Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Somaliland: Dad loo xirxiray dhir jaris ay ka sameynayeen gobollada Togdheer iyo Sanaag

Radio Ergo by Radio Ergo
August 16, 2018
in Arrimaha Bulshada, Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
XOOLO DHAQATADA GOBOLLADA DHEXE OO KA CABANAYA DHIRTA OO DHUXUL LOO JARANAYO

File Photo|Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Lix iyo toban qof oo dhuxusha ka ganacsada ayaa la xiray 11 bishan Agoosto, kaddib markii lagu eedeeyey inay jareen dhir qoyan oo jaristoodu ka mamnuuc tahay Somaliland. Howlgalka dadkaas lagu soo qabtay oo ay wadajir u fuliyeen ciidamada booliiska oo kaashanaya wasaaradda deegaanka, ayaa sidoo kale lagu baabi’iyay 42 goobood oo dhuxusha lagu shido oo ku kala yaalla gobollada Sanaag iyo Togdheer.

Gobollada howlgalka laga sameeyey ayaa ah kuwa ugu badan ee hadda lagu jaro dhirta qoyan ee dhuxusha laga sameynayo, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay isu-duwaha wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Farxaan Saleymaan Gaas.

Taliyaha booliiska gobolka Saraar ee Somaliland Xuseen Cabdi Caateeye ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ragga dhuxusha shidayay oo ay soo qabteen 11-kii bishan Agoosto ay maxkamad soo taagayaan. Iyadoo hadda lagu hayo saldhigga booliiska ee degmada Caynabo.

Dadka la xiray waxaa lasoo qabtay iyagoo dhir gubaya, sida uu sheegay Xuseeen Cabdi oo intaas ku daray inay jireen digniino hore oo ay ugu baaqayeen joojinta xaalufinta deegaanka.

Sidoo kale waxaa jiro wacyigelin joogto ah ay wasaaraddu u sameyso dadka ku nool deegaannada dhirta lagu shido, waxayna dadka kula hadlaan goobaha dadka isugu yimaadaan iyo dugsiyada dowlada ee ku yaala deegaanada ay ololaha ka wadaan.

Wasaarada deegaanka Somaliland oo kaashanaysa ciidamada booliiska ayaa jarista dhirta ka joojisay gobolladaan bishii koowaad ee sanadkii 2016-kii, laakiin waxay dib uga billaabatay sanadkii hore ee 2017 oo abaaro ay ka jireen Somaliland, waxaana jarista dhirta ku lug leh dadka xooluhu ka dhammaadeen oo dhirta u dhuxuleynaya si uga ganacsadaan, sida uu sheegay isu-duwaha wasaaradda eegaanka Somaliland.

Ma jiro wax qorsheyaal ah ama xirfad baddelid ay wasaarddu u sameynayso dadka dhirta guba oo ah xoolo-dhaqatadii abaaraha ku cayroobay, sida uu sheegay Farxaan.

Guuleed Cabdillaahi Cismaan oo ah 24 jir ku nool tuulada Yadanta oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa ka mid ah dadka dhirta shido si ay dhuxul uga sameeyaan. Wuxuu dhirta la gubo ee dhuxusha laga sameeyo ka ganacsanayay muddo sanad iyo labo bilood ah.7-dii bishaan Agoosto ayaa laga baabi’iyay labo goobood oo uu dhirta ku shidayay. Raadiyo Ergo ayuu u sheegay inuu waayay shaqo kale oo uu qabto, marki ay abaarihi ku xoolo beeleen qoyskiisa oo miyiga Yadanta ku dhaqan jiray boqol neef oo geel ah oo abaarti ay dhaafisay.

Godkii dhuxushu ugu xareysneyd ayay ciidamadu dab qabadsiiyeen si ay dambas u noqoto. Wuxuu sheegay in markii uu arkay gaadiidka ciidamada booliiska uu ka baxsaday goobta oo uu duurka galay si aan loo qabanin.

Lacagta uu ka heli jiray shaqada dhir gubista ah waxaa ku tiirsanaa shan carruur ah oo ay walaalo yihiin iyo labadiisa waalid.

Halki kiintaal ee dhuxul ah ayaa laga siisan jiray   30,000 shilin Somaliland ah una dhiganta $3 doolar. Guulee ayaa sheegay inuu ogaa inay dambi tahay qofkii lagu arko isagoo dhir jaray laakiin ay ku khasabtay duruufta nololeed ee haysata qoyskooda, taas oo ah in maalmaha qaar aanay helin cunno karsan.

Guuleed waxaa lagu leeyahay $190 oo ah lacagtii uu ku iibsaday dhuxusha ay ciidamadu ka baabi’iyeen, taas oo uu ka welwelsan yahay halka uu ka keeni doono.  Wuxuu sheegay gubista dhirta oo marka uu dhuxuleeyo oo Puntland u iib gayn jiray ay ku tiirsanayd nolosha qoyskoodu.

Guuleed ayaa sheegay in uu joojinayo gubista dhirta haddii loo sameeyo shaqo-abuuris uu ku maareeyo nolosho qoyskooda inuu iska daynayo dhir jarista iyo ka-ganacsiga dhuxusha, wuxuuse sheegay inuu sii wadi doono haddaan fursaddaas laga caawinin.

Baarlamaanka Somaliland ayaa bishii afraad ee sanadkii 2017 ansixiyay xeerka ilaalinta duur-joogta, dhirta iyo daaqa kaas oo dambiile ka dhigaya qof kasta oo lagu qabto isagoo dhir goynaya, wuxuuna dhigayaa qofkii hal geed jara in lagu ganaaxayo saddex milyan oo shilin Somaliland ah una dhiganta $300 oo doolar iyo saddex bilood oo xarig ah.

Madaxwaynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa saxiixay xeerka ilaalinta duur-joogta, dhirta iyo daaqa bishii shanaad ee sanadkii 2017,  waxaana tan iyo waqtigaas lagu qaaday 25 qof oo ahaa dadka ka ganacsan jiray dhuxusha. Saddexdii eedeysane ee u dambeeyay waxaa 14-kii bishii Juun ee la soo dhaafay lagu xukumay maxkamadda rayidka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay agaasimaha waaxda ilaalinta dhirta iyo daaqa ee wasaarada deegaanka Somaliland Axmed Aadan Cumar.

Previous Post

Soomaaliya: Dowladda federaalka oo baaritaan ku sameynaysa xoolo laga soo celiyay Sacuudiga

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA EE MAANTA JIMCE 07-08-2018

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha

QIIMAHA XOOLAHA EE MAANTA JIMCE 07-08-2018

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo