Ibraahim Nuur Iimaan oo ah 25 sano jir naafo ah, wuxuu maalintii siddeed iyo tobonaad shaqadiisa oo uu garguurad ku aadi jiray ku tagayaa gaari loogu talagalay dadka aan lugahooda ku socon karin, waxaa ka muuqan jiray boor iyo daal badan marka uu shaqada tago.
Wuxuu ka mid yahay boqol qof oo naafo ah oo 80 ay ah ku nool yihiin xeryaha barakaca magaalada Muqdisho oo maamulka gobolka Banaadir u qeybiyay gawaarida dadka naafada ah ku socdaan, kuwaas oo guddoomyeyaasha degmooyinku ku xusheen inaysan awoodin inay gataan gawaarida.
Warbixintan waxaa magaalada Muqdisho ka soo dirtay Farxiyo Muraad









