Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas hor leh oo ka barakacay dagaallo ka socda gobolka Sh/Hoose

Radio Ergo by Radio Ergo
August 15, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Soomaalilaan: Dad baahi iyo haraad u geeriyooday

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dagaallo u dhexeeyey ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliyo iyo kuwa AMISOM oo wada socda iyo Al-Shabaab oo maalintii Talaadada ee toddoabadii bishan ka dhacay tuulada Gaawiroow oo  6 km dhinac koonfureed uga beegan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose  ayaa sababay in ay dhintaan toddobo qof oo shacab ah oo lagu sheegay in ay beeraley ahaayeen. Lix kale ayaa iyaguna dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, kuwaas oo labo haween yihiin iyo ilmo yar oo toddobo sano jir ah. Dhaawacyada ayaa hadda lagu dawaynayaa cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ehelada dadkan oo isbitaalka aan kula kulanay iyo maamulka cisbitaalkaba.

Dhacadaas iyo dagaallo kale oo ka sii horreeyey oo ilaa horraantii bishan ka dhacayey tuulooyinka Gaawiroow , Kuntuwaarey , iyo Degmada Qoryooley ayaa keenay  450 qoys oo ka soo barakacay tuulada Gaawiroow ay soo gaaraan sagaalkii bishan ilaa iyo 12kii bishan. Barakacayaasha ayaa gaaray xeryaha kala ah Rajo, Sayidka iyo kuwa ku yaalla dhinaca km13 ee duleedka Muqdisho.

Cali Aweys Ibraahim waa aabaha qoys ka kooban siddeed qof, wuxuu qayb ka yahay qoysaska ka soo barakacay tuulada Gaawiroow. Waa markii ugu horeysay oo uu barakac noqdo. Weli ma aysan helin wax ay ku dhistaan aqal cooshad ah. Waxaana ay la hooydaan caruurtiisa iyo xaaskiisuba qoysaska kale, isaguna  xerada dhexdeeda ayuu dhigtaa  kartoomo uu ku seexdo habeenkii.

Waxaa sanadkan u tacbanaa dhul beereed cabirkiisu yahay labo darab taasi oo uu beertay muddo ku simman labo bil. Waxaana u beernayd gallay, nooca beertiisa ayaa ahayd mida ku baxda waraabka biyaha webiga.

Cali ayaa Ergo u sheegay in dhul-beereedkaasi iyo gurigiisa oo afar qol ka koobnaaba uu isaga soo cararay si uu u badbaadiyo nolosha qoyskiisa, markii ay saamayn ku yeelatay madaafiic dhinacyadu isdhaafsanayeen ay ku dhacday meel ku dhow gurigiisa uuna ku dhaawacmay mid kamid ah carruurtiisa kaasi oo gacanta waxyeelo ka soo gaartay  firirna uu ka galay.

Xaalada wiilkiisa ayaa hada ah mid wanaagsan, waxaana dhaawaca soo gaaray uu yahay mid firir ah oo dhinaca gacanta ah . Wiilkani wuxuu soo dhaawacmay toddobadii bishan.

“Dhulkaygii beerta uu iiga tabcanaa, gurigeyga, dhammaan wixii ii dhexyaalay ee alaab ahayd waxba kama soo qaadan, keliya waxaan ka xirnayn mooyee, hadda anniga iyo qoyskeeyga xeradan ayaan ku noolnahay halkan ayaan soo miciin bidnay waayo halkaas xaaladu waa mid Qatar ah lagumana noolaan karo”ayuu yiri.

Cali oo hada ku jira xerada Rajo degmada Hodan oo ay kula jiraan 200 oo qoys oo ay isku meel ka soo barakaceen ayaa ku soo gaaray halkani gaadiid ay ka soo raaceen Afgooye, inta ka horeysayna ay soo lugeynayeen maadama deegaanku dagaalo hareeyeen gaarina aanan la helaynin.

Carruurtiisa ayaa marka laga reebo kan ugu wayn inta kale ay dhiganayeen dugsi qur’aan afar kamid ah carruurtiisa ayaa dhiganaysay dugsi, kuwa kalena waxay ahaayeen kuwo waawayn oo kala shaqayn jirey beerta.

Beeralaydan barakacay waxay hadda uun ka soo kabanayeen abaaro saamayn ku yeeshay dhul beereedkooda, tacab badana uu uga qasaaray. Waxay dadka aan la hadalnay codsadeen in dagaallada lagu kor dagaallamay iyo dhibaatada ka soo gaareysa la joojiyo si ay deegaannadooda si nabad ah dib ugu laabtaan oo noloshooda ay soo ceshtaan.

Xumeer Nuur Cusmaan oo iyada iyo qoyskeedu ka soo barakaceen  deegaanka Gaawiroow ayaa Radio Ergo u sheegtay in 78 qoys ay iskala soo lugeeyeen toddobaadkii hore si ay uga soo baxsadaan dagaalo ay sheegtay inay deegaanka ku soo noq-noqdeen.

“Waan soo lugeynay ilaa lix saacadood, salaadii subax xilli ay ku beegnayd ayaan socodka soo billaawnay nasiib wanaagse dhexda waxaa naga soo caawiyay gaari , sidaas ayaana ku soo gaarnay degmada Afgooye,”ayay tiri Xumeer oo ah hooyada labo carruur ah. Wakhtigan waxay ku nool yihiin xerada Rajo KM13 duleedka Muqdisho, mana haystaan hooy iyo nolol wanaagsan oo halkan waxay ku yihiin dad cusub. Waxay sugayaan inay helaan caawin iyo dib u dejin inay ka helaan maamullada Garasbaaley iyo Kaxda. Dadkan weli ma aysan helin wax cawimaad ah .

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo maaliyadda ee  Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose  Cabdifataax Yuusuf Cabdule ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay ka warhayaan dadka gobolka uga barakacay dagaallada socda, hase ahaate wuxuu sheegay in guud ahaan gobolku ka socdo howlgal ciidan.

Gobolka shabellaha hoose waxaa ka jira howlgallo ay dowalddu uga soo horjeedo Al-shabaab, waxaana ka dhaca dagaalo taasina waxay saamayn ku yeelataa dadka shacabka ah oo dhowr jeer ay waxyeelo ka soo gaartay dagaaladaasi dhinacyada u dhaxeeya.

Previous Post

Barakacayaal hor leh oo gaaray magaalada Muqdisho

Next Post

Wiil aragga naafo ka ah oo kaalinta koowaad ka galay jaamacadda Camuud

Related Posts

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo

August 21, 2026
Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
Next Post
Wiil araga la’ oo kaalinta koowaad u galay jaamacadda Camuud

Wiil aragga naafo ka ah oo kaalinta koowaad ka galay jaamacadda Camuud

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-AUG-2026

IDAACADDA 25-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-AUG-2026
August 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-AUG-2026
August 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-AUG-2026
August 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-AUG-2026
August 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-AUG-2026
August 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo