Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ka barakacay colaado ka dhacay tuulada Baabaa ee gobolka Gedo

Radio Ergo by Radio Ergo
September 21, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dabeylo khasaare u gaystay barakacayaal

Sawir/kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Maxamed Muxumed waxaa uu ka mid yahay dad xoolo dhaqato ah oo ka barakacay dagaal maalintii Isniintii 17 bishaan ka dhacay deegaanka Baabaa, isaga iyo todob carruur ah oo uu dhalay hadda waxay ku sugan yihiin tuulada Funujo oo u jirta degaankuu ka barakacay 35km

“Habeen iyo maalin ay duurka ku jirnay ayaan halkaan soo gaarnay, hoy iyo cunno toona ha sheegin, dadkii qofkasta naftiisa iyo carruurtii ayuu la soo cararay, cidlaana la wada daadsan yahay” ayuu yiri Maxamed.

Deegaanka ay hadda ku sugan yihiin ayuu sheegay inay ka heli karaan biyo, laakiin aysanse haysan cunno iyo hooy toona, haddana ay 24 saac hal mar waxay cunaan ay u keenaan dadka tuuladu.

Wuxuu intaas ku daray in 57 neef oo lo’, ari iyo geel isugu jira oo aan lahaa, oo xilligii dagaalku dhacay oo duhur ahayd ka cabayey ceelka tuulada ayaa iyana ka kala firdhay, uuna ka soo tegey.
Wuxuuna sheegay in markii ay ka carareen tuulada uu duleedka ka helay gaari dameer uu yaqaan ninka wata, sidaasna uu ku gaaray deegaanka uu hadda ku sugan yahay, siduu sheegay 126 qoys oo kale oo isla tuulada ka soo qaxay ayaa iyana hadda ku sugan.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Jubba Land iyo ururka Alshabaab ayaa ka dhacay tuulooyinka Baabaa ,Toosiley iyo Bohol, iyadoo qoysaska ugu badan ay ka barakaceen tuulada Baaba oo Baladxaawo u jirta ilaa 35km, kana xigta dhinaca bari, iyagoo sheegayna dagaalkaasi oo soconayey muddo seddex saacadood, uuna ku fiday isla maalintiiba.

Ibraahin Macalin Caraaye oo ah madaxa arrimaha bulshada maamulka degmada Luuq ayaa sheegay in deegaanka Baaba oo ah ceel biyood caan ah oo xooluhu ka cabaan, wakhtiga jiilaalkana ay xoolo dhaqatadu isugu yimaaddaan si ay biyo uga helaan.

Wuxuu sheegay in dadka rayidka ah ee dagaalkaas ka barakacay ay tiro ahaan gaarayaan 500 oo qoys, ayna jiraan kuwo ku wax yeeloobay, inkastoo uusan tiro rasmiya sheegin, dadka barakacayna waxay hadda ku kala sugan yihiin tuulooyinka Funuge, Geedweyne iyo Shaatilow oo kala tirsan Luuq iyo Beledxaawo.

“Meesha dagaalka ka dhacay ciidamadii ayaa weli isku hor fadhiya, waxaanse ognahay dadka meelahay yimaadeen oo aan kala xiriirayno odayasha deeganada” ayuu yiri Ibraahim.

Wuxuu sheegay in deegaanka Geedweyne oo ka tirsan degmada Luuq waxaan hadda ku sugan 132, waxa ugu daran ee dadkaani u bahan yihiinna waa hoy iyo cunto ayna hadda wadaan qiimayn siday gargaar ku gaarsiin lahaayeen, deegaanaday ka soo barakaceenna aysan dadku wakhtigaan ku noqon karin colaadihii oo weli ka jira dartood.

Cali Xasan Ismaaciil waa aabe la barakacay 8 carruur ah oo uu dhalay, wuxuu ka barakacay Toosiley, wuxuuna hadda ku sugan yahay tuulada Shaatilow oo 18km degmada Luuq u jirta, wuxuu sheegay in hu iyo weel wax lagu karsado aysan wadan.

“Dhibaatada noogu daran waa hoyga, saddexdii habeenba banaan ayaan seexanay, saddex carruur ah ayaan iga xanuunsaday intaan soo soconay, welina waa jiifaan, meel aan geeyo oo dawo uga helo xitaa ma hayo” ayuu yiri Cali

Cali isaga xoolihiisi wuu la soo qaxay, iyadoo markii dagaalku dhacay ay daaq jireen, wuxuna sheegay agabkii kale oo qoyska noloshiisa iyo raashinkiiba ay ka yimaadeen.

“Hadda ilaa doraad dadka tuulada ayaa raashin bisil noo keenayey, wax aan karsano iyo wax aan wax ku karsano midna ma haysano, maalintii dhirta ayaan qoraxda ka galnaa” ayuu sheegay Cali

Waxaan uu intaasi ku darey in labadii maalmood ee ay ku sugan yahiin tuulada Shaatilow isaga iyo 106 qoys oo kale oo ay isku meel ka soo barakaceen. Sababta dagaalka ayaa lagu sheegay in ceelkaan oo xoolo badani isugu yimaadaan xilligan jiilaalka ay ururka Alshabaab sanadkasta wakhtigaan oo kale xoolo seko ah ka ururiyaan, cidamaduna sidaas ku weerareen.

Previous Post

Qiimaha Xoolaha

Next Post

Qoysas ka barakacay Tukaraq oo dib ugu noqday guryahoodii

Related Posts

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Next Post
Kismaayo: Haweeney ka noqotay Dhadhaab oo iyadoo uur leh gaari dameer biyo ku dhaamisa 18 August, 2016

Qoysas ka barakacay Tukaraq oo dib ugu noqday guryahoodii

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-SEP-2026

IDAACADDA 12-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-SEP-2026
September 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo