Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Mudug: Dad lagu eedeeyay dhir jaris ay sameeyeen oo lagu xiray Gaalkacyo

Radio Ergo by Radio Ergo
September 26, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

Radio Ergo logo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

– ERGO) – Afar iyo labaatan qof ayaa lagu xiray xabsiga magaalada Gaalkacyo kaddib markii ay jabiyeen xeer ay soo saareen odayaasha iyo culimada 13 deegaan oo ku yaalla galbeedka gobolka Mudug kaas oo dhigayay in wax geed ah aan laga jari karin deegaanadaas sida Raadiyo Ergo uu u sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Geeddi oo ka mid ah guddi loo sameeyay dhaqan-gelinta xeerkaas.

Xeerka ayaa dhigaya in qofka lagu helo inuu jaray ugu yaraan 4 geed oo ah kuwa waaweyn sida quraca maraaga iyo higlayga kuwaasi oo harsiimo u leh dadka iyo duunyada uu muteysan doono hal sano oo xarig ah.

Guddi ka kooban 25 xubnood oo ka kala jooga tuulooyinka Laan-waaley, Gowlalle, Saax-wanaag, Buullaaley, Xasasaalle, Cayaar-weyn, Qoorosayn iyo Dagaari ayaa loo xil saaray ka shaqeynta sidii dadka dhirta jara ee dhuxuleeya loo soo qaban lahaa. Waxay sidoo kale burburiyeen toddobo goobood oo ah meelaha dhuxusha lagu shido, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Geeddi oo madax u ah guddigaas.

Wuxuu sheegay in ciidamada nabad galyada ay kala shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa cidda ka amar qaadan waysa. Waxay sameeyaan howgallo lagu ogaannayo in si dhuumaaleysi ah dhirta lagu jiro, iyadoo dadka deegaannaduna ay ku wargeliyaan haddii ay arkaan cid dhir jaris wadda.

Cabdiraxmmaan ayaa intaas ku daray in qofka lagu soo qabto isagoo dhir jaraya ay marka u horreysa guddiga siiyaan digniin iyagoo u sheego inuu ka tanaasulo howshaas, waxay sidoo kale ku wacyi geliyaan in nolosha dadka iyo xoolaha ay ku xiran tahay dhirta, iyaga oo xasuusiya in uu jiro xeer lagu mamnuucay dhir jarista oo laga hirgeliyay deegaanka.

Wuxuu xusay in qofka marka intaas loo sheego, haddii lagu helo mar labaad isagoo dhir gubaya ama jaraya la xiro. Ma jirto wax dhibaato ah oo ay kala kulmaan marka ay dadka xirayaan. Odayaasha deegaanada galbeedka mudug ayaa sheegay in iyagu ay soogaraan xukunka xabsi ee qofka falka dhirjarid lagu helo uu marayo dabadeedna ay ugudbiyaan xabisga gaalkacyo

Dadka oo noloshooda kasoo saaran jiray ayuu sheegay Cabdiraxmaan inay ku dhiirri galiyeen in ay shaqo kale oo xoogsi ah ay raadsadaan. waxaa jira 50 qof oo dadkaas ka tirsan oo ay lacag u dhaafiyeen qalabkii ay geedaha ku jari jireen sida faasaskii gudimihii iyo agabkii kale ee ay u adeegsan jireen jarida dhirta markii ay ka tanaasuleen falkii ay sameyn jireen.

Shan sano oo abaaro ay soo jireen waxaa galbeedka Mudug ka soconayay dhirta la dhuxuleeyo, laakiin xaalku waxba iskama baddelin xataa markii uu roobkii Gu’ga day. Xilligaas ayay dadka deegaannadaas go’aansadeen in la lala dagaallamo dadka dhirta gubo.

Saciid Mire Jimcaale oo ka mid ah wax garadka isku xil saaray arrintaan, ayaa Raadiyo Ergo taleefanka ugu sheegay in labadii bil ee la soo dhaafay ay aad u yaraadeen dadka jara dhirta ee deegaannada galbeedka Mudug, taasna ay ugu wacan tahay go’aanka bulshada deegaanku ay ku gaareen in aan deegannadooda dhir danbe aan laga jarin.

Maxamed Faarax Cali oo miyiga deegaanka Saax-wanaag ku dhaqdaa 80 neef oo ari ah, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in marar badan ay dhacday in geedka uu maalin isaga iyo xoolihiisu harsadaan in maalinta xigta uu la kulmi jiray isaga oo la jaray, taasi oo uu sheegay in dhibaato ay ku ahayd isaga iyo xoolo-dhaqatada kale ee deegaanka. Dhowrkii bil ee la soo dhaafay Maxamed wuxuu sheegay inuusan arkin dhibaatadii xaalufka ee dhirta lagu hayay.

Wuxuu xusay in inkastoo jilaala jiro haddana ay jarista dhira ay meesha ka baxday isbeddel waynna laga dareemay deegaankooda.

Previous Post

QIIMAHA XOOLAHA

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha toddobaadkan iyo qeybo ka mid ah dalka

QIIMAHA XOOLAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo