Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Somaliland: Beeraley ka cabanaya suuq la’aan haysata dalagyadooda

Radio Ergo by Radio Ergo
August 23, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
DHOBLEY FARMERS SEE BENEFIT OF WATER CONSERVATION

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Mowliid Nuur Cumar oo ka mid ah beeraleyda ku nool deegaanka Carro-tuulka oo ka tirsan magaalada Gabiley, wuxuu saddexdii bishaan suuqa Hargeysa keenay dalagyo isugu jira galley, haruur iyo yaanyo, kuwaas uusan u helin wax beec ah.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay 200 oo kiilo oo yaanyo ah uu suuqa qudaarta Gobanimo ee Hargeysa keenay ay kaga quruntay markii wax qiime ah uu u waayay.

14-kii bishaan Agoosto wuxuu deegaankiisa kula laabtay 10 kiintaal oo ah galley iyo haruur markii uu iib u waayay. Kiiladii haruurka ama galleyda ah oo suuqyada Hargeysa ka ahaan jirtay 8 kun oo shilin Somaliland ah una dhiganta $1 doolar ayaa hadda la iibinayaa labo kun oo shilin Somaliland ah oo u dhiganta $0.25 senti.

Lacag uu ku sheegay intay tahay kun doolar ayaa ka galay beerta xilligii uu tacbayay.

Beertiisa oo sagaal hektar ah ayay lix hektar oo ka mid ah hadda ugu beeran yihiin galley iyo haruur, wuxuuna go’aansaday inuu bal ahaan u goosto, si uu uga dhigo calafka xoolaha.

Beeraleyda deegaannada galbeedka Somaliland ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay haysato suuq la’aan. Waxay xilligaan goosteen dalagyadii ay beerteen xilli roobaadkii gu’ga ee la soo dhaafay.

Arrintaan ayay u sababeeyeen in dalagyo kuwooda la mid ah oo ka soo go’ay dalka Itoobiya loo iib keenay suuqyada, isla markaana qiime jaban lagu iibsanayo, taas oo keentay in suuq uu yeelan waayo wax soo-saarkooda.

Maxamuud Guuleed Cali, wuxuu beer labo hektar ah ku leeyahay tuulada Agamsaha oo ka tirsan deegaanka Arabsiya 35 km oo galbeed ka xiga magaalada Hargeysa.

Boqol kiilo oo yaanyo ah iyo shan kiintaal oo galley ah oo uu u suuq geeyay Arabsiya ayaan laga siisan qiime fiican. 10-kii kiilo ee yaanyo ah looga iibsaday labo doolar, halka markii hore laga siisan jiray 20 doolar 10-kii kiilo. Wuxuu gurigiisa kula laabtay galleydii oo cid ka iibsata uu waayay.

Raadiyo Ergo ayuu taleefanka ugu sheegay in dalagyada u soo ga’ay uu suuqa keenay labo jeer 29-kii bishii Julaay iyo 11-kii bishaan Agoosto.

Wuxuu xusay in qiime dhaca ku yimid dalagyada ay isagu ku tahay khasaare, maaddaama lacagtii ka gashay markii uu tacbayay aysan uga soo bixin.

Shan boqol oo doolar oo uu soo deysaday ayuu sheegay in lagu leeyahay. Lacagtaas wuxuu ku bixiyay abuurkii iyo falistii beerta, waxaana laga rabay inuu bixiyo bisha Okroobar ee soo socota.

Wuxuu xusay in weli aanay suuq wanaagsan lahayn dalagyadii uu tacbaday isaga iyo beeraleyda kale ee deegaankiisaba.

Maxamuud ayaa ka walaacsan halka uu biil uga helayo qoyskiisa oo 9 ka tirsan ay carruur yihiin.

Beeralayda gudaha Somaliland waxay ka cowdaan dalagyada laga keeno Itoobiya oo ah kuwo la mid ah kuwa ay beertaan iyaga, kuwaas oo isku mar suuqyada dalkaasi looga soo galiyo, iyagoo ku iibiya lacago aad u jaban. Beeraleyda deegaannada Itoobiya ayaa taageero ka helo maamullada deegaannadooda si dalagyadooda ay ugu suuq geeyaan meelo ka baxsan Itoobiya.

Isu-duwaha wasaaradda beeraha Somaliland ee Maroodijeex Cabdirisaaq Muxumed Gaboobe ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in suuqa lagu cariiriyo beeraleyda gudaha. Wuxuu intaas ku daray in qiyaas ay wasaaraddu sameysay ay ku ogaatay in boqolkiiba konto uu is dhimay wax soo-saarka dalagyada gudaha Somaliland ka soo go’ay.

Waxa uu intaas ku daray in arrintaan ay caqabad ku tahay beeraleyda gudaha.

Beeraleyda galbeedka Somaliland oo labadii sano ee u dambeeyay abaaro hayeen ayaa iyaga oo ka faa’ideysanayay roobkii gu’ga tacbaday dalagyo kala duwan si ay uga soo kabtaan abaarihi naafeeyay wax soo-saarkoodi, laakiin markii ay dalagyadoodii suuq geeyeen waxay u waayeen suuq wanaagsan.

Previous Post

Somaliland: Beeraley ka cabanaya suuq la’aanta dalagyo ay goosteen

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA

Related Posts

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo

August 21, 2026
Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha

QIIMAHA XOOLAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-AUG-2026

IDAACADDA 25-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-AUG-2026
August 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-AUG-2026
August 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-AUG-2026
August 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-AUG-2026
August 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-AUG-2026
August 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo