Wuxuu sheegay in deegaanka Geedweyne oo ka tirsan degmada Luuq waxaan hadda ku sugan 132, waxa ugu daran ee dadkaani u bahan yihiinna waa hoy iyo cunto ayna hadda wadaan qiimayn siday gargaar ku gaarsiin lahaayeen, deegaanaday ka soo barakaceenna aysan dadku wakhtigaan ku noqon karin colaadihii oo weli ka jira dartood.
Cali Xasan Ismaaciil waa aabe la barakacay 8 carruur ah oo uu dhalay, wuxuu ka barakacay Toosiley, wuxuuna hadda ku sugan yahay tuulada Shaatilow oo 18km degmada Luuq u jirta, wuxuu sheegay in hu iyo weel wax lagu karsado aysan wadan.
“Dhibaatada noogu daran waa hoyga, saddexdii habeenba banaan ayaan seexanay, saddex carruur ah ayaan iga xanuunsaday intaan soo soconay, welina waa jiifaan, meel aan geeyo oo dawo uga helo xitaa ma hayo” ayuu yiri Cali
Cali isaga xoolihiisi wuu la soo qaxay, iyadoo markii dagaalku dhacay ay daaq jireen, wuxuna sheegay agabkii kale oo qoyska noloshiisa iyo raashinkiiba ay ka yimaadeen.
“Hadda ilaa doraad dadka tuulada ayaa raashin bisil noo keenayey, wax aan karsano iyo wax aan wax ku karsano midna ma haysano, maalintii dhirta ayaan qoraxda ka galnaa” ayuu sheegay Cali
Waxaan uu intaasi ku darey in labadii maalmood ee ay ku sugan yahiin tuulada Shaatilow isaga iyo 106 qoys oo kale oo ay isku meel ka soo barakaceen. Sababta dagaalka ayaa lagu sheegay in ceelkaan oo xoolo badani isugu yimaadaan xilligan jiilaalka ay ururka Alshabaab sanadkasta wakhtigaan oo kale xoolo seko ah ka ururiyaan, cidamaduna sidaas ku weerareen.










