Beeraleyda galbeedka Somaliland ayaa ka cabanaya suuq la’aan haysata dalagyadii ay goosteen. Dalagyada ay suuqa geeyeen oo ay tacbadeen xilligii roobka gu’ga ayay sheegeen in wax qiime ah aanay hadda suuqa ka joogin, taas oo sabab ay u tahay tacab kooda la mid ah oo laga keenay dalka Itoobiya oo la keenay suuqyada, si raqiis ahna lagu kala iibsanayo. Warbixin arrintaan faahfaahineysa waxaa inoo haya weriyaha Raadiyo Ergo ee magaalada Hargeysa Ilyaas Cabdi Cali.










