Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay waddo baaritaan ay ku sameynayso xoolo dhowaan dib looga soo celiyay boqortooyada Sacuudiga kuwaas oo lagu sheegay inay qabaan cudurka Rift Vally.
Xoolahan oo laga soo dejiyay dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay 27,000 oo neef oo ari ah. Inkasta oo xoolahan la soo celiyay hadda haddan dowladda Soomaaliya waxay meesha ka saartay in Sacuudigu uu joojiyay xoolihii uu ka qaadanayay Soomaaliya. Weriyaheenna Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji ayaa warbixintan magaalada Garoowe innooga soo diray.










