(ERGO) – Cabdifataax Farxaan Habane, waa 29 jir aragga naafo ka ah. Kaalinta koowaad ayuu sanadkan u galay jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama, oo ay ka qali jebisay 847 arday oo dhammeeyey kulliyado kala duwan.
Maaddada sharciga oo uu baranayay afartii sano ee la soo dhaafay, ayuu shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda ka qaatay Axaddi la soo dhaafay oo bishaan Agoosto ay 5 ahayd.
Ilaa 20 arday oo aragga qaba ayuu fasal la fariisan jiray, wuxuuna casharrada ka qeyb gali jiray isagoo aan casharada la dhigayo qoraal ka samayn. Mana helin karin qalabka dadka aragga naafada ka ah ay wax ku bartaan, maadaama adeeggaas aanu ka jirin jaamacadda.
“Macallinka dersiga uu bixinayo waan dhegeysan jiray, waxa uu sheegayo xifdi guud baan ka qaadan jiray, in aan fasalka ku dhex xifdiyana way jirtay inaan ardayda wax akhrisanaysa la xifdiyana way jirtay,”ayuu yiri Cabdifataax.
Cabdifataax isaga oo aan adeegdsan qalin iyo buug sida ardayda kale ee uu wax la baranayay ayuu hadana gali jiray imtixiaanaadka. Wuxuuna ku geli jiray imtixaanka xafiiska kulliyada uu dhigto, halkaas oo su’aalaha loo akhrin jiray, isaguna jawaabaha uu sheego loogu qori jiray.
Cabdifataax oo jaamacadda ku soo bartay si bilaash ah ayaa Raadiyo Ergo taleefanka ugu sheegay in sababta meel gaar ah looga qaadi jiray imtixaanka ay ahayd si ardaydu aanay u maqlin jawaabtiisa maaddaama wixi uu sheego loo qorayo.
Afarta sano ee Cabdifataax uu jaamacadda dhiganayay waxaa imtixaanka ka qaadayay Sayid Cali Sheekh Maxamed Ciise oo ka mid ah maamulka kulliyadda uu dhiganayay Cabdifataax, iyadoo aan macallimiinta waxbarayay loo ogolayn inay imtixaanka ka qaadaan, si aan loogu tuhmin inay caawinaad dhanka dhibcaha ah u sameeyaan.
Sayid Cali ayaa xusay inuu Cabdifataax kaalinta koowaad u galo dhammaan jaamacadda inay ka dhigan tahay arrin weyn oo ku dayasho u noqon karta arday kasta oo qaba baahiyaha gaarka ah iyo ardayda caadiga ahba.
Waxa uu xusay in marka laga reebo wax akhris la’aanta xilliyada uu imtixaanaadka galayo uu wajihi jiray, aysan jirin wax kale oo caqabad ah oo uu kala soo kulmay muddadii uu jaamacadda baranayay.
Cabdifataax wuxuu rajeynayaa inuu sii wato waxbarashadiisa uuna barto farta dadka aragga la’ wax ku akhristaan si ay ugu sahlanaato diyaarinta heerka labaad ee jaamacadda (Mastarka).
Markii uu aragga beelay oo ahayd 2009-kii isma uusan dhiibin oo mugdiga uu galay kama hor istaagin inuu waxbarashadiisii sii wato. Inkastoo uu ka haray dugsiga sare oo uu ka dhiganayay fasalka saddexaad, hadana wuxuu ku biiray machad la yiraahdo Saylac oo ku yaallo magaalada Boorama laguna barto culuumta diinta, waxbarashada dugsiga sare iyo maadooyinka ay ardaydu si gaar ah u diyaarinayaan si ay jaamacadaha ugu biiraan. Saddex sano kaddib markii uu machadka ka aflaxay ayuu ku biiray jaamacadda Camuud sanadkii 2015-kii.
Cabdifataax ayaa horay u qabay xanuun indhaha ah, laakiin markii uu indho beelay ay dhakhaatiirtu u sheegeen in indhaha ay biyo ku furmeen oo aan waxba laga qaban rarin, inkastoo markii Jabuuti qalliin loogu sameeyey ay u suurta gelisay in hal il uu wax ku arki karayay muddo bil iyo dhowr cisho ah.
Markii uu xaaladdaas la kulmay wuxuu maalmo kaddib aaday magaalada Hargeysa, isagoo rajo ka qabay in qalitaan aragga loogu badbaadin karo lagu sameeyo, laakiin waxay dhakhaatiirtu u dheegeen inuu qabo xanuun la yiraahdo ‘Trachoma’. Cabdifataax iyo aabihiisba waxaa labaduba indho tiray cudurkaas. Aabihiis wuxuu ka shaqeyn jiray bir-tumista oo nolosha qoysku ku tiirsanayd, laakiin hadda shaqada Cabdifataax oo ah macallinimo ayay ku tiirsan tahay nolosha qoyskiisa oo ka kooban 8 qof.










