Guurka degdegga ah ayaa ka mid ah caqabadaha gabdho badan ka hortaagan inay waxbarashada sii wataan. Iskuulka Cabdalla Deerow ee magaalada Baydhabo oo keliya toban iyo sagaal gabdhood oo fasallada sideedaad, todobaad iyo lixaad ahaa ayaa sanadkaan uga tegey waxbarashada guurka dartiis.
“Gabdhaha hadda fasalka afraad ee dugsiga sare ku jiraa waa 28, markii ay form one soo gelayeenna waxay ahaayeen 78, 50kii kale waa la guursaday” ayey tiri Xaawo Cabdillaahi Cali oo ah maamulaha Iskuulka.









